Sign in to follow this  
General Duke

Latest TFG takes over large areas, Hotels, factories, weapons etc...

Recommended Posts

Dagaalkii Muqdisho oo saakay galey maalintii afaraad kana socdda deegaanka Towfiiq kadib markii Ciidanka dawladu la wareegeen dhamaan goobihii Shaley lagu dagaalamay.

 

Dagaal ayaa maalintii afraad si kulul uga soconaya Magaalada Muqdisho iyadoo goobihii shalay dagaaladu ka dheceen ay xasiloon tahay kadib.

 

Dagaal ayaa maalintii afraad si kulul uga soconaya Magaalada Muqdisho iyadoo goobihii shalay dagaaladu ka dheceen ay xasiloon tahay kadib markii ciidanka dawladu la wareegay dhamaan goobihii shaley lagu dagaalamey, dagaalka maanta ayaa ka soconaya agagaarka Hotel Towfiiq iyo Jiira garoob kadib markii ciidamada dawladu ay si toosa ula wareegeen dhamaan goobihii shalay lagu dagaalamay iyadoo wali la sii daba socdo kooxaha qarandiidka ah oo iyagu dagaal kula jira ciidamada isbahaysiga ee ku sugan Muqdisho.

 

Dagaalka maanta ayaa siwayn u ruxay xaafadaha ku dhaw dhaw hotel towfiiq iyadoo aysan jirin wax dhaqdhaqaaqa oo dadwaynuhu samaynayaan, dadka yar ee ku sugan xaafadahaasina ay miciin bideen inay geeda hoos galaan kadib markii laga cabsaday inay guryuhu ku soo dumaan madaafiicda awgeed.

 

Ciidanka dawlada federaalka ayaa si kafool kafoola dagaal dhinaca lugta ah ugula jira kooxaha qarandiidka ah iyadoo dhinaca madaafiicda goobtana ay ka caawinayaan ciidamada ethiopia oo iyagu madaafiic ku rakibtay goobo aad muhiim u ah si ay uga duqeeyaan xaafadaha ay ku jiraan maleeshiyadii ka hartay qarandiidka.

 

dagaaladii dhacay labadii bari ee la soo dhaafay ayaa ciidanka dawladu siweyn guulo uga gaareen kadib markii ay xoog uga saareen kooxaha qarandiidka ah aagagii ay horay dhufaysyada uga qoteen iyadoo maleeshiyada qarandiidka ah ay xaafadaha dhexyaacayaan qaab habqan ah kadib markii ay u adkaysan waayeen waxa ku soo dhacaya oo aan kala go'lahayn.

 

Warar xog-ogaal ah ayaa hoosta ka xariiqaya in madaxda dawlada somalia iyo saraakiisha ethiopia ay isla garteen in ciidanka lugta loo daayo somalida halka ciidamada ethiopia ay qaabilsan yihiin dhinaca madaafiicda goobta iyadoo meelaha la mari waayo ay labada ciidan isugu tagayaan.

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada carmooyin.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Oo Gacanta Ku Dhigtey Goobo Mihiim Ah.

 

 

Hotel Toowfiiq, Hotel Ramallaan, Waxar Cadde iyo Jiiro Goroob , Warshadda Baastada.

 

Remember that the remaining parts of the city were under TFG control.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warara goos goos ah oo ku saabsan dagaalada muqdisho ka socda

 

Waxaa ciidamada federalka iyo ku wa ithopia oo is kashayana ay gacanta ku dhigeen maxaabiis aad u tira badan iyo fariisimo cusub ayagoo maanta u eg inay ka gulaysteen arga gixisadii isugu jiray carab iyo ereteria iyo oromo iyo maleeshiyo beledyo yar waxaa kaloo naloo sheegay inay qabteen hub aad utira badan ayagoo hubkas qaar ku gubay garaash weyn qarna ay gacanta ku hayaan waxaana lasheegay in halkasi malayshiyo qaran dida ay qoryahoda iskaga carareen ayagoo u adkaysanm wayay waxa gobta ka dhacaya .

 

Waxaana dawala federalka somalia iyo kuwa ithopia ay isticmalayaan hub casri ah iyo dagaal meleteri tasoo kentay inay malayshiyadu ka cararaan hubkooda waxaa kaloo nalosoo sheegay inay ilaa 30 malayshiyo ah ay is dhiibtay ayagoo go doon ku ah mudo 3 bari ah meel garasha .

 

Intaas waxa dheer in idacada honafric oo u shaqayn jirtay maleyshiyo beled uuruka argagixisada oo maanta lasoo af jaray iyadoo lagu dhuftay 7 madfac .

 

Wariyuhu waxa uu intaa ku daray in malayshiyadu ay diyaar u yihiin inay isdhibaan tasoo kentay saaj l aaan ayagoo mel kasta laga xiray Xaq iyo baadil meel mawada maraan Alaahu akbar.

 

Matangabow muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Ciidamadii Itoobiyaanka oo maxaabiistii iyo sawaariiqdii ugu badneed looga qabsaday Hotel Ramadaan iyagoo hubkii ka qaatay Madaxtooyadda.

 

 

Dagaal nus qiyaamo ah oo isbiimeeyn watay ayaa saakay ka qarxay Hotelka Ramadaan ee Magaalada Muqdisho kadib markii shalay maqribkii xeelad Melleteri loogu baneeyay Ciidamada Itoobiya.

 

Ciidamadda Itoobiyaanka oo ilaa xalay heystay degaanka Ramadaan ayaa saakay ku waabariistay qaraxyo is daba jooga oo hareeyay degaankii ay heysteen kadib markii Remote-ka loo taabtay miinooyin ku aasnaa oo loogu tala galay in lagu halaago.marka ay is dhigtaan kadib.

 

Qaraxa miinooyinka kadib barahii ay ku sugnaayeen saraakiisha hogaamineeysay Ciidamada Itoobiya waxaa galay gaadiid xawaare ku socday oo ay saarnaayeen bambaanooyin,waxayna xoogaga kacdoonka bilaabeen dagaalo fool ka fool ah oo ay ku ciribtirayeen askarta firdhadka ah ee Itoobiyaanka.waxaana gacanta lagu dhigay afar askari oo mid korneyl yahay.

 

Xoogaga Kacdoonka ****** oo haatan la wareegay gacan ku heynta Hotel Ramadan,Fagax ,Lafweyn iyo Towfiiq ayaa gubay laba taangi iyo sedex uraal oo ku gubanaya wadooyinka degaankaas,waxaa kale oo ay xoogaga Muqdisho Itoobiyaanka ka furteen sawaariiq kala duwan oo dagaal.sida BM iyo Arti5.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ee Madaafiicda ka ridayay Madaxtooyada ayaa gantaalahoodii dagaal jiitay,waxaana qaarkood oo u gurmanayay kuwa Fagax laga gubay dhowr gaari sida ay sheegeen dadka degaanka Towfiiq.

 

Dowladda Itoobiyaanka oo manta jabkii ugu waynaa kala kulmay dagaalka Muqdisho ayaa la xiriiray odayaasha dhaqanka ****** iyagoo ka codsaday in dagaalka la joojiyo laakiin sida muuqato dagaalka waa ay adag tahay sida ay ku joojiyaan xoogaga Kacdoonka.waxaana muuqato in dabaaqtanka dagaal uu yahay in Itoobiyaanka Muqdisho looga saaro todobaadkii uu Melles Zenawi iclaamiyay in Muqdisho loo garba duubo Cabdilahi Yusuf iyo Maleeshiyadiisa Maxamud Saleeybaan.

 

Maleeshiyooyinka reer Puntland ee ku sugnaa Madaxtooyada ayaa laga ogolaaday inay isi soo dhiibaan oo si nabad gelyo ah looga iibiyo hubka ay heystaan.dabadeedna gaari loo saaro degaanadii ay ka yimaadeen markii hore.

 

Dagaalka Muqdisho ka socda waxaa markii ugu horeeysay ka qaybqaadanaya Haween iyo Caruur aan qaangaarin ee 14 jira ah.taas oo muujineysa in dagaalka uu galay waji xasaasiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Janaraal Duug propoganda machine iga dheh. Ogow in magacaagu uu candidate u yahay for the war crimes case and for advocating the killing and destruction of civilians...lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Here is an anti-governemnt portal reporting the capture of clan courts HQ Hotel Ramadan, yesterday

 

Ciidamada DFS oo kaashanay ciidamada Ethopia oo la wareegay gacan ku heynta Hotel Ramadaan iyo goobo kale

 

Muqdisho - Daqiiqada kahor ayaa waxaa u suura gashay ciidamada DFS oo kaashanay kuwa Ethopianka in ay la wareegaan gacan ku heynta fagax iyo Hotel Ramadaan ayadoo sidoo kale lagu soo waramayo ciidama Ethopian hor leh in ay soo gaareen goobaha dirurtu ay sida ba'an uga socoto

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada Muqdisho oo weli dagaalo ka soconaayaan, iyo meydad jidka waran

 

22, Apr 2007. Xassan Cali Geesey Alqes

 

Muqdisho - Dagaala qaraar ayaa wali waxa ay ka soconayaan magaalada Muqdisho oo u dhaxeeya ciidamada DFS oo kaashanaya kuwa Ethopia ayadoo ay meydadka jidka waran yihiin, dagalaadan oo socda maalinitii afaraad ayaa shalay wuxuu ahaa midkii ugu qaraara ee soo mara magaalada Muqdisho.

 

Goobiha Fagax, Siisii iyo Hotel Ramadaan oo ay sida ba'an dirurta shalay ugu socdeen ayaa dhamaan saakay degan, waxaana lagu soo waramayaa in DFS oo kaashanaya ciidamada Ethopia ay u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan inta baddan aagagaassidoo kale Hotel Bin Cali ayaa lashegayaa in ay lawareegen ciidamada DFS iyo ciidamada Ethopia, ayadoo duqeynta madaafiic weli lagu duqeynay goobo baddan ay ka mid yihiin Huriwaa, Jungal Towfiiq, KKP, Taleex, oo ka tirsan magaalada Muqdisho, madaafiicdaa ayaa bar bar socda Hoobiya yaal lagu garaacayo meela ay ka mid Stadium Muqdisho.

 

Xalay ayaa lagu soo waramaya in dagaala ba'an ay ku dhex mareen magalada Muqdisho ciidamada DFS oo kaashanaya kuwa Ethopia ayadoo goobaha sida xun ay dagaaladu ugu socanayeen ay ahaayeen xaafada Xararyaale ee degmada Wardhiigley, waxaa larumeysan yahay in ka baddan 60meeyo ay ku nafweysay dagaaladi shalay illaa iyo xalay tira intaas ka baddana ay ku nafweysay bubur iyo qasaarooyin kalana aan la qiyaasi karin, saakay ayaa waxaa magaalada lagu arkay dad raxan raxan u socda oo ka qaxaya dagaalada.

 

Dahanka kale R/wasaare Cali Maxamed Geedi oo wareysi siiyay idaacada Somaliweyn ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalada ay sii socon doonaan inta uu kasoo afjarmayo dagaalada, ayadoo oo ugu baaqay dadka reer Muqdisho in ay isaga guuraan goobaha ay dirurta kasocoto.

 

Geedi: "anigoo rabo in aan hoosta ka xariiqo shacbiga Soomaaliyeed iyo beesha caalamkana ugu cel celiyo dagaalka muqdisho kasocda uu yahay mid u dhexeeya Argagaxiso iyo isbaheysi ay wataan Alqaacida iyo ciidamada DFS oo ay is baheysanayaan ciidmada Ethopia, "Arintaas laga qarin maayo anagu waan ognahay aduunkana wuu ogyahay.

 

Geedi aya sidoo kale arimmo baddan kaga hadlay wareysigaas, waxaa la rumeysan yahay dagaaladaan in ay yihiin dagaaladii ugu xumaa oo ay soo maraan shacabka ku dhaqan magaalada muqdisho.

 

 

Xassan Cali Geesey (Alqeys)

alqeys34@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Ah getting upset are we? Anyhow that reincarnation of the man who was so proud of the rapes that took place in refugee camps, can say what ever he wants right. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo kale ayaa weli maalintoodii afaraad ka jira inta u dhaxeysa, isgoyska Fagax, iyo hoteelada Ramadaan iyo Laf-weyn, waxaana warar soo baxyaa ay sheegayaan in hotelka Ramadaan oo ay markii hore kaabiga ku hayeen xoogaga diidan Itoobiyaanka ay dib u garasho ka sameeyeen, taasoo u suuro gelisay Itoobiyaanka inay qabsadaan.

Dagaalada ayaa haatan xoogooda waxay ka soconayaan, aagaga Fagax iyo Jamhuuriya, iyadoona Madaafiic laga tuurayo fariisimaha Itoobiyaanka ay guri-guri ugu dhacayaan Xaafadaha Xamar-bile, Baar Ayaan, ilaa Towfiiq.

 

This is Dayniile slant, its difficult for them to admit it but the truth is coming out ever so slowly.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkii Muqdisho oo saakay galey maalintii afaraad kana socdda deegaanka Towfiiq kadib markii Ciidanka dawladu la wareegeen dhamaan goobihii Shaley lagu dagaalamay.

 

Dagaal ayaa maalintii afraad si kulul uga soconaya Magaalada Muqdisho iyadoo goobihii shalay dagaaladu ka dheceen ay xasiloon tahay kadib.

 

Dagaal ayaa maalintii afraad si kulul uga soconaya Magaalada Muqdisho iyadoo goobihii shalay dagaaladu ka dheceen ay xasiloon tahay kadib markii ciidanka dawladu la wareegay dhamaan goobihii shaley lagu dagaalamey, dagaalka maanta ayaa ka soconaya agagaarka Hotel Towfiiq iyo Jiira garoob kadib markii ciidamada dawladu ay si toosa ula wareegeen dhamaan goobihii shalay lagu dagaalamay iyadoo wali la sii daba socdo kooxaha qarandiidka ah oo iyagu dagaal kula jira ciidamada isbahaysiga ee ku sugan Muqdisho.

 

Dagaalka maanta ayaa siwayn u ruxay xaafadaha ku dhaw dhaw hotel towfiiq iyadoo aysan jirin wax dhaqdhaqaaqa oo dadwaynuhu samaynayaan, dadka yar ee ku sugan xaafadahaasina ay miciin bideen inay geeda hoos galaan kadib markii laga cabsaday inay guryuhu ku soo dumaan madaafiicda awgeed.

 

Ciidanka dawlada federaalka ayaa si kafool kafoola dagaal dhinaca lugta ah ugula jira kooxaha qarandiidka ah iyadoo dhinaca madaafiicda goobtana ay ka caawinayaan ciidamada ethiopia oo iyagu madaafiic ku rakibtay goobo aad muhiim u ah si ay uga duqeeyaan xaafadaha ay ku jiraan maleeshiyadii ka hartay qarandiidka.

 

dagaaladii dhacay labadii bari ee la soo dhaafay ayaa ciidanka dawladu siweyn guulo uga gaareen kadib markii ay xoog uga saareen kooxaha qarandiidka ah aagagii ay horay dhufaysyada uga qoteen iyadoo maleeshiyada qarandiidka ah ay xaafadaha dhexyaacayaan qaab habqan ah kadib markii ay u adkaysan waayeen waxa ku soo dhacaya oo aan kala go'lahayn.

 

Warar xog-ogaal ah ayaa hoosta ka xariiqaya in madaxda dawlada somalia iyo saraakiisha ethiopia ay isla garteen in ciidanka lugta loo daayo somalida halka ciidamada ethiopia ay qaabilsan yihiin dhinaca madaafiicda goobta iyadoo meelaha la mari waayo ay labada ciidan isugu tagayaan.

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada carmooyin.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

DF oo soo bandhigtey hub ay qabatey

22 Apr 22, 2007 - 6:47:14 AM

 

Dowlada KMG ah ee Somalia ayaa maanta saxaafada u soo bandhigtay hub ay sheegtay in laga soo qabtay goobo kala duwan oo Muqdisho ku yaala, kuwaaso ay ku eedeysay inay adeegsan rabeen kooxo ay ugu yeertay Argagaxiso.

 

Xarunta dugsiga tababarka Xalane oo maanta hubkaasi lagu soo bandhigay ayaa waxa kamid ahaa miinooyin aad u waa weyn oo la sheegay in loogu tala galay Taangiyada, iyadoo ay ku jireen hubka qoryo aad u waa weyn oo qarax sameeya iyo bambooyin kala duwan.

 

Hubkaan ayaa la sheegay in laga soo kala qabtay xarunta Villa Baydhabo oo ay horey u degnaan jireen ciidamadii Maxkamadaha Islaamiga, iyo bakhaaro u dhow dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ee magaalada Muqdisho.

 

Goobta lagu soo bandhigay waxaa kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay Dowlada KMG ah ee Somalia oo ay kamid ahaayeen Wasiirka arrimaha gudaha Dowlada KMG ah ee Somalia Maxamed Max’ud Guuled Gacmo Dheere iyo Wasiir K/xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele, iyadoo dhinaca Midowga Afrika uu kasoo qeyb galay wakiilka u qaabilsan arrimaha Somalia Maxamed Cali Foum.

Sidoo kale, Salaad Cali Jeele oo maanta goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in Argagaxisa branch weyn ay ka furatay Muqdisho, balse waxuu sheegay in dowladiisa ay dhawaan cirib tiri doonto waxa uu ugu yeeray argagaxisada Muqdisho joogta.

Salaad waxuu sheegay in hubkaan maanta lasoo bandhigay ay yihiin kuwii lagu geystay qaraxyadii lagu kala qaaday Madaxweyne Yuusuf iyo Marxuum Ibraahim Shaaweey.

 

Soo bandhigista hubkaan ayaa kusoo beegmaya xili dagaalo qaraar maalintii afaraad ay ka socdaan gudaha magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this