Sign in to follow this  
Cowke

PM Sharmarke Friends House Conference. (Pictures)

Recommended Posts

Cowke   

SAM_0115.JPG

SAM_0066.JPG

SAM_0066.JPG

SAM_0049.JPG

SAM_0052.JPG

SAM_0067.JPG

SAM_0038.JPG

SAM_0090.JPG

 

Xaflad Lagu soo dhawaynayo Wafdiga Raisalwasaraha DFKS Sharmarke oo Kadhacday Magaalada London ( Daawo Sawiro)

 

Jaaliyada Soomaalida magaalada London ku nool ayaa caawa xaflad qurux badan ugu qabatey Hall-ka Friends House oo ku yaal xaafada Euston wafdi balaaran oo u hogaaminaayo Raisal wasaaraha dalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo booqasho sadax maalin ah ku soo gaarey dalka Ingiriiska.

 

Xafladatan oo ay ka soo qayb galeen dad aad u badan oo Soomaali ah islamarkaana ka kale yimid dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada London iyo magaalooyinka Bermingham iyo Liecester.

 

Wafdiga Raisal wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa ilaa 5 Wasiir oo ka tirsan Dowladiisa sida Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta mudane C/risaaq Osman Juriile, Wasiirka Dib u heshiisiinta mudane C/rashiid Deeroow, Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/laahi Mohamed Cali Sanbaloolshe iyo Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga mudane C/raxmaan Cabdishakkur Warsame iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Soomaaliya

 

Ugu horayntii Xaflada waxa ayado qur’aan ah ku furay sheikh cabdiraxmaan , intaas kadib waxa mikrafoonka lagu soo dhaweyay warfaa cali axmed oo ku hadlayay magaca qabanqabiyasha xaflada iyo jaaliyada London ayaa sheegay in ay gacmo furan kusoo dhawaynayaan raisalwasaaraha.

 

Waxa halkaas kahadlay Madaxda ururada, waxaana kamid ahaa Gudoomiyaha Ururka SAHAL C/rashiid Dahir Axmed oo sheegay in ururka SAHAL ay ku takhasuseen horumarinta bulshada. C.rashiid ayaa sheegay in ay ku wacnaan lahayd in somalida lagu dhaqo hab federalism ah.

 

Waxa kaloo kamid ahaa madaxdi ururada ee halkaas kahadlay xasan xundubey oo ah gudoomiyaha New Somali Forum, Maxamed Axmed Dalab Gudoomiyaha Somali Peace Council , Gudoomiyaha Jaaliyada Birmingham Ciise Samow, Cabdirwali Maxamu Gurey oo kasocday Puntland Diasporo Forum, Dr qasim oo ah Gudoomiyaha jaaliyada Banadirika, , C/wali Maxamuud Shiikh Xasan (comden Somali Forum).

 

 

 

Shiikh Siciid oo kasocda hay’ada Culimada Somaliyeed .

 

Waxa kalo oo iyana Madasha Xaflada Kusoo bandhigtay Murtideedii Abwaanada inta badan Somalidu jecelyihiin Murtideeda Muna Axmed Cabdala(Diyaana).

 

Intaas Kadib waxaa Mikrafoonka Sidiiran loogu soodhaweyay Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta C/risaq Cisman Xasan (juurile), Wasiirka ayaa ka warbixyay xaalada guud ee Dalka ,

 

Waxa Kaloo isna xaflada Kahadlay Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/laahi Mohamed Cali Sanbaloolshe oo kawarbixyey Xaalada Amniga sheegayna in Xaalada amniga cagiranyahay hadase Ciidamo looso tababaray.

 

Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga mudane C/raxmaan Cabdishakkur Warsame ayaa kahadlay saxiixa uu dowlada Kenya u saxiixay in bada Somalia ay qayb ka qaadado ayaa shegay in raisalwasaaruhu ku amray in uu saxiixo isla markaasna wixi su’aalo ah la weydiiyo Raisalwasaaraha.

 

Ugu dambayntiina waxaa micrafoonka lagu soo dhaweeyay Raisal Wasaaraha dalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo dadka intiisa badan ay aad ugu dhaga taagayeen qudbada Raisal wasaaraha uu u jeedin doono jaaliyada magaalada London ee soo buux dhaafiyay Hallka xaflada ka dhacaysay.

 

Sacab iyo heesta calanka Soomaaliya ayaa lagu bilaabay inta uusan hadlin Dr

Cumar Cabdirashiid , dadkii goobta buux dhaafiyayna way sara istaageen si ay u soo dhaweeyan raisal wasaaraha, waxayna luxayeen calanka dalka Soomaaliya ee quruxda badan, Raisal wasaaraha ayaa ku bilaabay salaan iyo ka mahadcelin soo dhawaynta sharafta badan ee loogu sameeyay magaalada London iyo dadkii soo qaban qaabiyay iyo dadkii kale ee ka soo qayb galay, waxana uu warbixin kooban ka bixiyay safarka ay ku joogaan magaalada London islamarkaana ay caawa saq dhaxe safar kale ugu bixin doonaan caasimada dalka Biljamka ee Bruxsells si ay kaga qayb galeen shir ay la leeyihiin European Union madaxdooda sida Luis Micheal iyo Borosso .

 

Raisal wasaare Cumar Cabdi rashiid ayaa ka hadlay xaga amaanka iyo dowladiisa mudada 9 bilood ay jirtey waxyaabihii ay qabatey, xaga amaanka waxa u yiri Dowladiisa inaysan dhaxlin ciidan dhisan iyo nidaam balse ay magaalada Muqdisho ugu tagtey labo ciidan oo iska soo horjeeda oo is dili jirey, (ARS V TFG), waxay nagu qaadatey mudo badan sidii labadaas ciidan la iskugu dari lahaa islamarkaana waxaan dowlada ku soo darnay rag badan oo markii hore naga soo horjeeday ayuu yiri Raisal wasaaraha.

 

Anaga waxaan wax ku raadinayno waxaa weeye waa Nabad, laakinse dadka Soomaaliyeed waxaa moodaa waxa ka socda inaysan indhaha iska tiri karin dalka waayo dadkii xaga fikirka ayaa laga soo galay dagaal aan ujeedo ama faa’ido laga helaynin ayaa lagu wadaa marka waxaas oo dhan waxaan uga bixi karnaa waa inaan midoowno gacmahana is qabsano dhamaanteen si aan dalkeena ugu soo celino Nabad iyo amaan.

 

Maxamuud Maxamed Xasan Shire (Boocame)

London Uk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Of course it was nice welcoming and some serious issues discussed, only thing missing was the red carpet and rod. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

^peace, they even dressed them in a Black, just like they in funeral. Arab like people..

 

in another note, Mr.Cowke pro Xukuumada muu aha isaga? mise PM ka ay isku tuulo yihiin.?

 

 

Jb, Salaan Sare Korneel.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

..so much for the Qarxis now, yaan laygu kaa sawirin hadaba ninyahow!! Cowke nin mayal adag uu uu egyahay interms of politics.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

Waar there is a sub-clan called Kings ,,,, Cowke says he is from that sub-clan and Sharmarke is his cousin ,,,
:D

Cowke is a "mole" from Galmudug according to General Duke. :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this