General Duke Posted June 18, 2006 Baydhabo: Saxafiyiin maanta lagu soo wareejiyay Garoonka diyaaradaha Baydhabo si ay u xaqiijiyaan Joogitaanka ciidamo Itoobiyaan ah. Sunday, June 18, 2006 APL Tool Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email -------------------------------------------------------------------------------- Print This Article | Daabaco warkaan Baydhabo(AllPuntland)- Taliyaha ciidamada ilaaliya garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo oo ay weheliyaan xubno ka tirsan guddiga nabad galyada gobolka Baay ayaa maanta soo tusay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo iyo sidoo kale aagagga u dhow garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo suxufiyiin kala duwan.. Jamaal F . Aadan oo ah saxafi kusugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in suxufiyiinta magaalada Baydhabo ay tageen garoonka diyaaradaha, asagoo sheegay in lasoo tusay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo. Kormeerka suxufiyiintan ee garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ayaa timid xilli ay soo shaac bexeen warar sheegaya in garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ay joogaan ciidamo Itoobiyaan ah. Waxaa uu Jamaal oo u waramayay Radio Daljir uu sheegay inaysan soo arag ciidamo Itoobiyaan ah oo kusugan deegaannada la geeyay oo ah garoonka iyo agagaarkiisa. Wuxuu kaloo sheegay in wariyayaasha lagu wargaliyay in loo geeyay halkaasi inay soo arkaan xaaladda ka jidha garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo iyo inaysan joogin ciidamo Itoobiyaan ah. Saxafiyiintii halkaasi Booqday ayaa sheegay inaysan soo arag cid aan ahayn ciidamo Soomaali ah oo ilaalinayay garoonkaasi. Tan iyo markii lagu dhawaaqay in ciidamada shisheeye ay yimadaan Soomaaliya ayaa waxaa durba soo baxayay warar sheegaya in Itoobiya ay joogto Soomaaliya wararkaas oo ilaa hadda wax rasmi u xaqiijiya la'layahay. CCC Farayaamo AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 18, 2006 Ever since the Parliment passed the FT proposal, those who are anti government and pro occupation have stepped up their LIES and begun to use the boggy word Amxara and Ethiopan troops are in Somalia. Lies only work for a while and will not change the end result. Quote Share this post Link to post Share on other sites