Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Af waakoo mey liki aamee

Recommended Posts

Meanwhile intaa meeshaan afka ku dheereyneyno, oo maalin walba isku jug dhaweyno, gacmo daalis iyo shabaka ka dirir, dad dibadjooga anaga camal ah ayaa wax tarooyo. Dadkaas camal haddee Soomaali badankeed wada ahaan lahayeen.

 

Deeq ka timid Jaaliyadda Soomaliyeed ee (Stoke-on-trent) UK oo maanta loo qeybiyey bukaanada la ildaran cudurka shuban biyoodka ee jiifa isbitaalka Banaadir

 

Deeq lagaceed oo gaaraysa US$ 370, ayaa maanta [Maarso 22] loo qaybiyay dad fara badan oo ku jira isbitaalka Banaadir, kuwaasoo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka oo mudooyinkanba fara ba’an ku hayey dad ku dhaqan qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya iyo magaaladan Muqdisho, iyadoo deeqdana dadkaasi cudurka la tabaaleysan loogu soo soo mariyey Weriye C/llaahi Xasan Sheekhaaloow oo ka tirsan Idaacadda Banaadir ee magaaladan Muqdisho oo sheegay mar uu warbixin ka bixiyay in lacagtaas uu soo diray Muxyadiin Maxamed Guuleed oo ah wakiilka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Stoke-on-trent ee Dalka Britain.

 

Lacagta ayaa waxaa u qaybiyay bukaanada cudurka shuban biyoodku u soo ritay ee ku jira Isbitaalka Banaadir Weriye Shiikaaloow iyo haweenka mas’uuliyiinta ka ah Ururka Horseedka Nabadda iyo Nolosha ee HINNA oo ahaa haweenkii ku guulaystay inay dib u faraan isbitaalka Banaadir Muddo sanooyin badan ah oo uu xirnaa ka dib.

 

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir C/llaahi Xaashi Kediye oo ka hadlay munaasabad kooban oo ka dhacday Isbitaalka ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid wax ku ool ah oo wax ka tareysa bukaanada jiifa isbitaalka ee la ildaran cudurka shuban biyoodka oo uu xusay iney heystaan dhibaatooyin culus oo dhinaca nolosha ah isagoo u mahad celiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London, waxaana uu ku boorriyay inay deeqo kale u soo diraan walaalahooda dhibaataysan.

 

Dadkii deeqdaan lacageed la gaarsiiyay oo qaarkood hadlay ayaa waxay u duceeyeen dadka soo gaarsiiyay ee walaalahooda, waxaana ay sheegeen in ay RABBI uga baryayaan inuu muraadkooda u sahlo Adduun iyo Aakhiro intaba.

 

Guddoonka Ururka Haweenka ee HINNA Marwo Madiino Maxamuud Cilmi (Madiino General) oo ka hadashay deeqdaan ayaa waxay si weyn uga mahadcelisay dadkii Soomaaliyeed ee soo gaarsiiyay deeqdaan ay u mahad celinayso sidoo kalena ay ugu bishaaraynayso inay gaarsiiyeen dadka Isbitaalka ku jira intooda badan, balse ay deeqo kale u baahan yihiin oo noocan oo kale ah, Sidoo kale Caasho Shaacuur oo ka mid ah Guddoonka HINNA ayaa waxay sheegtay in dadkaan deeqda la soo gaarsiiyay ay soo gaartay xilli ay u baahnaayeen.

 

shiiqaaloow3.JPG

 

Dadkaas baaba'san Eebbe ha caafiyo, kuwa wax usoo direyna Eebbe ha ugu mahadnaqo. If only some of us emulated them on some way.

 

Af wax ma taro, gacan [$$$] ayaa wax tarto ee meesha aan ka kacno.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this