Sign in to follow this  
General Duke

Marka: TFG forces clean up Bandits former JVA

Recommended Posts

Marka: Ciidamada Amniga ee gobalka Shabeelada Hoose oo howlgalo ka sameeyey Gudaha Magaaladaasi.

13. august 2007

 

Marka(AllPuntland)- Ciidamada dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ee gobalka Shabeelada Hoose ayaa waxa ay howlgalo ka sameeyeen gudaha Magaalada Marka ee xarunta Shabeelada Hoose.

 

Howlgalladan ayaa lugu soo qabtay kooxo Maleeshiyo ah oo amaanka Magaalada wax udhimayay ayadoo lasheegay in kooxahaasi lugu hayo Xabsiga dhexe ee Magaaladaasi sida uu sheegay Taliyaha Saldhigga Degmada Marko ee G/lle Maxamed Salaad.

 

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalladan siiwadayaan tan iyo inta Magaalada amaankeeda laga sugayo oo uu sheegay in bilihii ugu danbeeyey uu faraha ka sii baxayay,isagoo udigay kooxaha amaanka Magaalada khalkhalka galinaya oo uu sheegay in ay talaabo cad ka qaadaayaan.

 

Ciidamad dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa waxa ay wadaan howlgallo amniga deegaanadaasi ay ku sugayaan isla markaana ay doonayaan in ay ku soo qabqabtaan kooxaha lasheegayo in ay ka tirsan yihiin Haraadigii Maxkamadaha.

 

Taliyaha Saldhigga Degmada Marko ee G/lle Maxamed Salaad wuxuu kaloo sheegay in ciidankoodu wado dadaalo dadweynaha uu kaga dalbanayo in ay lashaqeeyaan ,isla markaana dadweynuhu yihiin kuwa uheelan.

 

Howlgalladan laga sameeyey gudaha Magaalada Marka ayaa waxa ay ka danbeeyeen markii dhawaan gudaha Magaaladaasi amaankeeda laga dayrinayay inkastoo tan iyo markii uu Maamulka dowladu gaaray uu soo hagaagayay.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada boolsika Gobolka Shabeelada Hoose oo soo qabqbatay kooxo burcad ah oo ay kujriaan Askar.

 

Ciidamada booliska degmada Marko ee xarunta Gobolka Shebeelada Hoose ayaa gacanta kuso dhigey ku dhawaad 10 ruux oo la sheegay inay ahaayeen burcad dhibaatooyin amaandarro ka waday degmada Marko.

 

Hawlgal ay fuliyeen ciidamada booliska Gobolka Shebelada Hoose ayaa lagu soo qabqabtay kooxo burcad ah oo dhibaato xoogan ku hayey dadka rayidkaa ee kusugan gobolka Shebeelada Hoose iyadoo haatan ay kuxiran yihiin kooxihii saldhiga degmada Marko .

 

Taliyaha Saldhiga degmada Marko C/le Maxamed Salaad (Sanjabiil) oo saxaafadda uga warabixyay kooxahaan la xirxiray ayaa sheegay in ay isugu jiraan kooxo burcad ah oo dhac iyo dhibaatooyin kale ugaysan jiray dadka rayikdaa ee kusugan degmada Marko iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo iyaguna amaandarooyin ka waday qaybo ka tirsan Gobolka Shabelada Hoose.

 

G/le Sanjabiil, wuxuu intaasi raaciyey in ragaan la soo qab qbatay ay kujiraan rag horay loo soo qab qabtay balse markii danbe la sii daayay isagoo sheegay in hada la keeni doono sharciga hortiisa si loogu qaado danbiga ay leeyihiin.

 

Waa tilaabadii ugu horeysan ee uu fuliyo maamulka gobolka Shebelada hoose tan iyo markii uu soo gaaray gobolkaas maamulka cusub ee dawlada Soomaaliya ay u magacawday gobolka.

 

Ma'ahan markii ugu horeysan ee la soo qabqbato kooxo burcad ah oo kusugan gudaha degmada Marko, ee dhibaatooyinka, dilka,dhaca,kufsiga isugu jira kula kaca dadka rayidkaa iyadoo marar badan oo hore gacanta lagu soo dhibay balse la sii daayey.

 

 

Allmudug.org news desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this