Jacaylbaro Posted June 20, 2009 Dhaq dhaqaaq ciidan oo ka imaanaya dhinaca dowladda kenya ayaa waxaa siweyn looga dareemayaa degmooyinka ka tirsan gobolka Gedo gaar ahaan Magaalooyinka Balad Xaawo iyo Ceelwaaq oo labaduba ku yaala sowdinta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Wararka naga soo gaaraya degmooyinkaasi ayaa sheegaya in dowladda kenya ay ciidamo fara badan ay soo buux dhaafisay xadka ay la wadaagto Soomaaliya,ilaa iyo iyo haatana lama oga sababta ka dambaysa ciidamadaani la soo dhoobay halkaasi,waxaan xirin gaadiid doonayay in ay gudaha Soomaaliya u soo gudbaan iyo kuwa kale oo doonayay in ay galaan Kenya. Gudoomiyaha degmada Balad Xaawo Axmed Max’ed Barkuus oo shabelle ay wax ka weydiisay ciidamada dowladda kenay ay soo buux dhaafisay xaduuda ayaa sheegay in uusan garanayn xiligaani sababta ka dambaysa in dowladda Kenya ay halkaasi ciidamo soo dhigto. Barkuus ayaa waxaa uu inataasi ku daray in arintaasi uu qadka taleefanka kula hadlay gudoomiyaha degmada Mandheere ayna ku balameen in ay maanta ku kulamaan Xaduuda si ay uga wada hadlaan xaaladaha ka soo cusboonaaday xuduuda u dhaxeysa labada dal. Ciidamada la soo dhoobay Xaduuda Kenya iyo Soomaaliya ayaa imaanaya markii maanta Dowladda KMG Soomaaliya ay ka codsatay wadamo ay ka mid yahay Kenya in ay Ciidamo si dhaqsi leh ay ugu soo diraan Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites