Sign in to follow this  
Jacaylbaro

jabhad cusub ee ka hortagta joogista Ethiopia ee Soomaaliya

Recommended Posts

Caasimadda Eriterea ee Asmara oo shalay lagaga dhawaaqay jabhad cusub ee ka hortagta joogista Ethiopia ee Soomaaliya

 

 

Xarunta dalka Asmara ee Eriterea waxaa maanta si rasmi ah looga dhawaaqay jabhad cusub oo dagaal ku qaadaysa gumeysiga Ethiopia ee uu ku hayo Soomaaliya,waxaana jabhaddaasi madax looga dhigay Xuseen Faarax Caydiid oo ah ku xigeenka ra’ iisul wasaare Geeddi iyo sheekh Shariif sheekh Axmed guddoomiyehii guddiga fulinta ee maxkamadaha iyo Shariif Xasan sheekh guddoomiyehii baarlamaanka.

 

Bayaan ay soo saartay jabhaddu waxay ku sheegtay in dawladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ay noqotay qalab lagu fushado siyaasadda Ethiopia, guddoomiyaha guddiga fulinta ee maxkamaduhu wuxuu sheegay in ciidanka Ethiopia uu maamulo ama uu gacanta ku hayo xabsiyo ku yaalo Soomaaliya kaaso la mid ah kii Guatemala wuxuuna codsaday in la dhiso maxkamad caalami ah si loogu soo taago criminals dagaalka ee Soomaaliya.

 

Sheekh Shariif oo isagu akhriyay bayaankaasi,shir jaraa’ idna ku akhriyay in duqayntii iyo duullaankii Ethiopia ee Soomaaliya ee intii u dhexaysay 29kii Maarso iyo kowda Abril ay keentay in ay ku naf waayaan 1680 ruux oo Soomaali ah boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen kuwona ay qaxeen.

 

Resource: Islamic today

 

Somaliweyn Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this