Jacaylbaro Posted April 19, 2007 Caasimadda Eriterea ee Asmara oo shalay lagaga dhawaaqay jabhad cusub ee ka hortagta joogista Ethiopia ee Soomaaliya Xarunta dalka Asmara ee Eriterea waxaa maanta si rasmi ah looga dhawaaqay jabhad cusub oo dagaal ku qaadaysa gumeysiga Ethiopia ee uu ku hayo Soomaaliya,waxaana jabhaddaasi madax looga dhigay Xuseen Faarax Caydiid oo ah ku xigeenka ra’ iisul wasaare Geeddi iyo sheekh Shariif sheekh Axmed guddoomiyehii guddiga fulinta ee maxkamadaha iyo Shariif Xasan sheekh guddoomiyehii baarlamaanka. Bayaan ay soo saartay jabhaddu waxay ku sheegtay in dawladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ay noqotay qalab lagu fushado siyaasadda Ethiopia, guddoomiyaha guddiga fulinta ee maxkamaduhu wuxuu sheegay in ciidanka Ethiopia uu maamulo ama uu gacanta ku hayo xabsiyo ku yaalo Soomaaliya kaaso la mid ah kii Guatemala wuxuuna codsaday in la dhiso maxkamad caalami ah si loogu soo taago criminals dagaalka ee Soomaaliya. Sheekh Shariif oo isagu akhriyay bayaankaasi,shir jaraa’ idna ku akhriyay in duqayntii iyo duullaankii Ethiopia ee Soomaaliya ee intii u dhexaysay 29kii Maarso iyo kowda Abril ay keentay in ay ku naf waayaan 1680 ruux oo Soomaali ah boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen kuwona ay qaxeen. Resource: Islamic today Somaliweyn Media Center Quote Share this post Link to post Share on other sites