Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Three generations perish in Mogadishu, 1 year old injured and two boys wounded

Recommended Posts

MUQDISHO: Warbixin ku saabsan Madaafiic xalay la isku weydaarsaday Magaalada Muqdsiho iyo khasaarihii ay geysteen.

 

Posted to the Web Mar 20, 07:18

 

 

Muqdisho (PP) – Weerarro madaafiic ah oo xalay ay isku weydaarsadeen Muqdisho kooxo aan la garanayn iyo sidoo kale ciidammada Dowladda iyo kuwa Ethiopia ayaa sababay geerida ugu yaraan 4-ruux inta la hubo iyo dhaawaca in ku dhow 15-ruux oo kale.

 

Kooxo aan la garanayn balse la sheegay inay yihiin kuwo kacdoon ka wada Muqdisho ayaa waxay madaafiic dhowr ah oo nooca hoobiyaha loo yaqaan ah la beegsadeen Dekedda weyn ee Muqdisho oo xilligaas ay ka socotay dajinta Qalabka Milateriga ee ay leeyiin Ciidammada Uganda.

 

Madaafiicdaan ayaa waxay sababeen sida Afhayeenka ciidammada AMISOM Captain Paddy Akunda uu u sheegay saxaafadda in dhaawacyo ay ka soo gaareen madaafiicdaas laba cunug oo xilliga madaafiicdu dhacaysay ku sugnaa bannaanka Dekedda weyn ee Muqdisho.

 

Dhaawacyada labadaas cunug ayuu sheegay in dhaqaatiirta AMISOM ay ku daweynayaan gudaha Dekedda weyn ee Muqdisho, wuxuuna dhanka kale uu sheegay inaysan jirin ciidammadooda cid kaga dhaawacantay qaraxyadii xalay oo qaarkood uu sheegay inay ku dhaceen bannaanka Dekedda.

 

“Ma jiraan madaafiic ku dhacday dekedda dhexdeeda, balse qorshaha sidaas ayuu ahaa, waxaana dhaawacmay oo qura laba cunug oo hadda lagu daweynayo isbitaal ku yaalla dekedda dhexdeeda, waxaana weerarradii xalay ay ahaayeen kuwo la qorsheeyay” ayuu yiri Captain Paddy Akunda.

 

Madaafiicdii xalay lala beegsaday Dekedda ayaa waxay ahaayeen tiro gaaraysa 14-madfac, waxaana qaarkood ay ku dhaceen xaafadda Xamar-jajab oo la sheegay inay ku dhinteen Haweeney Uur leh oo lagu magacabi jiray Xamdi, Gabar ay dhashay iyo hooyadii iyada dhashay, waxaana tani ay cabsi weyn ku keentay dadka deegaanka.

 

Dhanka kale isla qoyskaas waxaa ka dhaawacmay gabar yar oo 1-sano jir ahayd oo xilliga uu dhaawucu gaarayay ku jirtay dhabta hooyadeed, dadka xaafadda ayaa u sheegay Puntlandpost in arrintaas ay aad uga naxeen, ayna ka codsanayaan kooxaha wada weerarrada ka dhanka ah Ciidammada Dowladda ay siyaabo kale dagaalkooda u badalaan balse ay madaafiicda joojiyaan.

 

Madaafiic ka yimid dhanka Ciidammada Dowladda iyo kuwa Ethiopia oo Jawaab u ahaa hoobiyeyaashii lala beegsaday Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku dhacay qaybo ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaa waxay sababeen dhaawaca dad fara badan, iyadoo sidoo kalena sababy geerida hal qof oo meel ku dhow uu ku dhacay Madfac.

 

Weerarkii xalay lagu qaaday Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa wuxuu noqonayaan kii 8-aad ee ay kooxaha kacdoonka wada ku qaadaan Dekedda tan iyo intii ay dowladda Federaalka Soomaaliya la wareegtay gacan ku haynta Dekedda weyn ee Muqdisho oo haatan si caadi ah u shaqeynaysa wixii ka dambeeyay Maxkamadaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this