Jabhad Posted March 26, 2007 Very interesting article for the famous Xabasho orphans here in SOL prepared by the frustrated Pro-Geedi website, Midnimo.com Saraakiisha Dowladda Itoobiya ee ku sugan Muqdisho oo u muuqdaan kuwa Maamula Siyaasadda Dowladda Soomaaliya Shaki kuma jiro in Itoobiya xilligan Siyaasad ahaan iyo Nidaam ahaanba Maamusho Dowladda Federaalka ee uu Madaxweynaha ka yahay C/llaahi Yuusuf, taasina waxay shaki gelinaysaa hadalkii ahaa Itoobiya waxay ka baxaysaa Soomaaliya marka ay Soomaaliya soo gaaran Ciidamada Midowga Afrika. Saraakiisha Maamulka Adis ababa ka jooga Soomaaliya waxay shirar hoose iyo mid ballaaran la leeyihiin beelaha degan Muqdisho qaarkood oo ka hor yimid Siyaasadda Dowladda. Waa ay adag tahay in C/llaahi Yuusuf Madaxweynaha Soomaaliya iyo Cali Maxamed Geeddi Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda KMG ah ama Guddoomiyaha Baarlamaanka midna uu go’aanka Mustaqbalka dalkiisu gaaro, tallaabo kasta oo ay qaadayaan waa mid ay wax ka og tahay Itoobiya. Sidaas darted Dowladda Soomaaliya waxaa ku adkaan doonta inay helaan Kalsoonada Shacabka ay metesho, waxaana kor u sii kacaya dareenkii Nacaybka Itoobiya in kastoo la heli karo dad ku qanacsan Siyaasadda Itoobiya. Sida uu sheegay Cabdi Imaan oo ka mid ah odayaasha Beesha ****** ee ka soo horjeeda C/llaahi Yuusuf iyo nidaankiisa wuxuu yiri isagoo ka hadlayay Natiijada ka soo baxday kulan dhex maray Itoobiya iyo odayaasha ****** ee ka soo horjeeda Dowladda “ Wuxuu nagu yiri Sarkaalkii hoggaaminayay Ciidamada Itoobiya beledkan anaga ayaa Maamula waa inaad qaadataan amarkeena” Laakiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya Mr Gacama Dheere ayaa ku tilmaamay Itoobiya Saaxiibka dhaw ee Soomaaliya. Marka Soomaalida waa ay ku kala qeybsan yihiin Siyaasadda Itoobiya ku wajahan Soomaaliya, waxaana qiyaastii badan dadka ku xiran Siyaasadaha Carabta iyo Talyaaniga. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradiin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com www.midnimo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites