Sign in to follow this  
General Duke

Cabinet decides to move government to BaIdoa Jowhar, PM office in Mogadishu

Recommended Posts

Nairobi: Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Isku raacay in dawladu kusii shaqayso Baydhabo iyo Jowhar

- Monday, March 21, 2005 at 15:04

 

Nairobi (AllPuntland)- Kulankii Golaha wasiirada ee Dawladda FKMG ah ee saaka uga furmay Hotelka Silver Spring Hotel ee magaalada Nairobi,uuna shirdoonayey Ra'iisal wasaaraha Cali Maxamed Geedi ayaa waxay go,aan ku gaareen Wasiiradu inay dawladdu ku sii hakato Magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar inta magaalada Muqdisho laga dhigayo goob si nabad gelyo ah Hay'adaha dawladdu uga hawl gali karaan.

 

Golaha Xukuummadda ayaa waxay dood dheer ka yeesheen sidii dib loogu noqon lahaa iyo goobtii dawladda ku hakan lahayd,iyadoo 73 Wasiiro iyo Wasiiro mku xigeeno isugu jira ka dhiibteen fikirkooda ku aadan dib u laabashada,waxayna markii damne u codeeyeen meeshii dawladda FKMG ah Xarun ku meel gaar ah ka dhigan lahayd,iyagoo 63 Wasiiro iyo Wasiiro ku xigeeno ka kooban u coddeeyeen inay dawladdu ku sii shaqayso Baydhabo iyo Jawhar,halka 10 Wasiiro iyo ku xigeeno isugu jira ka baxeen ka dib markii looga adkaaday hadafkoodii ahaa in Muqdisho loo guuro,iyadoo si doo kale la isku raacay inay Xafiis Xukuummaddu ka furato Muqdisho sii qabta hawlaha loo baahan.

 

Xubnaha ka koobaa Wasiirada iyo Wasiiro ku xigeenada ayaa waxa ka mid ahaa Maxamed Qanyare Afrax,Muuse Suudi Yalaxow,Cismaan Xasan Cali Caato,Cumar Finish iyo xubno kale,waxayna sheegeen inaysan ku qanacsanayn goa,aanka Golaha Xukuummaddu gaartay ee ah inay lagu soo shaqeeyo Jawhar iyo Baydhabo,iyagoo tilmaamay inaysan jirin sabab looga leexdo magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

 

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Kulankii golaha wasiirada oo lagu kala dareeray natiija la´´aan ayadoo kulankasi ay isaga baxeen wasiiro ay kamid yihiin Maxamed Qanayre iyo Xaaji Muuse Suudi yalaxoow

Kulankii Wasiirada DFKMG oo la soo jediyey in madaxweynahana uu dago magaalada Baydhabo halka golaha wasiiradana ay dagayaan magaalada Jowhar tasoo keentay in gabi ahaanba lagu kala dareero shirkii sacaadaha badan loo fadhiyey .

 

Dooda markii ay bilaabatay ayaa durabadiiba isaga baxeyn wasiiro dhowr ah oo ay kamid yihiin Maxamed Qanyare, Muuse Suudi, Cismaan Caato, Cumar Fiinsh iyo qaar kale .

 

Waxaa wax la layaaba ah in laba meel ugu kala dagayaan madaxweynaha iyo dowladiisa tasoo ku tusayso in wali dowlada u bisleen in ay tagta magaalada Muqdisho, ilaa iyo hadana ma jirta meel ay ku qorontahay madaxweynaha iyo xukuumada in ay kala dagaan labo magaalo oo kala dheer oona suuragal aheyn in ay isugu tagaan baabuur waxa kaliya aysugu tagi karaana ay tahay Diyaarad .

 

Kulankii maanta ayaan ka soo bixin wax natiija ah ayadoona qolawaliba ay isaga tagtay goobta shirka ayadoo careysan , mana jirta cid saxaafada toos ula hadashay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Shirki golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee maanta ka dhacay Nairobi oo

Shirkan waxaa Gudoominayay Rasulwasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi waxaana ku Soo xaadiray73 iskugu Jiray Rasulwasaare ku Xigeeno Wasiiro wasiiro ku xigeeno&Wasiiru doowlayaal shirku waxa uu biloowday 11.30 Daqiiqo Saacada Nairobi,

 

Shirku waxa uu ku biloowday Afkaaro ay iswaydaarsanayaan Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya iyagoo ay halkaa ka hadleen ku dhawaad 42 Xubnood wasiiradu waxaa la siiyay 10 Daqiiqo oo ay ku cabiiraan afkaartooda iyagoo ka dooday halka ay xukuumadu uguurilahayd ,

 

Hadaba shirkaa markii Raysulwasaare Geedi ku dhawaaaqay in la codeeya ayaa waxaa shirka ka baxay 10 Wasiir oo uu ku jiro Raysulwasaare ku Xigeen ahna Wasiirka Warfaafinta iyo Afayeenka Xukuumada Federaalka Dr Maxamuud Jaamac Sifir, Wasiirka Aminga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax iyo XaajiMuusse iyo Xybnokalle,

 

Markii ay xubnahani shirka ka baxeen ayuu raysulwaarse Gedi xubnihii kalle ee Wasiirada ka codsaday in cod loo qaado iyagoo 63 Wasiiro iyo wasiiro ku xigeeni wasiiru doowlayaal iskugu jiraa ucodeeyeen in Xukuumadu ay Dagto Jawhar&Baydhabo,

 

Waxaa kaloo la go aamiyay in Xafiis laga Furo Muqdisho isla Markaana Nabadgalyada Magaalada Muqdisho lagu Sugo ilaa iyo 3-4 Bilood

 

Xubnaha Shirkan ka baxay waxa ay sheegayaan in ay sharci daro tahay in Golaha Wasiiradu ay iyagu Axdi qarameedka wax ka badalaan ayna tahay Arin utaala Baarlamaanka Soomaaliya waxaa kaloo ay Daliishanayaan in Qodobka 52 la jabiyay oo aysan sharci ahayn in Wasiiro ku xigeenadu ay fariistaan shirka Golaha Wasiirada,

 

Wasiirka Ganacsiga Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxow waaxa uuii sheegay in ay dhawaan soo saari doonaan war saxaafadeed ka turjumaya go aanka ay qaadan doonaan.

 

Golaha Wasiirada waxa ay 5 Bishan ansixiyeen in Soomaaliya la keeno Ciidamo ka Socda Midoowga Afrika oo aan loo kalla saarin Saf hore iyo Mid Danbe waxaa kaloo ay go aamiyeen in la keeno Ciidamo ka Socda Jaamacada Carabta,

 

Hase yeeshee Amuurtaas waxaa Gaashaanka ku dhuftay Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo iyagu sheegay in aan Soomaaliya looga Baahnayn Ciidamo ka socda Safka hore waloow Ansixintaa dhiigBadani ku Daatay,

 

Lama oga tilaabada Xigta iyo Samaynta ay ku yeelan Doonto Xubnaha Doowlada Amuurtani waxaase maalmahan soo ifbaxay Khilaafyo hareeyay Xubnaha Doowlada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabinet snubs Somalia's capital

Posted to the Web Mar 21, 17:33

 

_40949291_jowhar203bafp.jpg

 

Nairobi:-Somalia's exiled cabinet has voted to return to Somalia but not to the capital, Mogadishu, which the prime minister says is too dangerous. The ministers will instead go to the central towns of Baidoa and Jowhar until security improves in the capital.

 

However, 10 ministers, including key Mogadishu warlords, walked out of the meeting, before the vote was taken. Somalia has not had a functioning national government for 14 years and is divided between rival warlords.

 

Prime Minister Ali Mohammed Ghedi said the cabinet would leave Kenya "soon" but the international community would have to fund the relocation.

 

The vote was taken to sidestep a row over whether or not the government needed peacekeepers before setting up in Mogadishu, which had threatened to bring down the government.

 

Most dangerous

 

President Abdullahi Yusuf wants foreign troops, including from Ethiopia, but their involvement is controversial after previous wars between the two countries. If the government does not go to Mogadishu, it might not need any peacekeepers. However, Mr Yusuf was not at Monday's cabinet meeting, as he has travelled to the Arab League summit in Algeria.

 

Mr Yusuf was elected last year after two years of talks in Kenya. Mr Ghedi said the government would open a security office in Mogadishu, which he said was the most dangerous part of Somalia.

 

The decision was backed by 64 of the 74-member cabinet.

 

Warlord arrested

 

Among those who walked out were Osman Ali Atto, Musa Sudi Yalahow, Omar Finish and Mohammed Qanyare Afrah.

 

Between them, these men control most of Mogadishu and have been in the forefront of opposition to the use of foreign peacekeepers.

 

 

Somalia has an estimated 60,000 armed militiamen. Despite being in the government, their militiamen have not started to disarm. They said the cabinet did not have the right to change Somalia's capital.

 

Last week, Mr Yalahow was one of three Somali MPs arrested after a brawl erupted in parliament during a debate on whether to send foreign troops to Somalia.

 

East African leaders have offered to send some 6,800 troops from Uganda and Sudan. But some Somalia leaders fear that Ethiopians could eventually join them.

 

Source:BBC NEWS

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Maxamed Geeddi oo ku dhawaaqay in Golahiisa Wasiirada isku raaceen in Xarumaha Dowladda KMG ah laga dhigo Jowhar iyo Baydhabo.

 

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in Dowladda KMG ah ee Soomaaliya u guuri doonta magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar, halkaas oo sheegay in dowladu ku shaqeyn doonta ilaa iyo wax laga qabanayo xaalada Caasimadda Muqdisho oo sheegay inay tahay meel ammaan daro ka jirta.

 

Prof. Geeddi ayaa hadalkan sheegay waqti dheer kadib kulan maanta magaalada Nairobi ku yeeshen Golihiisa Wasiirada, fadhigaas oo looga hadlayay halka ay dowladda degayso ayaa sida muuqato kulankaas waxaa uu noqday mid la isku mari waayay, in kastoo markii dambe go’aankaas ka soo baxay.

 

“Dowladda waxay ku shaqeyn doonta magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo, go’aankaan waxaa qaatay 63 xubnood kadib markii ay is qortay 42 Wasiir oo ka doodeen halka ay dowladda degayso, dood dheer kadib go’aanka waxaa uu noqday in Baydhabo iyo Jowhar loo guuro â€ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

“Fadhiga saaka waxaa soo xaadirtay 73 Wasiir iyo aniga oo shir Guddoon u ahaa, markii codla ka qaaday aya waxaa shirka ka baxday 10 Wasiir†ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

10 Wasiir ayaa ka baxday shirka waxaana ka mid ahaa dadkii ka baxay Maxamed Qanyare, Muuse Suudi, Wasiirka warfaafinta Sifir, iyo xubno kale.

 

Waxaa kaloo la go'aamiyay in xafiis laga furo Muqdisho isla markaana nabadgalyada magaalada Muqdisho lagu sugo ilaa iyo 3-4 Bilood

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisal wasaare Geeddi: "Xukuumadu waxay isku raacdey in loo guuro Jawhar & Baydhabo"

 

Nairobi - 21.March.2005 Kulan aan caadi ahayn oo ay albaabadu u xirnaayeen oo ay maanya yeesheen Xubnaha Golaha Wasiirada DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa gabagabadisii 64 Xubnood isku raaceen in Xukuumadu si ku meel gaar ah Xarun uga dhigato Magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar.

 

Kulankan oo saaka ka furmey Hotel Silver Spring ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa ka soo qayb galey 73 Wasiir. Wasiiru dawlayaal, Wasiiro ku xigeeno iyo Ra'salwasaaraha DFKMG ah Prof. Cali Maxamed Geedi oo shir guddoominayey kulankaas.

 

Kulankii maanta oo inta badan si wayn doodo kulkulul uga dhaceen gaar ahaan halka Xukuumadu salka dhigan doonto marka ay ku laabato Dalka ayaa waxaa Xubnaha Wasiirada ee Kulankaasi ka qayb galey waxay doodoodu ku qotontey mid ay ku kala duwanaayeen halka ay Xukuumadu degayso.

 

Inta badan Xubnihii kulankaasi ka hadley ayaa waxay soo jeediyeen in xaalada amaanka ee Magaalada Muqdisho oo ah mid aad u liidata aysan xiligan suurta gal ahayn in Xukuumadu ay tagto Magaaladaas, iyagoo Xubnahaasi soo jeediyeen in Magaalooyin kale ay Xukuumadu si ku meel gaar ah ugu sii nasato inta laga xasilinayo Amaanka Magaalada Muqdisho.

 

Dhanka kale qaar ka mid ah Xubnihii Shirkaasi ka hadley ayaa waxay soo jeediyeen iyadoo la ixtiraamayo sida ku qoran Dastuurka in Xukuumadu tagto Magaalada Muqdisho, iyagoo soo jeediyey in hadii amuurtaas aan la fulin inay imaan karto kala jab ku yimaada Xukuumada.

 

Ugu dambeyntii markii ay doodii qaraaraatey ayaa waxaa Ra'salwasaare Geedi oo ahaa shir gudoomiyihi Shirka wuxuu soo jeediyey in cod loo qaado arrinta ku aadan halka Xukuumadu degayso, waxaana 64 Xubnood isku raaceen in Magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar ay noqon doonaan halka ay Xukuumadu degayso, waxaana markiiba shirkii isaga baxay 10 Wasiir oo ka caroodey go'aankaas kuna tilmaamey mid aysan raali ka ahayn.

 

Ra'iisal wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa kulankaasi markii uu dhamaadey wuxuu Saxaafada u sheegay go'aankii la qaatay oo ahaa in Xukuumadu si deg deg ah ugu guurto magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar, iyadoo uu jirayo Xafiis laga furayo Magaalada Muqdisho oo hawlaha Xukuumada si ku meel gaar ah u sii wadaya.

 

Cali Maxamed Geedi oo ay Saxaafadu waydisiisay xiliga kama dambeysta ah ee Xukuumadu u ruqaansanayso Dalka ayuu wuxuu tibaaxay inaysan xiligaas si rasmi ah shaaca uga qaadi karin sababa jira awgood, oo ay ugu horeyso dhaqaale ay Xukuumadu ku guurto aysan haysan.

 

Prof. Cali Maxamed Geedi wuxuu hoosta ka xariiqey in Wadamada deeqaha bixiya looga fadhiyo sidii ay ugu taageeri lahaayeen Xukuumada dib ugu noqoshada Wadanka.

 

Dhanka kale Wasiirka Amniga Qaranka ee DFKMG ah ee Soomaaliya Maxamed Qanyare Afrax oo saxaafada la hadley ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in uu ka soo horjeedo go'aankaas.

 

Canab Mumtaaz

SBC Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha wasiirada oo go'aamiyay in dowladu u guurayso Jawhar iyo Baydhabo .... 21/3/05

 

 

10 wasiir iyo wasiir ku xigeeno ka cadhooday go,aankaas in Jawhar iyo Baydhabo loo guuro oo iskaga baxay markii codeynta golaha wasiiradu dhamaatay ...

 

63 wasiir/wasiiro ku xigeeno ayaa ogolaaday in dowladdu sii degto Jawhar iyo Baydhabo inta laga sugayo amniga Muqdisho.

 

Wasiiradan xanaaqay aya waxaa ka mid ah Muuse Suudi Yalaxow, Cusmaan Caato, Qanyare [/b]...

I see Aydeed Jr is again not in the list..

 

Somalitribune.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this