Sign in to follow this  
Xoogsade

Ciidamada Itoobiya oo weeraro xoogan kusoo qaaday aagaga Hotel Ramadan iyo Hotel Towf

Recommended Posts

Xoogsade   

Ciidamada Itoobiya oo weeraro xoogan kusoo qaaday aagaga Hotel Ramadan iyo Hotel Towfiiq.

 

 

Muqdisho 26 Abriil 07 (Beerdhiga ) Wax yar ka dib salaadii subax ayey ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan Taangiyo badan iyo madaafiic culculus weeraro xoogan ku qaadeen xoogaga muqaawamada ee ku sugan aagaga Hotel Towfiiq iyo Hotel Ramadan, halkaas oo ay kala kulmeen iska caabin xoogan oo kaga timid xoogaga muqaawamada ee halkaa ku sugnaa.

 

Ka dib markii dagaalku saacado socday waxay ciidamada Itoobiya horey ugu gudbeen dhinaca Ramadan meel aan wax badan ka fogeyn warshada Baastada iyo Ex- Control, dhinaca Towfiiqna waxay u gudbeen qeybo ka mid ah suuqa Towfiiq oo ay ilaa iyo hadda dagaal xoogan kula jiraan xoogaga muqaawamada.

 

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha kala gaaray labada dhinac, waxaase ku xasuuqmay madaafiicda ay ridayaan ciidamada Itoobiya dadweyne badan oo rayid ah, waxayna saaka madaafiicdaasi ku hoobsadeen laba Bas oo ay saarnaayeen dadweyne badan.

 

Waxaa saaka xiligaas dagaalku bilowday ilaa iyo hadda dul guuxaya magaalaa Muqdisho diyaarad mareykanku leeyahay oo ah nooca loo yaqaano AC 130 oo la filayo in ay si toos ah u hageyso ciidamada Itoobiya ee dhulka ka diriraya.

 

Weeraradan waxay kusoo beegmayaan xilli uu wada hadal u socday odayaasha Beelaha ****** iyo Saraakiisha Itoobiya ku saabsan sidii loo gaari lahaa heshiis xabad joojineyd.

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Beerdhiga macnaheeda maxaa loola jeedaa? kollay beerka qof dhulka saaray oo caloosha u seexday inay tahay waa iska caddahay laakiin dan kale maa laga leeyahay? In other words, does it denote a different meaning than what the word actually says?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this