Hunguri Posted March 22, 2007 Dowladda Federaalka oo sheegtay in aysan waxba ka jirin in ay dagaal kula jirto Beesha *Hawiyye* Khamiis, March 22, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay war ay shalay sii daayeen Oday dhaqameedyo iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha *HHawiyye*, kuwaasi oo sheegay in dagaalka Muqdisho ka bilowday uu u dhaxeeyo Dowladda Federaalka iyo Beesha *HHawwiyye*. Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere ayaa sheegay in dagaalka Muqdisho ka qarxay uu u dhaxeeyo Dowladda Federaalka iyo kooxo yar oo shacabka madaafiic ka dhex tuura. Wasiirka waxaa uu beeniyay in Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Beesha *Ha*wwiye* ay shir ku yeesheen Magaalada Muqdisho, isla markaana ay eedeyn u jeediyay Dowladda Federaalka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dadka shirka isugu yimid ay yihiin kuwo aan kalsooni ka heysan Beesha *HHawwiyye*, “HHawiyyye Meydadka jidka kuma jiido, Masjidyadana dadka kuma dilo ee waa dad taageersan Dowladda Federaalka”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay in haddii ay beesha *HHawiyyee* ka soo horjeeda Dowladda Federaalka aysan maalin joogteen magaalada Muqdisho. Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere waxa uu sheegay in Dowladda Federaalk ay si rasmi ah u bilowday howlgallo ay ammanka ku sugeyso, wuxuuna dadka ugu baaqay in ay ka dhex baxaan kooxaha gabaadka ka dhiganaya ee nabadgelyo darrada wada. Wuxuu difaacay Wasiirka Madaafiicda ay Dowaldda ugu jawaabeyso kooxaha ku soo qaada weerarrada madaafiicda ah, wuxuuna caddeyay in ay Dowladda xaq u leedahay in ay is-difaacdo, isla markaana ay magaalada ka sifeyso kooxaha falalka nabadgelyo darrada ah ka wada. Quote Share this post Link to post Share on other sites