Alle-ubaahne Posted November 5, 2006 The supporters of the Islamic Courts of Badbaado in Mudug with the help of Al-Furqaan Court are going to rock the region by showing the people the true taste of justice in Islaam, IA. ________________________ Ciidamada maxkamadaha oo dhaqdhaqaaq Milateri ka bilaabay deegaano ka tirsan gobolka Mudug iyo dagaal laga cabsi qabo inuu dhexmaro iyaga iyo… Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in shalay ilaa xalay uu halkaasi ka jiray dhaqdhaqaaq ciidan oo aad u xoog badan, kaasoo ay wadeen ciidamo ka tirsan maxkamadaha Islaamiga ah, gaar ahaan deegaanada Bandiiradley iyo Gelinsoor oo ay ku kala sugan yihiin ciidamo ka kala socda Col. Qeybdiid iyo Puntland oo dhinac ah iyo kuwa maxkamadaha. Wararku waxay sheegayaan in ciidamo ku hubeysan ilaa 30 baabuurta dagaalka ah oo ka socda dhinaca maxkamadaha ay xalay gaareen halka loo Farcaano oo ku taala deegaanka Bandiiradley, iyadoo la sheegayo iney ku sii wajahan yihiin magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaasoo dhowaan qeybta hoos tagta maamulka Puntland looga dhawaaqay maxkamad Islaami ah oo la magac baxday (Badbaado). Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in cabsi aad u fara badan ay halkaasi jirto, taasoo salka ku heysa suurtagalnimada dagaal ay fooda is daraan dhinacyada maamulka Puntland iyo Col. Qeybdiid oo dhinac ah iyo ciidamada maxkamadaha ee halkaasi ku sii siqaya, iyadoo mas'uuliyiinta ugu sareysa Puntland ay haatan ku sugan yihiin Gaalkacyo si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa ciidan ee ka jira gobolka Mudug. Nasrudiin Ceydiid Salaad (Diini), Muqdisho, Somalia diinicadde@hotmail.com Source: www.dayniile.com Quote Share this post Link to post Share on other sites