Sign in to follow this  
General Duke

clan courts to defend the lower shabbele from its Government [prize]

Recommended Posts

Maxaakiimta oo ka hadlay qabsashada Buurxakaba.

 

Allmudug.com 21-10-06 Afhayeenka midowga maxaakiimta muqdisho C/raxmaan Mudeey ayaa sheegay inay qabsadeen Degmada Buurxakaba ciidamo uu ku sheegay inay yihiin Ethiopian afhayeenka ayaa si cad usheegay in midowga maxaakiimtu ku jihaadi doonaan ciidamada qabsaday magaalada buurxakaba.

 

Isagoo sheegay in maleeshiyadii deegaanka iyo ciidamo maxkamada albayaan ka tirsan ay hada ku sugan yihiin meel aan ka fogayn degmada buurxakaba wallow ilo madaxbanaan xaqiijinayaan in ciidamadii horay ujoogay degmada buurxakaba isaga carareen aagaas.

 

Dhanka kale wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya aagaas ayaa sheegaya in ciidamo farabadan oo uu hogaaminayo Yusuf siyaad Indhacade ay ku soo jeedaan deegaanka Leego oo ku dhaw Degmada buurxakaba si ay difaac adag uga galaan maadama la sheegay in ciidamada Dawladu ku jihaysan yihiin Garoonka Balidoogle.

 

 

 

Cabdinuur Mohamed Seeraar

 

Xafiiska Wararka Allmudug

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Jananka, war tartiibso yaaqeey. Meesha ciidan maxkamad leedahay ma joogin. Ciidamada deegaanka ayaa joogay, haba iskala xiriir lahaadaan Maxkamadaha Xamar ka jiro.

 

Marka tartiibso. And I don't think ciidamo "dowlad" inay meesha ka jirto. The locals will interpret in laga qabsaday deegaankooda, which they will, of course, have a right to defend.

 

Si kale ayaa loogu dhaadhacsiin karay, not in lagu soo duulo, since meesha joogin ciidan maxkamad ka amarqaataan.

 

And of course Indhamadoowe will defend his occupied region. Maxaa ka galay Buurhakaba, ma asagaa xukumay awal? Waa maya hee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Saxib of course they are locals, like Inada CADE and Duxulow being locals to lower Shabbele. The millitia was being supported by the courts hence all the noise coming from Mogadishu and the build up in Balidoogle and other parts of the Shabbele. There is no difference between Baidoa and Bur they are both in Bay region and hence if the TFg troops want to move there they can.

 

Saxib there are Somali troops in the are, their comander is Agdaduud and they have more arms and men than you want to know. Somali's will get to know each other soon.

 

As for keeping calm all I am doing is putting the news forward as usual.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Are you comparing ciidamada deegaanka Buurhakaba heystay to Indhamadoowe? Waaka dartay, bas bas.

 

War meesha ciidan "dowlad" ma jirto. Afgaduudkaas aad isku haleyneysid meel uu gaaro arag. They pissed the ciidamada deegaanka u dhashay, not maxkamado.

 

Ciidamada deegaanka Buurhakabo always was neutral, oo xataa kama qeyb qaadan dagaaladii fooshxumaa ee RRA. Hada those fake ciidan beeleedka dowlada sheeganaayo isku diray meel ha gaaraan.

 

Ciidamada dowlada aad sheekeysid ii sheeg dad Soomaali kale oo ku jiro oo madax u eh. Kuwii Hiiraan laga keenay waa baxsadeen. Kuwii Geedi waday Baydhabo ayee ku ilaalinoyaan asaga kaligiis. Xataa ciidamada RRA kuma jiraan kuwa Buurhakaba kusoo duulay, waa kaliya Amxaaro iyo ciidan beeleedkaan. Waxee ka kooban yihiin iyo wax wato wa isku qabiil, ka biloow ninkaas Afgaduudka aad ugu waceysid.

 

As I said, waa laga dhaadhacsiin karay in a way oo dhanka dowlada loo soo jiido, since dadka deegaanka ku kala qilaafsanaa supporting Maxkamadaha ku sheega iyo dowlada. But now occupation ee noqotay sheekada. Sheekada now is occupation, ee Amxaar hala isku haleeyo mise yaala isku haleyn, sheekada waa xumaatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I agree with MMA. Dadka degaanka in guryahooda lagu duulo oo la "qabsado" wax shaqeeynaysa ma aha. Hadii shacabkii dowladda soo dhaweeyn lahaa lagu duulo, maxaa faa'iido ah oo ka soo baxaysa arrintaa?

 

Dhalinyarada aan arkayey ee markii bugtu dhacday kala cararay, waxay aniga iila ekaayeen ciyaalka xaafada oo dhowr tikniko haysta, ee uma ekhayn ciidan maxkamad kale leedahay oo meel kale ka soo duulay. IndhoCadde iyo ciddii kale ee Yeey raadinayona meesha ma joogin ee waxay ahayd khalad in Buur-Hakaba TFGdu ku duusho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

MMa $ Admn, Wasiirka u hadley dowladda wuxuu yiri inay dadka deegaanka ah ay codsadeen amaan sugid ay ka helaan dowladda , waana sida ay wararka kuwa gudaha iyo dibadaba ay qorahayaan. Wiilasha meesha laga qaadeyna waa kuwo markoodii hore dhibaato ku hayey magaalada, maamul iyo kala danbeyna ma leheen. Marka maxaa dhibaato ah haddii ay Dowladda timaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

According to the HornAfrik news cast, Aden Madoobe asked the TFG to bring the degmos of Diinsoor and Buur-Hakabo under the control of the Bay administration and, through that, the TFG's. Appearently Diinsoor and Buur-Hakabo were the only areas of Bay missing from the administration built for Bay shortly ago.

 

Can it not then be said that "dadka deegaanka" themselves were behind the capture of Buur-Hakabo from an armed minority?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Can Yeey finally deliver what his master Melez wants..?

 

Wararkii ugu dambeeyay ee degmada Buur-Hakaba..

 

Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa Magaalada Buur-Hakaba gacanta ku dhigay ciidamo isugu jiray Itoobiyaan iyo kuwa Dowladda Federaalka, kaddib markii uu dagaal aan sidaasi u weyneyn ku dhex maray Buur-Hakaba ciidamo ka tirsan Deegaanka, waxaana dagaalkaasi ku dhaawacmay labo ruux, iyadoo ciidamadii deegaanka ay u dhaqaaqeen dhinacaa iyo baadiyaha, iyagoo dhawr jeer halkaasi ka soo riday hub iyo rasaas.

 

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo galay Buur-Hakaba ay saldhig ka dhigteen buurta loo yaqaano Banooda oo saaran degmada Buur-Hakaba, waxaana la sheegay in halkaasi ay ku rakibteen qoryo waaweyn. Ciidamadii Dowladda ayaa u soo dhaqaaqay dhinacaa iyo Buulo Jameeco oo 15Km u jirta Magaalada Buur-Hakaba.

 

Ciidamo ka socda Maxaakiimta oo aad u fara badan kuna hubeysan Tikniko culus ayaa shalay oo dhan ku sii qulqulayey Magaalada Buur-Hakaba si halkaasi ugula dagaalamaan Ciidamada Itoobiyaanka ah iyo kuwa kale ee la scoda. Ciidankaan oo dhowr jiho isu qaybiyey ayaa waxaa la sheegay in xoogaa ay is tuurtuureen kuwa Itoobiya. Warar ayaa waxay sheegayaan in Gaari Zuu ah oo ay lahaayeen Ciidamada Dowladda halkaasi lagu gubay, waxaana gaarigaasi loo jiiday dhinacaa iyo Buur-Hakaba.

 

Max’ed Ibraahim Bilaal oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Al-Bayaan ayaa waxa uu sheegay in saacadaha soo socda ay gali doonaan Magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ay diyaar u yihiin in Gobalada Bay iyo Bakool ka saaraan ciidamada Itoobiya iyo kuwa garabka siinaya, waxayna wararka qaar sheegayaan in shalay Madaxweyne C/llahi Yuusuf Axmed kulan gaar ah la yeleshay saraakiisha ciidamadiisa uuna sheegay in ay u diyaar garoobaan dagaal lagu gali doono Magaalada Muqdisho.

 

www.somalitalk.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

C/llaahi Yuusuf oo lagu wado in maanta..

 

Warar aanu ka helnay Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maanta la filayo in uu booqasho ku yimaado Magaalada Buur-Hakaba oo ay haatan ku sugan yihiin ciidamo ka socda Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah.

 

C/llaahi Yuusuf ayaa la sheegay in uu khudbad u jeedin doono Dadweynaha Buur-Hakaba oo uu ka dhaadhicin in ay taageeraan Dowladda Federaalka ah, hase yeeshee warar kale oo aan helnay goor dambe ayaa waxay sheegayaan in C/llaahi Yuusuf uu ka baaqday Booqashadii Buurhakaba, kaddib markii lagu wargeliyay in ciidamada Maxaakiimta ku soo siqayaan magaaladaasi.

 

C/llaahi oo xiran labiska ciidamada ayaa la sheegay in uu shalay soo booqday xeryaha ciidamada, waxa uuna u sheegay in ay u diyaar garoobaan dagaal balaaran oo la sheegay in dhowr jiho ka bilaaban doono, balse C/llaahi uma caddeyn halka ay dagaaladaasi ka bilaaban doonaan.

 

C/llaahi Yuusuf oo dhawaan booqasho deg deg ah ku gaaray dalka Itoobiya ayaa halkaasi kulan gaar ah kula soo yeeshay Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya, kaddibna waxa uu soo gaaray Magaalada Nayroobi oo kulan kula yeeshay kooxda Contact Group, markii uu Baydhabo ku noqdeyna waxaa dhacay dagaal lagu qabsaday magaalada Buur-Hakaba, waxayna dadka siyaasadda u kuurgala sheegayaan in C/llaahi Yuusuf uu markaan haysto kalsooni buuxda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Dowlad beeleedka Yeey cannot survive outside of Ethiopian protected zones of Bay and Bakool regions.

 

"Wiilasha meesha laga qaadeyna waa kuwo markoodii hore dhibaato ku hayey magaalada, maamul iyo kala danbeyna ma leheen. Marka maxaa dhibaato ah haddii ay Dowladda timaado.

"

Are you saying dowlad beeleed will bring them kala dambeeyn iyo maamul fiican iyagoo kawarqaba men like Gen. Cali Madoobe are commiting crimes agains the people of Baydhabo city with impunity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ninka kibirku shaan-shaan ka riday waaye shaxartaanye

Misna wuxusan shaakada ku darin shiishka soo maqane'e

Inta shaqalka gaabani u jiro sheeg haddaad garato!

 

Buurhakaba qabashadeedu waa ficil quus ah! Cabdullaahi inuu qabbaan Ethiopia u nowdo iyo inuu Dawladnimo soomaaliyeed raadsho isku heliyo mayyo! Ethiopia's interference in Somali affairs is a particulartly pranounced fact. If indeed TFG's new strategy is to enter open conflict with the courts in the hope that foreign entities will support them, then time has come for the courts to slash and burn this incompetent entity for good! One can't finish building house of peace as it were if others busy themselves thwarting it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Thats not the case. The courts came through the gun. Horn is correct these areas are part of the districts of bay&bakool the armed groups who were ther were proxies for Inda Cade and the clan courts. they got the technicals and wepons from the clan courts with a view of protecting the lower shabbele froma precieved invasion. It was an extension if their power much.

They kept theatening the government every other day so this was to be expected.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this