Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: A weak move by Mesfin Melez : New PM is coming

Recommended Posts

In Ka Badan 110 Xildhibaan Oo U Fadhida In Ay Ra'iisul Wasaare Cusub Magacaabaan Iyo In Ay Sheekh Aadan Madoobe Beentii Uu Tirro Sheegtay Ku Marqaati Furaan ( Fadeexadii Oogu Weyneyd Sheekh Aadan Soo Marta )

Wararka deg-dega ah ee Caromooyin ka heleyso si toos ah magaalada Baydhabo waxa ay sheegayaan in ka badan 110 xildhaabaan oo aad u careysan in ay isugu yimideen xarun madaxtooyada Baydhabo, kuwaasoo aad ooga xumaaday sida sharci darada iyo qeyro mas'uulinimada xambaarsan ee uu ku dhaqmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe.

 

Warar Xog-ogaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in lagu wado in ay xildhibaanada liis saxiixan una gudbiyaan, tusiyaana adduun weynaha sida sharci darada leh ee uu amaankii iyo jiritaankii DFKGS uu qatar u galiyey Macallin Sheekh Aadan Madoobe.

 

Isla goobta ay xildhibaanada fadhiyaan ayaa waxaa lagu wadaa in sida oogu dhaqsaha badan lugu magacaabo Ra'isul Wasaare cusub, taasoo la saadaalin karin cida uu noqon doono.

 

Waxaase shaki ku jirin in Sheekh Aadan Madoobe iyo Nuur Cadde iyo inta yar ee taageersan heshiiskii qorsoonaa ee ay wada gaareen dhamaadkiisii lasoo gaarey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adeer my savious is Allah SWT. My hero is the legend Yusuf yey who has stood up to all, even chased you clowns around SOOL afew times.

 

Now Mesfin & Melez's move was expected nothing new and nothing major.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay ku dhawaaqida go'aanka shakhsiyadeed ee aan ka turjimeeynin Golaha Shacabka Somalia in yahay mid Aden Madoobe u gaar ah.

Isniin 15. 12. 2008

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Aaden Madoobe ayaa kaga dhawaaqay Magaalada Baydhabo go'aan aysan isku raacsaneyn baarlamaanka Soomaaliya,kaasoo sheegaya in uu Nuur Xasan Xuseen Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ay cod aqlabiyad leh siiyeen.

 

143 Cod ayuu sheegay Aaden Madoobe in ay ku meelmartay Xukuumadii horey Madaxweynaha Soomaaliya usheegay in ay dhacday, waxaana uu Aaden Madoobe sheegay in aysan waxba ka jirin go'aankii ka soo baxay Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa ku tilmaamay ku dhawaaqidii go'aankaasi mid ka soo horjeeda Axdiga udagsan dawladda Faderaaliga ah ee Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in uu Aaden Madoobe yahay nin galay Qayaano qaran, kuna shaqeeyey Laaluush, sida ay sheegayaan Mudanayaasha baarlamaanku.

 

Wararka cod helida Xukuumadii shalay dhacday ayaa aysan lasocon dadka badan oo Soomaaliyeed, waxa ayna dadku isweydiinayaan sababaha keenay in baarlamaanka la horgeeyo warqad uusan saxiixin Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan

 

Allidamaale@hotmail.com

 

Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com

 

Allidamaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this