Sign in to follow this  
Nur

Maxaad Jeceshahay?

Recommended Posts

Nur   

eNuri Somali Language Service

 

Oo aad Allah dartii uga tagi kartaa Allah dartii?

Presents:

 

 

Qofkii uga taga waxuu jecelyahay, Allah dartiis. Allah ayaa ugu baddala wax ka fiican.

 

 

Qiimaha daacadda Allah

 

 

Mahadoo dhan waxaa mudan Allah oo qudha, waxaan ku sallinayaa suubbanihii Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa iyo intu raadkiisa ku raacday wanaag.

 

Kadib, Waxaan ognahay in Allah uu ku uumay banii Aadamka labo sifadood oo ah wanaag iyo xumaan, dabadeedna Allah uu nagu abuuray caqli aan ku kala dooranno wanaagga iyo xumaha. Allah wuxuu leeyahay:

 

" Wa nafsin wa maa sawaahaa, fa alhamahaa fujuurahaa wa taqwaahaa, qad aflaxa man zakkaahaa, wa qad khaaba man dassaahaa"

 

Hadaba sida aayadda ay leedahay, waxaa guuleystay kii naftiisa nadiifiya, oo ku qurxiya naftiisa akhlaaqda fiican iyo daacadda Allah, waxaan kahasaaray kii qudhmiyay, oo naftiisa dhigay meel aan u habbooneyn. Sidaa darteed, banii aadanku waa imtixaanan yahay, si loo eego inuu naftiisa ka guuleystay oo uu nadiifayey iyo inuu naftiisa faraha ka qaaday oo uu qudhmiyey.

 

Nafta waxaa lagu qurxiyaa daacadda Allah, waxaana lagu qudhmiyaa in Allah lagu caasiyo. Laakin nolosha adduunka maadaama ay tahay mid imtixaan ah, badanaa in allah la addeeco oo la raaco dariiqa toosan sheidaanku wuxuu dadka u tusaa iney foolxun tahay, sidaa darteed waxaad argtaa nin dhar jeexan oo habaas leh oo uu rasuulku Saws leeyahay ninkan Allah agtiisa meel weyn buu ka joga, isla markaasna, nin kale oo qurxan oo maal leh oo araggiisa iyo ereygiisa uu ka cajabiyo ayaa Allah ku leeyahay Suuratul Munaafiqiin " Waa sida looxyaal meel lagu tiiriyay". Waxaa kaloo la soo wariyey in nin saxaabi ahaa oo lagu xifaaleyn jirey lugo yaridiisa in uu Rasulko SAWS yidhi lugihiisu Allah agtisa wey ka culusyihiin buurta Uxud, ( ama siduu yidhi rasuulku).

 

Hadaba, waxaan isla garannay in nolosha adduunku ay tahay imtixaan, qof walbana waxaa la imtixaanaa qaddar le'e inta iimaan uu leeyahay, sida ardayda loo imtixaano hadba inta cilmi labaray. Sida arday walba uu noloshiisa ku hormaro qaddar le'eg darajada cilmiga uu ka gaadhay, ayaa Muslim walba aakhiro uu ku gaadhaa darajadao iimaankiisa meel u qalanta, laakin waa maruu soo dhaafay imtixaan. Allah SWT wuxuu leeyahay: " ... Dadku ma wexey u maleeyeen in la iska dhaafayo markey yidhahdaan Allah ayaan rumeynay, ayagoon la imtixaanin" .

 

Ardayda markii la imtixaano danta laga leeyahay waa in la ogaado qaddarka cilmiga ah ay gaadheen, sidaasoo kale imtixaanka Allah uu imtixaano muminiinta waxaa Allah sheegay in maadaama asaga uu ogyahay quluubta, in aan annaga is ogaanno kuwa ay ka dhabtahay iimaanka iyo kuwa sheeganaya oo beenlowyaasha ah. Si markaas inta iimaanka leh ay wax u wada qabsato, iskana jiraan, ama u kaalmeeyaan kuwa fitnoobay oo aakhiradooda iibsaday, oo ku iibsaday qiime yar.

 

Ardayda cilmiga barata waxaa lagu imtixaanaa maaddooyin ( Subjects) kala duwan. Sidaasoo kale muminiinta maa daama Allah u sheegay wax ghaib ah sida jannada iyo naarta, waxaa lagu imtixaanaa in la horkeeno oo awood loo siiyo wax laga xaareemeeyay, dabadeed la qoro wexey sameeyeen.

 

1. Ninka tijaarada ka shaqeeya waxaa lagu imtixaanaa in u run sheego, maalkana uusan ku kasbin xaaraam, markuu kasbo maalkaasna inuu ku bixiyo sida Allah uu raalli ka yahay.

 

2. Ninka dhallinta yar, ama inanata dhallinta yar, waxaa lagu imtixaanaa in ay dareenkooda uusan ku xamabaarin iney xaaran ku dhacaan. Waxaa kaloo lagu imtixanaa iney waalidkooda addecaan ooy ku sabraan wixii ka soo gaadaha.

 

3. Qofka haweenta ah waxaa lagu imtixaanaa iney afkeeda ka adkaato, oo ayan haweenka kale xamanin, waan arrin ku adaga haweenta, haseyeeshee hadey Allah dartiis afkeeda uga adkaato, wexy heli kartaa iimaan weyn iyo farxad ka macaan weyey xanta ka heli jirtey.

 

Kuwaasi waa mataal, laakin qof walba waxaa lagu imtixaanay wax walba oo uu sheegto iimaankiisa, marka qofkii ku sabra daacadaa Allah, Allah ayaa wuxuu ugu baddalaa wuxuu ku sabray wax ka fiican.

 

Hadaba qofkii ka kaaftooma baryada dadka, oo foolxun, Allah wuxuu ugu baddala sharaf iyo deeq badan oo u helo, sababta dad badan ay faqir u yihiin waa baryada dadka darteed.

 

Qofkii ka taga beenta , Allah wuxuu ugu baddalaa xikmad, murti badan, caqli, geesinimo iyo sharaf iyo qaddar la qaddariyo.

 

Qofkii ka taga aragtida xaaraanta ah, wuxuu Allah ugu baddalaa aragtida wajiga Allah oo Kariimka ah maalinka qiyaamaha, iyo aragtida wax walbo oo ka farxiya nolosha adduunka, hadaba qofkii doonaya in uusan arkin wax ka nixiya, ishiisa ha ku tababaro ineyan daawan wuxuu Allah xaaraameeyay.

 

Qofkii dhallinyaro ah oo ka hara zinada, iyo fuxshiga, Allah wuxuu ugu baddala wuxuu ka haray wax ka fiican, guur wanagsan, iyo deeq badan, waxaa la sheegay iney faaxishada zinada ay dadka faqiir ka dhigto, sidaan hore meel kale ugu qoreyna faqiirnimada ma aha oo qudha lacagta, laakin waa rizqi yaraan, Rizqigana ma aha oo qudha lacag, laakin wuxuu galaa, caafimaadka, farxadda, cilmiga, xikmadda, xaaska, carruurta, shaqada, iwm., sidaa darteed waxaa dhici karta inaad aragto nin lacag badan oo faqiir ah, maxaa yeelay musiibooyin badan baa ku hareereysan oo kulligood qarash u baahan, taasoo ka dhigeysa faqiir lacag badan, dambi badni darteed.

 

Qofkii ka taga muranka iyo maa laa yacniiga, Allah wuxuu ugu baddala guri ku yaalla Jannada oo daris la ah Rasuulka SAWS.

 

Qofkii ka taga bakhailnimada, waxaa loogu baddalaa jeceylka dadka, oo jeclaada, iyo Allah oo uu u dhowaado, iyo nabada gal uu ka nabad galo walwalka adduunka,.

 

Qofkii ka taga kibirka, waxaa loogu baddalaa in laga kormariyo uunka, sharaf weyn loo yeelo, qaddarkiisana la sare mariyo.

 

Qofkii ka taga cabsida waxaan Allah aheyn, waxaa loogu baddala amaan, raaxo iyo xornimo dhab ah oo uu ka xoroobo wax walboo laga cabsado oon Allah aheyn.

 

Hadaba walaal, maxaad jeceshahay, ood Allah dartiis uga tagi, si Allah uu kuugu baddalo waxaad ka tagtay wax ka fiican?

 

 

Nur

 

 

eNuri SOFTWAANO SERIES

From my heart, to yours

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Ameenah

 

Iyo dhamman geeljireyaal

 

Tani waa xasuusin, hadaba , qofkii doonaa ha xasuusto, mana xasuusanno karro hadduusan Allah wax na xasuusin. Waxaan Allah baryeynaa inuu na waafajiyo wuxuu jecelyahay.

 

Walaal, Maxaad jeceshahay ood Allah dartii uga tagi kartaa?

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this