Sign in to follow this  
Xoogsade

Duqayn Ba’an oo ay Ciidamada Gumaysigu u gaysanayan Suuqa Bakaaraha iyo Nawaaxigiisa

Recommended Posts

Xoogsade   

Duqayn Ba’an oo ay Ciidamada Gumaysigu u gaysanayan Suuqa Bakaaraha iyo Nawaaxigiisa

Beerdhiga 17.01.2008 15:20

 

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa abaare 2:00 duhurnimo duqayn aad u ba’an ku bilabay Suuqa wayn ee Bakaara iyo Xaafadaha hawlwadaag, Baarubax, Balcksea iyo agagarkooda.

 

Madaafiicdan ay ciidamada gumaysigu la beegsadeen dadka rayidka ayaa waxay gaysteen qasaarooyin aan la soo koobi karin ayada oo aan la ogaan karin tirade dhabta ah oo ay gaysteen madaafiicda ay gumasigu ku hogaaminayaan Suuqa Bakaaraha iyo hareerihiisa.

 

Dad aad u fara badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo lagu soo qaaday gawaarida Basas ka ah ayaa waxay taagan yihiin laamiyadda 1 aad iyo labad ee Suuqa wayn ee Bakaaraha kuwaas oo ka gudbi la’a Isgoysyada Howlwadaag iyo Aadan cadde kadib markii ay jidadkaas xirteen ciidamada DFKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya.

 

Dadka dhawacyada ah ayaa dhiigbaxaya mana helin wax dhiig joojin ah ayada oo ay wali suura gali la’dahay in loo gudbiyo Isbitaalada Magaalada Muqdisho waxaana go’doon ku jira Suuqa Bakaraha oo dhinac ay ka soo duqaynayaan ciidamada gumaysiga Itoobiya dhanka kalena ay ka go’doomiyeen ciidamada DFKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga.

 

Waxaa la arkayaa dad aad u fara badan oo marba dhan u yaacaya kuwaas oo aan garanayn meel ay ka baxaan waxaana si ba’an ugu daadanaya madaafiicda sida arxan darrada ah ay u soo hogaaminayan ciidamada gumaysiga Itoobiya.

 

Madaafiicda oo wali soconaya ilaa iyo hadda oo ay saacaddu ku beegantahay 3:15 aya waxa laga soo kala ridaya Xaruntii Horay loo oran jiray Villa soomalia (madaxtooyo) iyo wasaaraddii hore ee gaashaan dhigga iyo goobo kale oo ay ku sugan yihiin ciidamada gumaysigu ayada oo marba marka ka danbeeysa ay soo kordhayaan khasaarooyinka ay u gaysanaya dadka rayidka ah ee ku sugan Suuqa Bakaaraha iyo xafadaha ka agdhaw.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this