Sign in to follow this  
miles-militis

Berbera - Caaqil Indha-case oo toogasho lagu dhaawacay

Recommended Posts

Caaqil Indha-case oo toogasho lagu dhaawacay

 

Berbera, 2 March 2004 (Jam)--Jiif Caaqil Maxamuud Maxamed Xandulle (Indha-case), oo ka mid ah Madax-dhaqameedyada Gobolka Saaxil ayaa shalay toogasho lagu dhaawacay, kadib markii uu rasaas ku furay nin ku hubaysan Bastoolad salaaddii duhur kadib Caaqilka oo maraya meel u dhow Hoteelka Shida-yare ee magaalada Berbera. Ninkaas oo magaciisa la yidhaahdo Cawaale Cabdi Cali, ayaa markiiba Boolisku qabteen, kadib markii uu isagu u cararay dhinaca Saldhigga Booliska Berbera, oo uu hadda ku xidhan yahay.

 

Waxa la sheegay in sababta falkani la xidhiidho aano dil ah oo horraantii sannadkii hore ee 2003, ka dhacday magaalada Sheekh, isla markaana lagu dilay wiil yar oo ay walaalo ahaayeen ninkan falka geystay, wiilkaas oo uu dilay wiil uu dhalay Chief Caaqil Indhacase, kaas oo hadda ku xidhan Xabsiga Berbera oo uu garsuge ku yahay.

 

Hase yeeshee, sida ay tibaaxeen ilo xogogaal ah muddadii ka dambaysay dilka wiilka yar waxa jiray is-afgaran-waa xooggan oo u dhexeeyey labada qoys ee dhalay wiilasha is dilay, kaas oo sababay falka toogashada ah ee shalay lala beegsaday Chief Caaqil Indhacase, kaas oo la sheegay in uu dhaawac culus ka qabo garab, isla markaana lagu daaweynayo Cusbitaalka Berbera, halkaas oo loola cararay markii xabbadu ku dhacday.

 

Tiroba dhawr jeer ayaa inta la ogyahay lagu fashilmay xal-u-helidda xiisad ka dhalatay dilka inanka yar oo u dhexaysa qoyskiisa iyo qoyska Caaqil Indhacase.

 

Link

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this