Sign in to follow this  
General Duke

Is an all out attack on Al Shabaab eminent ?

Recommended Posts

Waxaa sii xoogeysanaya wararka kasoo baxaya dalalka Maraykanka, Itoobiya iyo Kenya ee ku aadan dadaalada ay Dowladahaasi wadaan oo ay ku doonayaan in ay gacan militari kusiiyaan Dowlada Federaalka Soomaaliya inay dhawaan duulaan militari kula wareegto gacan ku heynta gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

 

Jaraa’idka Maraykanka iyo Kenya oo wax ka qoray abaabulka socda

Jariirada kasoo baxda dalka Kenya ee Daily Nation ayaa ayadoo xog kasoo xiganeysa xubno kamid ah Dowlada Kenya sheegtay in dhawaan dalka Soomaaliya la geyn doono 2,400 oo askari oo ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo bilihii lasoo dhaafay tababaro militari lagu siinayey xerada Manyani Kenya Wildlife Service ee ku taal gobalka xeebta saaran ee dalkaasi Kenya.

 

Jariirada Daily Nation ayaa sheegtay in ciidamadan u badan yihiin beesha ******* ee degta gobalka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya iyo koonfurta Soomaaliya, ciidamadan ayay sheegtay in la doonayo inay xarumo ka sameystaan gobalada Jubooyinka ee dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale dhanka Itoobiya waxaa ka socda abaabul kaas lamid ah oo ay Ciidamo kasoo jeeda gobalada Gedo, Bay iyo Bakool oo halkaasi tababaro loogu fidiyey lagu wadaa inay xadka Itoobiya kasoo tilaabaan si ay ulla wareegaan gobalada Galbeedka dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kenya iyo Qorshaha militari

 

Dowlada Kenya ayaa ayadu hada uu muuqata inay go’aansatay in ay si toos ah uga qeyb qaadato gacan siinta Dowlada Soomaaliya dhinaca militari, ayadoo horey Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kenya Mr.Mosses Watangula uu shirkii Midowga Afrika ka sheegay in Dowlada Kenya aysan gacmaha kasii laaban doonin xaalada dalka Soomaaliya oo uu sheegay inay saameyn ku yeelan karto xasiloonida dalkooda.

 

Ciidamada lagu aruuriyey dalka Kenya oo bilihii lasoo dhaafay halkaasi tababarka lagu siinayey ayaa la sheegay inay ay dowlada Kenya dooneyso inay noqdaan kuwo la dhex dhigo gobalada Koonfureed ee Soomaaliya ee saaran xaduuda Kenya iyo Soomaaliya si aysan halkaasi uga soo tilaabin xoogaga Islaamiyiinta ah ee Al Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Itoobiya iyo Maleeshiyooyinka ku sugan

 

Dowlada Itoobiya oo ayadu hada kahor faro gelin militari ku sameysay dalka Soomaaliya, ayaa xiligan si weyn ugu mashquulsan sidii ay u dhisi lahayd awooda ciidamo kasoo jeeda gobalada Gedo, Bay iyo Bakool oo dalkeeda kusugan muddo sanad ka badan, ciidamadaasi oo hada kahor dhaq dhaqaaqyo ka sameeyey koonfurta Soomaaliya, walow aysan ku guuleysan inay la wareegaan sadexdaas gobal ee furaha u ah galbeedka Soomaaliya.

 

Ciidamadan ayaa lagu wadaa inay kaalin weyn ka qaataan abaabulka ay dowlada Soomaaliya ku dooneyso inay ku hanato gacan ku heynta gobalada Koonfureed.

 

Shariif Xassan Shiikh Aadan oo ah Wasiirka Maaliyada iyo Raysalwasaare kuxigeenka ayaa horey dowlada Itoobiya codsi rasmi ah uu ugu diray uga codsaday in ciidamada Dowlada Itoobiya ay gacan toos ah ka geysato qabashada gobalada Gedo, Bay iyo Bakool.

 

Macada in codsigaasi ay Dowlada Itoobiya ka jawaabi doonto ama inay adeegsan doonto maleeshiyooyinka tababarka uga socday degmada Doolow.

 

Ahlu Sunna Waljamaaca

 

Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale wadahadalo magaalada Addis Ababa kula gashay xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca wafuud ka socda, kuwaasi oo ay kala hadashay sida ay isaga kaashan karaan dagaal ka dhan ah kooxaha mucaaridka dowlada ku ah ee Al Shabaab iyo Xisbul Islaam.

 

Shirkaasi muddada todobaadka ka badan ka socda Addis Ababa ayaa waxaa kasoo baxay qodobada ugu muhiimsan in Wasiiro kala gedisan Dowlada laga siiyo Ahlu Sunna Waljamaaca. Inkastoo aan heshiiskan lagu soo qaadin arrimaha militari ee iska kaashan doonaan labada dhinac, ayaa waxaa hadana lagu sheegay in heshiiskaasi haduu hirgalo ay Ahlu Sunna Qeyb ka noqoneyso Dowlada Soomaaliya.

 

Hadii heshiiskaasi uu hirgalo waxay u suurto gelineysaa in Dowlada Soomaaliya ay gacan ka hesho kooxda Ahlu Sunna Waljamaaca oo ayagu awood kuleh gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beesha Caalamka

 

Wadamada reer Galbeedka ee ayagu sida weyn u taageera Dowlada Soomaaliya, ayaa xiligan la sheegay in ay doonayaan inay arkaan tilaabo militari oo ay qaado Dowlada Soomaaliya, ayagoo u balan qaaday DFKMG inay dhaqaale ku siin doonaan sidii ay u dhisan lahayd ciidamadeeda, isla markaana ulla wareegi lahayd gacan ku heynta Koonfurta Soomaaliya.

 

Wadamada Reer Galbeedka ayaa ku dhiiri geliyey Wadamada Jaarka la ah Soomaaliya inay gacan militari iyo mid farsamo siiyaan Dowlada Soomaaliya, balse uga digay Wadamada Itoobiya iyo Kenya inay si toos ah ayagu dagaalada u galaan.

 

Wadamada reer Galbeedka ayaa sheegay in loo baahan yahay xiligan in Soomaalidu ay noqdaan kuwa gacanta ku dhiga amniga dalkooda, xiligana lagu tijaabin doono Dowlada Soomaaliya ee fadhigeedu uu yahay Muqdisho sida ay uga faa’iideysto taageerada siyaasadeed, dhaqaale iyo farsamo oo ay ka helayaan wadamada Beesha Caalamka iyo dalalka Jaarka la ah Soomaaliya.

 

Waxaanse la ogeyn in xoogaga lagu wado inay isbaheystaan ee Dowlada Federaalka, Maleeshiyooyinka lagu aruurinayo Kenya iyo Itoobiya iyo waliba dhaq dhaqaaqa Ahlu Sunna Waljamaaca, inay ka itaal roonaan doonaan kooxaha Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ee ayagu gacanta ku haya qeybo badan oo kamid ah koonfurta Soomaaliya.

 

Ahmed Musse

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

This time it looks it will be different. Instead of bringing foreign troops, they just want to engage other Somalis trained in those countries.

 

We shall see ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

This time it looks it will be different. Instead of bringing foreign troops, they just want to engage other Somalis trained in those countries.

I'd like to know if any contingency plans have been laid to tackle the power vacuum which is sure to be created in the territories under Al Shabab control, assuming of course, all these news reports about an eminent attack on the Al Shabab are true?

 

Once the Al Shabab are driven underground(which is their expected modus operand, when faced with a serious fight); what plan is there to avoid the new victors from turning on one another over the spoils, like last time, and give Al Shabab another reason to make a comeback??

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

Jug-jug meeshaada joog, miyaa sheekada? :D

 

My only true concern is that once the Al Shabab are driven underground, they will resort to their cowardly suicide bombs again, giving this sh!tty TFG government further headaches and more instability for the country.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

An all out attack my foot. :D

 

They'll come out of the two kilos they control like rioters coming out of a football stadium. The minute a couple of Alshabab bullets start hitting them they'll fall over themselves in trying to run back.

 

Without foreign intervention the TFG cannot really defeat ALShabab. One group is motivated by dreams of heaven and a righteous fight whilst the other is just treating it like a job. You know who is going to win this one.

Share this post


Link to post
Share on other sites

If there is war, Al Shabaab will be weakened a great deal, but not vanquished. Sharif Hotel is running out of time, one needs to look beyond the current chaos and what one sees is strange.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by NGONGE:

 

Without foreign intervention the TFG cannot really defeat ALShabab.
One group is motivated by dreams of heaven and a righteous fight whilst the other is just treating it like a job. You know who is going to win this one.

^

 

This point of view is pure hogwash: Just go ask Al Qaeda in Iraq and the Taliban about what thinking of "heaven" has done for them lately!

 

These Al Shabab apes can be humbled. However, such a task calls for a united and effective TFG.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this