SOO MAAL Posted April 9, 2005 GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA FEDERAALKA KMG, SHARIIF XASAN IBRAAHIM OO LOO DIYAARINAAYO IN UU DEGO AQALKII UU DEGGANAA C/QAASIM.Muqdisho Muqdisho - 05/04/2005 Xaruntii hore ee Madaxtooyada u ahaanjirtay dowladdii C/qaasim isla markaasna deegaanka u aheyd ayaa lagu wadaa in lasoo dejiyo guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Shariif Xasan Ibraahim,oo hor booda mid ka mid ah labada garab ee ay u kala jabeen dowladdii Mpagathi. Maanta ayaa la arkaayey C/qaasim oo u guuraya aqalkiisii hore ee dugsiga sare banaadir dhabarkiisa ahaa. Magaalada Muqdishu ayaa waxaa ka socda abaabul xooggan oo loogu diyaar garoobayo sidii loo soo dhoweyn lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariifka iyo xubno ka tirsan baarlamaanka ee daacadda u ah,kuwaasoo la filaayo in ay goor dhow soo gaaraan waddanka. Dadka howlaha soo dhaweynta ku mashquulsan ayaad arkeysaa in ay yihiin kuwo ku dhow dhow C/qaasim Salaad Xasan dhanka siyaasadda iyo dhalashada iyadoo warar hooasane ay sheegayaan in 45 cisho ka dib xilka laga qaadi doono madaxweyne C/laahi Yuusuf haddii uu imaan waayo magaalada Muqdishu marka laga bilaabo shirka ugu soo horeeya ee baarlamaanka uu kun qabsoomo caasimadda, markaasna la caleema saari doono madaxweynihii TNGda C/qaasim Salaad Xasan oo lagu wado in aysan cidi la tartamin. safiya abuukar karaani sofiyaloren@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites