General Duke Posted October 8, 2007 Shir khaas ah oo dhexmaray Puntland iyo Qaramada Midoobay Last Updated::2007-10-08 18:39:24 Garowe (HRNet):- Waxaa xarunta Madaxtooyada ee Caasimada Garowe kulan ku yeeshay Maamul goboleedka puntland iyo qaar ka mid ah Madaxda Qaramada Miodoobay. Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay u qaybsanaha Xiriirka qaramada midoobay ee Bani’aadanimada Mr Eric Lorich iyo xubno kale, dhinaca Puntland ayaa waxaa uga qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka ahna sii hayaha xilka, Madaxweynaha Xasan Daahir Maxamuud, Wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah Cabdi Salaad Cali, Wasiirka Waxbarashada Puntland Axmed Siciid Awnuur, wasiirka Caafimaadka Cabdiraxmaan Siciid Gacamey(dhagaweyne), Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska Caasha Geelle Diiriye, wasiirka xannaanada Xoolaha,Beeraha iyo Degaanka. Kulankan oo muddo saacado ah qaatay ayaa waxa looga hadlay arrimaha nabadgelyada, horumarinta mashaariicda. Waxaa kaloo si gaar ah looga hadlay warbixin ay soo saartay UNDP oo ka hadlaysa tirada dadka ku nool Soomaaliya Gaar ahaana puntland, warbixintaasi oo ay si weyn u dhaliishay Puntland. Ugu dambayntii ayaa waxaa laysku afgartay waxyaabihii looga hadlay kulankaasi. HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites