Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu admin defeats BAKARA warlord/traders

Recommended Posts

Ganacsatada suuqa Bakaaraha oo isku fidisay suuqyada magaalada Muqdisho

 

Muqdisho (WYNT)-Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa isku ballaarisay suuqyada ganacsi ee magaalada Muqdisho,iyagoo si tartiib tartiib ah culayska uga qaadaya suuqa ganasi ee Bakaaraha oo isagu mid aad u buux dhaafsan.

 

Ganacsatada ayaa sheegtay inay isku ballaarinayaan suuqyada kale ee magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay inay ka dhex baxayaan ciriiriga suuqa Bakaaraha iyo weliba qallalaasha joogtada ah ee hadda ka taagan.

 

Magaalada Muqdisho ayaa ka noolayd oo keliya marka dhinaca ganacsiga laga eego Suuqa Bakaaraha, taasi oo sababtay in suuqaasi noqdo mid ciriir ah oo buux dhaafsan,waxaana dadka ganacsada suuqaasi dhibaato xoogani ka soo food saartay dhinaca ammaanka oo maalmihii ugu danbeeyey waxaa suuqa lala beegsanayey bam gacmeedyo.

 

Dhinaca kale maamulka gobolka Banaadir ayaa hadda ka soo jeediyey ganacsatada Suuqa bakraaruhu ay isku ballaarinyaan suuqyada kale ee magaalada Muqdisho culayskana ay ka qaadaan Suuqa Bakaaraha si ay u sahlanaato in ammaanka la sugo.

 

Isku fidinta suuqyada kale ee magaalada Muqdisho ayey guul u tahay maamulka gobolka Banaadir, oo isagu hadda ka hor sheegay in la magaaleeyo demooyinka iyo suuqayadii horay loo cidleeyey ee ammaan darrada loga cararay.

 

Xarunta wararka Waayaha.net

 

Editor@waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ganacsatada suuqa Bakaaraha oo bilaabay in ay u wareegsadaan suuqyada kale ee Muqdisho

 

Mogadishu 16, July 07 ( Sh.M.Network)- Ganacsatada waaweyn ee suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in ay bilaabeen ka guuritaanka suuqaasi, iyagoo howlahooda shaqo u wareejiyay suuqyada kale ee magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha, Cali Max'ed Siyaad Cali Dheere oo shabelle u waramay ayaa waxa uu sheegay in inta badan ganacsatadii waaweyn ee suuqa Bakaaraha ay mar hore isaga guureen suuqa oo meelo kale ay u wareejisteen hantidooda.

 

Cali Dheere ayaa ku sababeeyay arintaasi falalka amni darro, qaraxyada iyo howl-gallada ciidan ee maalintii 12aad ka socda suuqaasi.

 

 

Cali Dheere ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia in iyagu ay noqdeen ilaalada iyo ganacsatada suuqaasi oo aaneey suurto gal aheyn in cid ay gudaha suuqa u gasho., waxaana uu ka jawaabayay su'aal la xiriirtey haddii ay jireen boob laga geystay gudaha suuqa, hasa ahaatee waxa uu tilmaamay dad gaaraya boqolaal oo u dhintey ama u dhaawacmay sababo la xiriira howl-gallada suuqa ka soconayay ka dib markii ay isku dayeen in howlahoodii caadiga ahaa ay suuqa ka wataan.

 

Cali Max'ed Siyaad Cali Dheere ayaa waxa uu tilmaamay in ganacsatada muddo 12 maalmood ka dib ay u wareegeen suuqyada kale ee magaalada Muqdisho sida Madiino iyo Kaaraan.

 

Cali Dheere mar la weydiiyay haddii uu xal u arko in saldhig ciidan laga sameeyo gudaha suuqa Bakaaraha ayuu ku tilmaamay mid aan suurto gal aheyn, isagoo yiri " qofka gurigiisa laga dhigo saldhig halkee ayuu ku noolaanaa".

 

Cali dheere ayaa sidoo kale warar la iska yiri ku tilmaamay wararka ka soo baxay maamulka gobolka oo sheegaya in suuqa Bakaaraha laga abaabulo dhibaatooyinka ka dhaca meelo ka mid ah caasimadda Somalia.

 

Guddoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa waxa uu ku celceliyay codsi uu u jeediyay dowladda KMG ah oo ku aadan in ay dib uga fiirsato talaabooyinka ay ka wado suuqa Bakaaraha oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo wax burburinaya marka loo fiiriyo dhibaatooyinka suuqa ku sii kordhaya.

 

Waxa uu ku dooday in suuqa uu dan u yahay cid walba oo ay ugu horreyso dowladda KMG ah, isagoo sheegay in mugdi uu soo galay nolosha dad fara badan oo aan aheyn ganacsatada oo kaliya, waxaana uu sheegay in suuqa ay ku tiirsan yihiin inta badan nolosha geeska Africa.

 

Hadalka Gudoomiye Cali Dheere ayaa ku soo beegmaya xilli wadooyinka ugu mashquulka badan ee suuqa Bakaaraha ay hadda yihiin kuwo firaaqo ah, waxaana uu ku tilmaamay in taasi ay tahay bandoow habeen iyo maalin ah oo uu ku macneeyay mid aan loo dulqaadan Karin.

 

Sidoo kale hadalka mas'uulkaan ayaa ku soo aaday xilli 12 maalmood oo la soo dhaafay suuqa ay ka jireen rabshado harqiyay oo maalin aan laga nasan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Booliiska dawlada FS oo sheegay inay sii wadayaan hawl galka Bakaaraha

 

Muqdish (WNT)-Taliska Ciidanka Booliska DawladaFS ayaa maanta mar kale ku celiyey inuu sii socon doono hawlka ka socda suuqa ganacsi ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

 

Booliiska ayaa sheegay in hawl galladaani sii socon doonaan inta suuqaasi ka noqonayo mid nabad ah oo ay istaagayaan weerarada laga soo qaado, waxaana uu sheegay nin booliiska u hadalay in hadda xaalladu ka soo raynayso.

Dawlada Fs ayaa qabta in suuqaasi lagu dhex qariyey hub iyo waxyaabaha qarxa oo qaybo ka mid ah ganacsataduna aysan ogolayn inay hubkaas banaanka u soo saaraan dabadeena lagu weeraro ciidamada Booliiska.

 

Horay ayaa maamulka gobolka Banaadir u sheegay in suuqaas oo u buux dhaafsan culayska laga qaado oo ganacsatadu isku fidiso degmooyinka kale ee magaalada Muqdisho oo horay ammaan darada loogaga cararay.

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa iyagu bilaabay inay si tartiib tartiib uga guuran suuqaas oo ay guuraan suuqyada kale ee magaalada Muqdisho.

 

Inkastoo ammaanku yara roon yahay ayaa haddana waxaa dul dhooban suuqa ganacsi ee bakaaraha ciidamo ay leedahay dawlada FS oo aad u xoogan.

 

Xarunta wararka Waayaha.net

 

Editor@waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Ciidamada dowladda oo maanta burburiyay dhismooyin ku yaal suuqa Bakaaraha

18. July 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada dowladda Federaalka oo isugu jiray Milateri iyo Boolis oo watay cagaf cagafyo ayaa maanta bilaabay tallaabo hor leh oo lagu burburinayo dhismooyin ku yaala suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

 

Howlahan burburinta ayaa ka danbeysay kadib markii maalintii 14-aad ay ciidamada dowladdu howlgalo lagu sugayo amaanka iyo kuwo baaritaan ay ka wadeen suuqa weyn ee Bakaaraha iyo nawaaxigiisa, halkaasoo ay ka dhacayeen qaraxyo loo adeegsanayey bambooyinka gacanta laga tuuro kuwaasoo dhaliyay dhimashada iyo dhaawaca dad isugu jira ciidamada dowladda iyo kuwo rayid ah.

 

Shlay ayey aheyd markii ay ciidamada dowladda ay adeegsadaan sunta dadka ka ilmeysiisa oo baqdin weyn gelisay dadkii ku sugnaa bartamaha suuqa iyadoo maantana ay bilaabeen in ay cagaf cagafyo ku burburiyaan dhismooyin sharci daro ah oo ku yaalay qeybta Galey iyo Dahablaha.

 

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa bilaabay in ay badeecooyinkooda ganacsi u soo rarraan suuqyada kale sida Suuq Bacaad, Xamar Weyne iyo Kaaraan kadib markii ay halkaasi u suurtageli weysay in ay ku ganacsadaan bacmadaa suuqaasi uu noqday goob ay isaga horjimaadaan ciidamada dowladda iyo kooxaha ka horjeeda oo la aaminsan yahay in ganacsatada ku lug leeyihiin gacanna ay ka siiyaan dhinaca dhaqaalaha.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowladda oo howl-gallo burburin ah ka sameeyay suuqa Bakaaraha

 

Mogadishu 18, July 07 ( Sh.M.Network)- Saraakiisha Ciidamada booliska G/ka Banaadir ayaa maanta ka warbxiyey howlo bur burin ah ay ka sameeyeen suuqa Bakaaro oo aan wax ganacsi ah ka jirin maalintii 14 aad

 

Gaashaanle Dhexe C/laahi Xasan Bariise oo maanta hor kacayey ciidamo howlo bur burin ah ka sameeyey goobo ka tirsan suuqa Bakaaraha ayaa shabelle uga war bixiyay howl-galkooda waxa uu ahaa iyo sida uu u dhacay.

 

Goobaha ay ciidamada Bur buriyeen ayaa waxaa ka mid ah Suuqa badarka lagu iibiyo ee bakaaraha, waxaana Gaashaanle Dhexe C/laahi Xasan Bariise oo ah taliye ku xigeenka qeybta ciidamada booliska g/ka banaadir uu sheegey in howl galadaasi ay yihiin kuwo lagu xaqiijinaayo amniga G/ka Banaadir, si loo helo waddooyin waa weeyn oo ay ciidamada Maraan.

 

Waxaa uu ku tilmaamey Gaashaanle Dhexe Cabdulaahi Bariise in dhismooyinka ay ahaayeen kuwo sharci daro ah islamarkaana ay ahaayeen meelo ay ku dhuumanayeen sida uu hadalka u dhigey kooxaha soo weerara ciidamada dowladda ee ku sugan suuqaaasi.

 

Gaashaanle Dhexe C/laahi Xasan Bariise ayaa waxaa uu sidoo kale sheegey in ay soo qab qabteen kooxo uu ku tilmaamey in ay ka dambeeyeen weerarada ka dhaca Muqdisho, kaasoo uu sheegey Bariise in ruuxii ugu dambeeyey ay maanta soo qabteen

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this