Sign in to follow this  
Juje

Go Geedi Go...!

Recommended Posts

Juje   

Musharaxa%20Geeddi.jpg

 

Prof. Cali Geedi oo isu soo sharaxay jagada m/weyne ee Somalia

gedisharax.jpg

 

R/wasaarihii Hore ee Somalia ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federalka Somalia Prof Cali Maxamed Geedi ayaa maanta waxa uu Hotelka Hilton ee Magaalada Nairobi kaga dhawaaqay in uu u taagan tartanka loogu jiro xilka Madaxweynaha Wadanka Somalia, ka dib markii maanta uu qada sharaf u sameeyey Xildhibaanada, iyo Dib lomaasiyiinta Caalamka, Siyaasiyiin iyo Somalida ku nool wadanka Kenya.

 

Xafladan oo si weyn uga muuqatay in waqti la galiyey abaabulkeeda ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas'uuliyiin kala duwan oo ka socday Dowladda Federalka, Beesha Caalamka, siyaasiyiin, iyo madax kale oo aad u fara badan, iyada oo ugu horeyntii halkaasi lagu soo bandhigay Taariikh nololeedka Prof Geedi, waxaana derbiyada goobta ay xaflada ka dhaceysay lagu hardhay sawiro kala duwan oo isgu jira Sawirka Prof geedi iyo Calanka Somalia waxaana muuqaalka si weyn u sii qurxiyey Haween iyo caruur si nidaamsan goobta loo keenay kuwaas oo marba ku luqeynayey heeso wadani ah oo si weyn ay ula dhaceen ka qeybgalayaashii Xaflada maanta.

 

gedisharax1.jpg

 

Inkastoo aanan goobta laga jeedin khudbado fara badan hase yeeshee waxaa la dhageystay Khudbadaha Gudoomiye xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Prof Maxamed Cumar Dalxa, iyo Musharax Cali Geedi, waxaana ugu horeyn hadlay Prof Dalxa oo si weyn u soo dhaweeyey Musharaxnimada uu ku dhawaaqay Mudane Cali Maxamed Geedi , isaga oo ku tilmaamay halyeey wadani ah si weyna uu ugu kalsoon yahay hadii la doorto in uu wax badan ka qaban karo xaalada wadanka soomaalia ay ku sugan tahay, isaga oo mararka qaar soo qaadanayo sareeebo iyo xikmado sii dhiiri galineysay Musharaxa.

 

Prof Dalxa waxa uu cadeeyey Cali Maxamed Geedi in uu si weyn u yaqaano nidaamka dowliga ah iyo shruucda dowladda federalka ee somalia,uuna aaminsan yahay maanta in aysan u muuqan nin kaga mudan xilkaasi in uu qabto , isaga oo ku celceliyey hambalyada Musharaxnimo , waxaana uu ugu dambeyntii uu tilmaamay somalia maanta in ay u baahan tahay halyeey badbaadin karo si loo samata bixiyo Umada Soomaaliyeed oo dalka gudahiisa iyo dibadiisa ku dhibaateysan.

 

gedisharax2.jpg

 

gedisharax3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loooooool...juje......Go Geeddi ku lahaa...Soomaaliya waa u dhammaatay....You know what markii Yeey la arkay Soomaali badan oo leh Maxamed Siyaad yaa noo soo celiya ayaan arkay sidii inuu qabriga ka soo baxayo, haddana FANAXLEEY hadday soo noqoto waxaan ka baqaa Yeey yaa noo soo celiya inay ka dhacdo...Horta kan haddii uu jagadaan amase mid la mid ah qabsado Soomaali badan layn dhoofitaan waa helee...halkaan mukhallaskaa....Oo gamadheerena muxuu meesha ka qabanayaaa? Didn't he say waan is sharraxayaa? Yaab badanaa muxuu ka dooney meel Geeddi leeyahay anigaa Soomaaliya attoore ka noqonaya? Laakiin maxaa ula yaabee C/llaahiba Asbuucii u dambeeyey oo uusan waxba haysan buu magacaabay!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

^ :D:D

 

Quite a contrast,from the Somalia, we see on TV,daadkaan dereegsanaa!!

 

These people live in Mogadishu?

 

As for Geedi,Somalis must be given an award for the most comical politicians awards. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Bannaanbax lagu taageerayo musharaxnimada madaxweyne ee Prof. Cali Max'ed Geedi oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Kumanaan dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa saakay isugu soo baxay waddooyinka waaweyn, iyagoo sita boorar iyo qoraallo ay ku taageerayaan musharaxa Madaxweynenimo ee Prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

Bannaanbaxaasi oo ka soo bilowday hoyga musharaxa ee Degmada C/Casiis, halkaasi oo ay isugu soo baxeen kumanaan dadweynaha ku dhaqan degmooyinka G/Banaadir ayaa socod ku soo maray Isgoysyada magaalada Muqdisho, iyagoona tegay ilaa Isgoyska Sayidka, gaar ahaan beerta Daraawiishta.

Mudadii ay dadweynahaasi sameynayeen bannaanbaxyadaasi ayaa waxay ku dhawaaqayeen ereyo ay ku taageerayaan inuu guuleysto musharaxa Madaxweyne Xildhibaan Prof. Cali Maxamed Geeddi, waxaana ereyadooda ka mid ahaa "Guusha yaa leh, Prof. Geeddi" iyo ereyo kale.

Ugu dambeyntii dadweynahaasi ayaa iyagu isagu soo ururay Stadium Conis, waxaana halkaasi khudbad uga jeediyay dadweynihii bannaanbaxayay Waxgaradka ka soo qeyb galay, taageerayaal iyo haween, iyagoona halkaasi ka sheegay in haddii kursiga madaxtinima loo doorto Xildhibaan Cali Maxamed Geeddi uu ka shaqeyn doono arrimaha dib u heshiisiinta iyo sidii dalka looga fulin lahaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

 

ban1.jpgban2.jpg

 

ban3.jpg

ban4.jpg

 

ban5.jpgban6.jpg

 

ban7.jpg

ban8.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this