Sign in to follow this  
Jacaylbaro

EU Delegation in Hargeisa Met with the President

Recommended Posts

Wafti ka socda midowga Yurub oo maanta la kulmay madaxweynaha Somaliland

 

Hargeysa(Qaran)- Eergayga Ururka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland/Somalia Mr-George March Andre ayaa Somaliland ugu baaqay inay sii wadaan gedi-socodka Dimuqraadiyada oo Doorashooyinku ka qabsoomaan Dalka.

 

Ergayga Midowga Yurub uqaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya wuxuu sidaas ku sheegay mar uu Madaxweynaha Somaliland maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga oo booqasho gaaban ku yimid Dalka.

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Ergaygaa kala hadlay sidii ururka Midowga yurub u balaadhin lahaa mashaariicda ay ka fuliyaan Somaliland.

Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge ayaa u qoraa sidan;-

 

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu ku qaabiley Xarunta Madaxtooyada, wefti uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee Ururka Midawga Europe (EEC) u qaabilsan arrimaha Somalia iyo Somaliland, Mr. George Marc Andre oo booqasho gaaban ku soo gaadhay Somaliland, Madaxweynaha JSL Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo ergayga gaarka ah, waxa ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin kaalmada dhaqaale ee Ururka Midawga Europe ay ku taageerayso Somaliland, taas oo uu ballan qaaday ergaygu in uu kala hadli doono Ururka Midawga Europe in Somaliland si toos ah loo siiyo Taageerooyinka Xagga Dhaqaalaha ,

 

Mudane, Andre isagoo ka hadlaaya dhinaca doorashooyinka soo socda ee Somaliland, waxa uu ku dardaaray Somaliland in ay sii waddo geedi socodka Nidaamka Dimuqraadiga ah, isla markaana ay dhammaystirto wixii ka qabyo ah, nidaamkii ay ku qabsoomi lahaayeen doorashooyinkaasi, isla markaana ballan qaaday in Midawga Europe-na ay teegeero xaga dhaqaalaha ka siin doonto Somaliland sidii ay u hirgeli lahaayeen Doorashooyinkaasi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu u sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Ururka Midawga Europe ay mudnaan gaar ah siiyaan, baahida Somaliland ee xagga horumarinta dhaqaalaha siiba, dhinacyada ay ka midka yihiin Caafimaadka, Dhismaha Jidadka iyo adeegyada kale ee bulshada.

 

Ergayga gaarka ah inta uu joogo Somaliland waxa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa, Axsaabta Siyaasadda iyo Hay’adaha aan dawliga ahayn ee ka hawl gala Somaliland "..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this