Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Midawga Afrika Wuxuu Ka Dhawaajin Karaa Inay Waajib Tahay In La Aqoonsado Somaliland”

Recommended Posts

Midawga Afrika Wuxuu Ka Dhawaajin Karaa Inay Waajib Tahay In La Aqoonsado Somaliland”By Ebenezer Hanson

 

– Kulan-doodeed lagu lafo-guray qadiyadda gooni-isu-taagga Somaliland iyo caqabadaha hortaagan ayaa Khamiistii toddobaadkii ina dhaafay lagu qabtay xarunta tababarka ciidamada nabad-ilaalinta ee Kofi Annan (Kofi Anan peace keeping training center) oo ku taal magaalada Accra ee dalka Ghana, waxaana kulankaas ka qayb-galay aqoonyahano farabadan oo ku xeel-dheer arrimaha Afrika.

Haddba, warbixin dheer oo uu kulankaas ka qoray aqoonyahan magaciisa la yidhaahdo Ebenezer Hanson oo aanu idiin soo turjunay, ayaa waxay u qornayd sedan:

 

“Somaliland waa meel ku taala Geeska Afrika. Waxay madax banaanideeda qaadatay 26 June, 1960-kii markii ay ka hoos baxday isticmaarkii Ingiriiska, usbuucii ugu horeeyey ee xornimadeedana waxay la gashay midnimo Somalia. Sannadkii 1991-kii waxay ka baxday midnimadii, waxaanay ku dhawaaqday madax banaanideedii. 18 May, 2007, waxay Somaliland u dabaal degtay 16 guurada qaranimadeeda.

 

Ku dhawaaqida madax banaanida Somaliland waxa saldhig u ah 1. buuxinta shuruucda adduunka oo ay ka mid yihiin, ummad isku dal ah, oo leh dhul cayiman oo xuduudo sugan leh iyo nidaam dawli ah oo degan iyo weliba awood ay dawladaha kale kula galaan xidhiidh iyo iskaashi ku dhisan qaanuunka adduunka.

 

16-kii sannadood ee tegay Somaliland waxay dhistay oo ay muujisay siyaasad maxali ah oo wax ku ool ah, kana duwan jaarkeeda bari ee Somalia, oo ah meel ay qaramada midoobay iyo midawga afrika iyo dawladda ku meel gaadhka ah (Imbagathi] ay la daalaa-dhacayaan sidii ay u maarayn lahaayeen kala qaybsanaanta dhexdooda [somalia] una dhisan lahaayeen dawlad loo dhan yahay.

 

Si kastaba ha ahaatee, soo ifbaxa guusha Somaliland ee ku dhisan sidii ay u samaysteen ee ay weliba u adkaysteen dawlad dimuqraadi ah oo shaqaysa, waa arrin hor leh oo bulshada badankeeda ka qarsoon inyar mooyaan’e, oo weliba loo diidan yahay aqoonsi ay dunida ka hesho.

 

Somaliland waxay tamarteeda oo dhan iskugu geysay sidii ay af iyo adinba uga dhaadhicin lahayd sharciyan qadiyadeeda midawga Afrika, kaasi oo dunida inteeda kale ka sugayso inay uga horeeyaan.

 

Haddaba, arrintan lafteeda ayaa waxay abuurtay inuu mawduuc weyn ka noqdo kulanka dooda miiska wareegsan [roundtable discussion], cinwaankiisuna yahay “Somaliland: Case study for recognition” Somaliland: waa hal-ku-dhega deraasada aqoonsiga”, kaasi oo loogu talo galay guddida arrimaha debada ee Baarlamaanka Ghana oo lagu qabtay xarunta Kofi Anan peace keeping training center oo loo soo gaabiyo KAIPTC oo ku taal magaalada Accra khamiistii ina dhaaftay.

 

Dr. Kwesi Aning, oo macalin ka ah KAIPTC, wuxuu sharxay qadiyada Somaliland oo uu ku tilmaamay taariikh murugo leh, sababta oo ah wadan deganaasho haysta oo leh dawlad dimuqraadi ah oo shaqaysa ayaa laga tegay in lagu daro dawladaha adduunka ka jira. Waxaanu xusuusiyay ka qayb galayaasha in ururkii hore ee midnimada Afirka [OAU] u diiday inuu aqoonsado qaranimada Somaliland, isaga oo ku andacooday arrin ilaa haatan la isticmaalo oo ah waxay horseedi doontaa tafaraaruq haddii la isku taabto in wax laga bedelo xuduudihii isticmaarka oo aan loo dayn sidiisii. Laakiinse mabdi’ii OAU-da waxa ka horimanaya dooda tidhaahda midawgii Senegal iyo Gambia iyo midawgii Masar iyo Sudan waxay ku kala tageen iyada oo aanay wax dhibaato ah u geysanin aqoonsiga dawladahaasi midkoodna.

Dr. Aning wuxuu tibaaxay in weftigii uu xaqiiqo raadiska ugu diray Somaliland ururka cusub ee Midawga Afrika [AU] ee bedelay OAU-dii uu warbixintiisa ku taageeray qadiyadda Somaliland, waxaanu ku yidhi warbixintiisa “qadiyadda Somaliland laguma xidhi karo arrintii ahayd haddii ay Somaliland hesho aqoonsi, waxay kala furfuraysaa wadamada Afrika, sidaa daraadeed waxaanu ku talinaynaa in la helo hab gaar ah oo lagu dhaqo mawduucan inta badan soo taagnaa’’.

 

‘Aqoonsi la’aanta Somaliland waxay dib u xidhay gacmihii dawladda iyo tii dadweynahaba, iyaga oo aan xidhiidh ganacsi oo sax ah la samayn karin dawladaha dunida iyo bartilmaameedyo horumarineedba.’

 

Hase yeeshee Dr. Aning waxa uu sheegay inuu ka xun yahay, sida ay AU-du lugaha u jiidayso marka ay timaado qadiyadda Somaliland, waayo AU-du waxay ka dhawaajin kartaa in ay si waadax ah u muujiso inay tahay mid sharci ah oo ay waajib tahay in la aqoonsado. Laakiin wuxuu talaabo horumar ah ku tilmaamay xidhiidhka ganacsi ee ay Somaliland la leedahay qaar ka mid ah wadamada Afrika iyo passport-kooda la aqoonsan yahay.

 

Ugu dambayn wuxuu Dr. Aning yidhi “dhibaatadan Somaliland haysataa waxa weeyi macluumaadka qaldan ee odhanaya si guracan ayay u taaban doontaa dawlada ay jaarka yihiin ee Itoobiya kaalinta ay ka ciyaarto arrimaha Soomaalida.”

 

Laakiin Ambassador Victor Gbeho ayaa isagu ku andacooday inay Somaliland haysato qadiyad macquul ah, balse uu ka baqayo inay carqalado kale jiraan.

 

Ambassador Gbeho oo la weydiiyay inay Ghana horseedi karto ictiraafka Somaliland, iyada oo ciyaaraysa kaalinteeda gudoomiyenimada Midawga Afrika wuxuu yidhi. “Maya. Waynu geli karnaa arrintan, laakiinse waa in aynu ku dagaalanaa inaynu u horseedno ku dhawaaqista aan ahayn qaybsan buuxa”.

 

Laakiin, wakiil sharafeedka Somaliland ee Ghana Stephen Mawuenyega, oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi. “Arrinta ay Somaliland ku doodayso ee gooni isku taaga waa mid qaanuuniyan iyo siyaasiyanba sharci ah. sababta oo ah baarlamaankii Somaliland iyo Somalia weligoodna may saxeexin midnimadoodii, taa lafteeda ayaa cadayn ah, isla markaana ina hogaaminaysa”. Waxaanu Mawuenyega rumaysan yahay in dawladaha waaweyn ee ay ka mid tahay dawladda Maraykanku ay ku raaci doonaan AU-du talaabada ay ka qaado aqoonsiga Somaliland.

 

Mr. Mawuenyega wuxuu sheegay inuu ka xun yahay in dawlado Jaamacadda Carabta ku jira oo ay ka mid tahay Masar inay ka damqadaan go’aanka gooni isku taaga Somaliland, iyaga oo uga cabsi qaba inay dhibaato ka soo gaadho dhaqaalahooda.

 

Hase yeeshee, aqoonyahano reer Somaliland ah ayaa rumaysan inay aasaarta cusub ee laga helay Somaliland sida Laas-Geel oo dhawaan lagu daray meelaha ugu muhiimsan ee adduunka da’ weyn lagana dhigay seerayaasha caalamiga ah ee u baahan ilaalinta khaaska ah, iyada oo Masaariduna indhaha ku haysay weligeedba cabudhinta aasaarta Somaliland, oo ay rumaysan tahay inay kala wareegi doonaan dalxiisayaasha ay afarta billion ee dollar sannadkiiba ka soo geli jireen.”

 

 

 

Source Haatuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this