Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The Vice Minister of Livestock Resigned and Joins KULMIYE

Recommended Posts

Hargeysa(Qaran)-Wasiir Ku xigeenkii Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Axmed Jaamac Hoori ayaa maanta Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Wasiir ku xigeenimo ee uu ka hayay xukuumada isla markaana daboolka ka qaaday inuu ku biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye.

 

Wasiir Ku Xigeenkii Wasaarada Xoolahu,waxa uu sidaas ku shaaciyay Xaflad xisbiga Kulmiye maanta huteelka Maansoor ugu sameeyay wasiir kuxigeenka wasaarada Xanaada Xoolaha Axmed JaamacHoori,odayaal,Aqoon yahano iyo Koox cuqaal ah oo ka tirsan beel ka mid ah Beelaha gobolka awdal oo ku soo biiray Xisbigaas.

 

Wasiir ku Xigeenka is casilay waxa isagoo ka hadlayay istiqaaladiisa waxa uu yidhi “Maanta oo Bishu tahay 23/08/2007,waxa aan ummadayda Somaliland aan hortooda ka sheegayaa in aan ka degay Xilkii wasiir ku xigeenimo ee wasaarada Xanaanada Xoolaha JSL ee aan hayay”.

Axmed Jaamac hoori Waxa uu xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay ku guul daraysatay hogaamintii Dalka ee loo soo doortay.

 

“Markii aan arkay sida khaldan marin habowsan ee aanay ku jirin u damqashadu,ee dawladii la doortay hanan kari wayday Dalkii,taladii dadkana qaadan weyday ayaan gartay in aan is casilo”ayuu intaas raaciyay Wasiirkuxigeenku.

 

Hoori waxa uu Wasiirada Somaliland ku tilmaamay gole aan damiir lahayn,oo dherigooda oo qudha bislaysanaya.

 

Wasiir ku xigeenkaasi iyo iyo koox kale oo isugu jirtay aqoonyahano,cuqaal iyo Odayaal ka tirsan beesha Maxamed case oo ka mid ah beelaha degan Gobolka Awdal,ayaa Xafladaas ka sheegay inay kalsoonidii Siyaasadeed kala noqdeen xisbiga UDUB iyo Xukuumada madaxweyne Rayaale,isla markaana waxa ay shewegeen in ay ku biireen KULMIYE.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo]oo xafladaas ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan kooxdaas ku soo biirtay isbigiisa,waxana uu sheegay in arrimaha ay xukuumada ku eedeeyeen ay yihiin waxyaabo xaqiiq ah oo Somaliland ka jira.

 

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Cabdiraxmaan Aw-Cali faarax oo sheegay in aragtida siyaasadeed ee kooxdaasi ay ka turjumayso sida aanay beelaha Gobolka Awdal u wada taageersanayn Madaxweynaha JSL Mudane daahir rayaale Kaahin.

 

Waxa iyaguna Xafladaas soo dhaweynta ah ka hadlay masuuliyiin iyo xubno ka tirsan gudida Fulinta xisbiga KULMIYE.

 

 

Cumar Maxamed Faarax

Qarannews/Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this