Cowke Posted September 22, 2009 Xaflad Dhaqaale Loogu Arurinayey Garoonka Garbaharey Oo Ka Dhacdey Sep 21,2009 by London-Gedo-News Iyadoo ay ka soo qayb galaan shir dad badan oo ah dhamaan bulshada beesha **** eek u dhaqan magaalada Leicester ee dalka ingiriiska waxaa ka soo qayb galay ama lagu soo dhaweeyay wafti balaaran oo uu hogaaminayay Duuliye Cabdi Guuleed Maxamed oo ka yimid Waqoyiga Amerika iyo wafti balaaran oo ka soo raacay magaalada birmigham ee dalka ingiriiska halkaana lagu soo koobi Karin balse ay ka mid ahaayeen Sh maxamed Adam, Shiikh Xasan ,Col Biixi iyo Col Cabdi Cismaan Nuur. Waxaa lagu soo dahaweeyay Waftigaa magaalada Leicester Gaar ahaan barta lagu magacaabo HASHI CENTRE oo ku taal magaalada Leicester waxaa soo dhaweeyay waftigaa dadka deganaa magalada Leicester oo dhamaantood u kala harin uuna hogaaminayay Gudoomiyaha Jaaliyada Magaalada Leicester Faarax diiriye Awal iyo dad kale oo badan oo ay ka mid ahaayeen C/risaaq Ashkir,Ibraahim Maxamed,Yaryare, Maxmed Xaashi,Xaaji Maxamuud ,C/laaahi cali Kooshin,Guuleed,Gabo obe, ,c/risaq Garjeex,Cumar Xasan Maxamed dhanka gabdhaha waxaa ka mid ahaa Maryan Tahliil,Asiili C/qaadir,Faadumo Coongaab iyo Xaawo cabdi Xaashi Ayadoon la soo koobi Karin dadkii halkaa ku soo dhaweyay waftiga ayaa waxaa la furay hadalkii iyo ajandihii meesha loo yimid. Iyadoo uu ku hormaray oo ka sheekeeyay amaba sharaxay meesha ay marayso xaalada dhabta ah ee airoporka Garbaharay warbixno watay Sawiro iyo hadal ayuu halkaa ka jeediyay kadibna waxa u u sheegay meesha uu xaal marayo iyo baahida dhaqaale ee hada Airoborku qabo waxa uu ku sheegay halkaa in birmigham si fican loogu soo dhaweeyay dhaqaale fiicana loo balan qaaday marka kaas oo kale ama kabadana uu ka filayo Leicester. Ka dib waxaa hadalkii qaaday Sh Maxamed Aadan oo soo jeediyay muxaadaro ku saabsanayd mowduuca sadaqada iyo waliba xiriiritaanka riximka iyo waxa loo baahan yahay inay sameeyaan reer Leicester asagoo sheegay waliba in reer birmigham ay bixiyeen lacag dhan £20.000 oo pond oo waliba dheer boqolaal reer Leicesterna taas oo kale laga sugayo. Waxaa markaa hadalkii qaatay Faarax diiriye oo ahaa Odayga Magaalada sheegayna reer Leicester inay wax walba diyaar la yihiin ayna ku qanceen hadalka odoyaasha ayna hadana bixinayaan dhaqaale dhan £10.000 mudo labo asbuuc ah kadibna dib u balimiyay maalinaimada Arbacada marki salaada casar la soo tukado dhamaan dadka reer Leicester ee beesha **** isugu yimaadaan Hashi Centre. Ugu danbayntii shirkaa waxa uu ku dhamaaday jawi wanaagsan oo aad u fiican ayagoo dad badan oo ka hadlay arinkaa uu qof walba u riyaaqay shaeegayna inay tahay waqtigii wax la qaban lahaa. Maxamed Xaashi Leicester UK Quote Share this post Link to post Share on other sites