Sign in to follow this  
General Duke

Puntland stand's tall: It will outlast Al Shabaab, just like it did JVA others

Recommended Posts

Farole oo ka hadley amni darada maamulka Puntland

21 Dec 21, 2009 - 10:11:05 AM

 

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole oo maanta 21 Dec,2009 wareysi siiyey Idaacada BBC laanteeda Af-Somaliga ayaa markii ugu horeysay ka hadley xaaladda amni daro ee kusoo korortey deganada Puntland gaar ahaan dilalka iyo qaraxyada lala beegsanayo mas'uuliyiinta.

 

Mr.Farole ayaa sheegey in dilkii loo gaystey xildhiban Ibrahim iyo Garsore Awaare taariikhdu markey aheyd 11 Nov,2009 ahaayeen kuwo siyaasadeysan Islamarkaana abaabuleen ururo aragixiso ah ka dambeeyeen ayuu yri Madaxweynaha Puntland oo la hadlayey idaacada BBC-da.

 

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayey dadka ka soo qaxey Koonfurta Somalia ayaa xusey in la soo dhoweeyey balse aysan keenin faa'idadii dadka reer Puntland ka sugayeen walaalahood kale ee Somaliyeed madaama xaaladaha amni daro qayb ka noqdeen.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegey in ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen dadkii ka dambeeyey dilalkii loo gaystey Xildhibaan Ibraahim Cilmi iyo Garsoore Awaare kuwaasoo ciidamada ku guda jiraan baritaano dheeraad ah weli.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka codsadey dhalinyarada, ardeyda iyo hawenka in ay qeyb libaax ka qaataan sidii ay ula shaqeyn lahaayeen hay'adaha amniga.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale baaq u direy dowladdaha dariska waxaana uu ka codsadey iney taageeraan Puntland sidii ay ula diriri laheyd amni darada.

 

Kulan deg deg ah oo maanta 21 Dec,2009 isugu yimaadeen golaga Xukuumada ayey kaga hadleen xaalada amni daro iyada oo ciidamada amniga lagu amrey iney gacanta ku dhigaan qof walba oo ay uga shakiyaan amni daro.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe: Madaxweynaha Puntland oo sheegay in ay hayaan Shaqsiyaad ka dambeeyey qaraxyo iyo dilal ka dhacay deegaanada Puntland.

21. december 2009

 

Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in ay qabteen shaqsiyaad ka mid ah kooxaha uu sheegay in ay ka soo horjeedaan amaanka gobalada Puntland, isagoo sheegay in ay hada soo dhameystir-meen inta badan baaritaanadii la xariiray arrimaha falalkii Puntland ka dhacayay mudooyinkii ugu dambeeyey oo la ogaaday sababaha ka dambeysay.

 

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in dadkaasi ay noqdeen kuwa doonayay in ay burburiyaan amaanka Puntland, oo uu ku sheegay Argagixiso Caalami ah, isagoo cadeeyey in ay hada ka qaadayaan talaabooyin adag, maadaama ay uxaqiiqowday in ay lug ku lahaayeen falal badan oo amaan daro kana dhaca mandiqada Puntland.

 

Dhacdooyinkii 11 November ka dhacay deegaanada Puntland, gaar ahaana Gaalkacyo, Boosaaso iyo Garowe ayuu sheegay in ay dadkii geystay soo qabteen, isla markaasna ay hada doonayaan sharciga horkeenaan oo ay mariyaan, isagoo si gaar ah usoo qaaday dilalkii xildhibaan iyo Gudoomiyihii maxkamada Boosaso.

 

Dr, C/rixmaan wuxuu ku eedeeyey in ay masuuliyada falalkaas oo dhan leeyihiin shaqsiyaad xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Argagixisada caalamiga ah, waxa ugu yeeray, isagoo carabaabay in ay Puntland soo dhaweysay Soomaalida oo dhan, isla markaasna ay soo dhaweyntaas si qaldan uga faa’iideysteen kooxo uu sheegay in ay ka soo horjeedaan horumarka Puntland.

 

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ka codsaday dalalka Caalamka in ay gacansiiyaan Puntland, si buu yiri loola dagaalamo dhinacyada ka soo horjeeda amaanka deegaanada Puntland, wuxuuna wax laga walaac ku sifeeyey talaabooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Puntland, inkastoo uu sheegay in ay ku filan yihiin sugida amaanka oo aysan cidna uga habeysan doonin.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka Amaanka ee magaalada Garoowe oo wada baaritaano.

 

December 21, 2009Ciidanka amaanka ee magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa waxaa ay saaka gudaha magaaladaas ka wadaan baaritaano ku aadan cidii ka dambeysay qaraxi xalay ka dhacay halkaas oo lala beegsaday Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland.

 

Dhegayso Xildhibaan Cali jaamac Faarax oo ka hadlaaya dhacdadii xalay

Gawaarida Ciidanka ayaa saaka lagu arkaayay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Garoowe,waxaana ay ahaayeen kuwa ku dabajooga dadkii ka dambeeyey qaraxaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Xirriro aan la sameynay Saraakiisha Ciidanka Booliska G/Nugaal iyo weliba maamulka gobolka iyo kan degmada ayaa inoo suurtagali wayday in aan helno,waxaana baaritaanada ay yihin kuwa socda iyadoo aan wax natiijo ah ka soo bixin tan iyo hada.

 

Warar aan ka helayno ilo wargal ah ayaa noo xqiijiyey in la soo qabtey tiro dad ah kuwaas oo looga shakiyey in ay ka danbeeyeen qaraxa, waxaa magaalada oo dhan aad ku arkeysaa ciidanka amaanka kuwaas oo wata gawaarida gaashaamaan, waxaa la adkeeyay ka bixitaanka magaalada iyo soo gelitaankii, waxaana xaafadaha qaarkood ka socda baaritaan guri guri ah, waxaana dadka lagu ceshay dhamaan in ay ku sugnaadaan guryahooda.

 

Qaraxii xalay ka dhacay magaalada Garoowe ayaa sababay dhimashada mid ka mid ah ilaalada Gudoomiyaha Barlamaanka,waxaana ku dhaawacmay dareewaalkiisa oo la sheegay in xalaadiisa Caafimaad ay iminka wanaagsantahay, dhana kale gudoomiyaha baaralamaanka aayaa xalaadiisu aad u wanaagsan tahay waxaana ka soo gaarey dhaawac fudud.

 

Wixii ku soo kordha waan idin soo gudbin doona Insha’allah.

 

Horseed Media.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hawlgallo amni oo ka socda Garoowe & dad lagu tuhusan yahay weererkii afhayeenka baarlamaanka oo la qabtay.

 

Garoowe, Dec 21 - Ciidamada ammaanka ee magaalada Garoowe ayaa illaa iyo xalay waday hawlgallo ballaaran oo ay amniga ku sugayeen, kaasi oo si siman uga socday dhammaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Garoowe.

 

Hawlgalkaan oo lagu tilmaamay midkii ugu baaxadda weynaa ee abid laga sameeyo gudaha magaalada Garoowe ayey ciidanku ku baarayeen gaadiid, guryaha iyo goobaha ganacsiga ee ku yaalla magaalada Garoowe, waxaana hawlgalkaani uu ka danbeeyey kadib markii xalay bambaano lagu tuuray gaari uu saarnaa guddoomiyaha baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi, oo dhaawac fududi uu ka soo gaaray.

 

Ciidamada ayaa intii ay hawlgalkaan ku jireen qabtay dhawr qof oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen weerarkii bambaano ee xalay lala beegsaday gaariga afhayeen baarlamaanka Puntland, kuwaasi oo haatan su’aalo lagu weydiinayo saldhigyada bileyska ee magaalada Garoowe.

 

Isu-socdka dadka iyo gaadiidka ayaa is taagay illaa xalay inkastoo barqanimadii maanta wax kasta ay caadi ku soo laabteen, waxaana dhammaan waddooyinka magaalada Garoowe maanta lagu arkayey ciidamada bileyska iyo kuwa daraawiisha oo gaaf wareegya, isla markaana ku hawllan baadi goobka ciddii ka danbaysay falkii xalay dhacay.

 

Saraakiisha bileyska ee magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland oo ay idaacadda Daljir wax ka weydiisay waxa la taaban karo ee illaa iyo haatan ciidanka amniga u suurto galay kuna saabsan qaraxii xalay, ayaa sheegay xilli dhaw in ay soo bandhi doonaan caddaymo ku saabsan sida wax u dhaceen iyo dadka la qabtay waxa lagu helay.

 

Dhanka kale, xaaladda caafimaad ee guddoomiyaha golaha wakiillada iyo labo qof oo kale oo iyana dhaawac fududi ka soo gaaray bambaanadii xalay ayaa la tilmaamayaaa in aad u wanaagsan waxaana lagu wadaa guddoomiyuhu saacadaha soo socda in uu la hadlo saxaafadda si uu uga sheekeeyo caafimaadkiisa iyo sidii xalay wax u dhaceen.

 

Falkaas weerar ee xalay waxaa si kulul u cambaareeyey mas’uuliyiinta dawladda Puntland sida M/weynaha iyo ku xigeenkiisa, golayaasha xukuumadda iyo baarlamaanka, madaxda maamullada gobollada iyo degmooyinka, aqoonyahannada, culimaa u diinka iyo dhamaman bulshada qaybaheeda kale duwan.

 

C/fitaax Cumar Geeddi,

Idaacadda Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^No adeer, you are the one who was excited, just giving you a dose of reality. Puntland stands, while you are still waiting for Guriceel & Galmudug to lead you to the promised land.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Guriceel iyo Galmudug are my compatriots. I see no harm if I wait on them. You do because of your tribal insecurities. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^No I lead adeer and take care of my interest, you are insecure waiting for men your equals to hold your hand and guide you. :D

 

Plus Puntland Bari region is bigger than all those areas combined.. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

You are masking a deformity and an insecurity awoowe. I am content leading and as well as following my compatriots when it is my turn. smile.gif

 

Plus Puntland Bari region is bigger than all those areas combined

Kuuma diidani adeer ee ku qanac. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Of course saxib, :D I hope your compatriots after 21 years create a viable admin that works, lets not get back to the silly JVA or nonsense that is Al Shabaab.

 

Puntland on the other hand is a beacon of light, from nothing we have built a real state that is on the brink of greatness.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Adeer faanka badan adigay wax kaa dhintaa so ma ogid? Long live Puntland but it is nowhere near bright or great. It is a small part of Somalia that has chosen peace and because that they should be applauded. The physical circumstance in the state are as they are anywhere else in Somalia. Competing on meeting with UN food donors is a travesty and reflective of our general downfall. You hear?

 

With that said, in 2009 do you not think you should join the civilized world? What makes you inherently more able to lead on account of a mythical ancestor? smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I dont care who leads adeer as long as it aint Barre Hiiraale [you like that right]. :D

 

Also Puntland adeer is not tiny part of Somalia its 33% of country with 50% of the coast line, Gedo is tiny, Puntland aint so lets get that corrected.

 

Puntland is a multi clan state, the idea is to develop ones priorities without falling for false nationalisam as in Siyad Barre’ era or fake religious convictions as in Xasan dahir’s.

 

Its moving forward and you will keep suffering this pain you have until you let go of your clanist hate Horn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this