Gabbal Posted June 3, 2006 Mid ka mid ah Saraakiisha Muuse Suudi ee degmada Balcad oo wata 11 gaari oo Tikniko ah oo maanta gaaray degmada Afgooye. June 3, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia Mid ka mid ah Saraakiisha dhinaca nabadgalyada ugu qaabilsanaa Muuse Suudi ee degmada Balcad oo ka gadooday maamulka Muuse Suudi ayaa gaaray degmada Afgooye. Sargaalkaas oo lagu magacaabo Maxamuud Xuseen Gudbaaye ayaa ka soo horjeestay dagaalada ka soconaya inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad isagoo sheegay in dagaalkaas uu yahay mid aan sharci aheyn oo dhibaato u keenaya dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanka ceel Carfiid iyo nawaaxigiis. Maxamuud Xuseen Gudbaaye ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo fikirka uu aaminsan yahay Muuse Suudi ee dagaal wax ku doonka ah. Taliye Gudbaaye oo wata 11 gaari oo Tikniko ah ayaa maanta gaaray degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose halkaas oo uu ku soo dhaweeyey guddoomiyaha nabadgalyada degmada Afgooye Xuseen Weheliye Cirfo. Wararka ayaa sheegaya in Gudbaaye uu si weyn uga xumnaaday weerar shalay ay maleeshiyada Isbaheysiga argagaxisada u geystay Macallin Xaashi Maxamed oo ciidankiisa ay fariisin ku lahaayeen deegaanka Muuri ee agagaarka ceel Carfiid weerarkaas oo lagu dilay Toddoba ka mid ah maleeshiyada Macalin Xaashi oo ay jufa hoose yihiin Gudbaaye. Talaabadan uu qaaday Gudbaaye ayaa dhabar jab ku ah wasiirka ganacsiga Muuse Suudi iyo guud ahaan Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada oo dagaala qaraar kula jira maxkamadaha Islaamiga iyadoo dhinaca kale maleeshiyo ku heyb ah Bootaan Ciise oo ka tirsan isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada ay maanta iyagana gaareen magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted June 3, 2006 I knew it was comming. Labadii baadil ku heshiisa hee... Meelaha banaan buuxiya dee. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted June 3, 2006 Sxb, aren't their days numbered! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 4, 2006 Had it been about a certain brutal warlord, who occupies land uu shuqul ku lahayn, dadka saan safka usoo galay condemning other warlords, who do not even occupy others' lands, what would have they said? Jihaad? Halgan lagu difaaca the brutal warlord? Huuhaa iyo hiihii. One calls him a "God-like..." The other cannot even admit he is a warlord at all. Dadkaas ayaa hadlaayo, diintana inay ka hadlaan rabo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted June 4, 2006 ^War heedhe Xuddur Axmaaradi maka kicisay? Mar waliba adigoo wax ku qusayn afka ku taagaye waa la arki jiree. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 5, 2006 MMA & Horn stop muddying the arguments. Significant events are taking place. So lets just get the news flowing and less on the clan talk. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted June 5, 2006 ^^Maskiinku wuu wareersanyahay. Taageero xoogleh ayuu u haayay Mogadishu Warlords oo xitaa uu aflagaadeen ku sameeyay Gabdha Jalbaabka xiran oo diinta ku dhaqma nacayb uu u qabo Maxaakiimta Islaamiga awgeed. Sxb, Maxaakiimta Islamiga ah ayaa lawareegay Mugadishu oo dhan, Maamul loo midaysanyahayn ayay ku dhawaaqi doonaan. Kanaxoo Nafta Waa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alle-ubaahne Posted June 5, 2006 Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: Had it been about a certain brutal warlord, who occupies land uu shuqul ku lahayn, dadka saan safka usoo galay condemning other warlords, who do not even occupy others' lands, what would have they said? Jihaad? Halgan lagu difaaca the brutal warlord? Huuhaa iyo hiihii. One calls him a "God-like..." The other cannot even admit he is a warlord at all. Dadkaas ayaa hadlaayo, diintana inay ka hadlaan rabo. Adiga anaaba kugu jihaadaayo, waana arki doontaa intaan 'Cargo' kugu dirno, oo aad adoo xirxiran Shiiq Shariif xafiiskiisa Muqdisho lagu geeyo, si Maxkamada Islaamiga ah ay kuu xukunto danbigaaga. Baraf aa i marooyo casharka loo dhigay qabqablayaasha dartiis, and for MMA and JD, its time to listen the music against your sinful wishes! Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 5, 2006 lol, you are not helping the situation with these infintile threats. Like I said before no one has a monopoly on the faith.. The warlords are finished but the troubles are not yet over.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 6, 2006 Originally posted by General Duke: MMA & Horn stop muddying the arguments. Significant events are taking place. So lets just get the news flowing and less on the clan talk. I don't know meeshaa clan talk ka keentay, widaayoow. Runta lee u sheegaaye dadka qabiilka caabudo nooh, marna diinta isku qarinaayo. This guy ayaa Xudur ila aaday, a town I had never been to, had never lived in, never intend to live either too. Hadduu Xamar ila aadi lahaa, haa, wax la kasi ayee ahaan lahayd nooh, maadaana ee tahay meeshaa kaliya aan aqaano oo aan ku dhashay aan meelna ugu bixin intii dagaalada ka dhaceen, oo aan xataa kaliya booqdo. Mise Xudur iyo Xamar uu isku qaldoyaa, igaarka, maadaama uu isku dhex yaacay. Quote Share this post Link to post Share on other sites