Ahmed_Guree Posted January 13, 2007 Oromo lagu qabqabtay Muqdisho Cabdullahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi Tan iyo markii ciidamadii itoobiya ay soo galeen caasimadda muqdisho waxaa soo baxaya warar sheegaya in la qabqabanayo dad oromo ah oo lagu tuhunsan yahay in ay ku lug leeyihiin dhaqdhaqaaqa loo yaqaano xoraynta oromada OLF ama ay gacan saar la lahaayeen midowgii maxaakiimta Islaamka Qabqabahsada ayaa qaarkeed waxaa fuliyay ciidamada soomaali ah. Dalka soomaaliya waxaa in muddo ahba ku sugnaa oromo fara badan oo qaar qaxootinimo u yimaadeen soomaaliya toddobaatameeyadii, qaar kalena ay u yimaadeen in ay ka shaqeystaan ama uga sii gudbaan dalal kale, kuwaasoo qaar ka mid ah soo galeen intii dalku dowlad la'aanta ahaa. Guddoomiyaha qaxootiga Oromada ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisha, Maxamuud Sheekh Xassan, ayaa sheegay in afartan qof la xiray dhowr qofna la dilay. Waxaa uu sheegay in lala baxay taariikhda geeska Africa 3 nin oo Oromo ah oo Islaam ah, oo inta la qabtay la beec geeyay, waxaa ku xigay ayuu yiri sheekhii caalimka ahaa ee Oromada fiirsanaysay oo lagu dilay masjidka Dabaqaynka ee Muqdisho. Waxaa uu sheegay in wiil sagaal iyo toban jir ah oo aan dambi lahayn aan ka ahayn in uu xuruuf qur'aan ah dhigo, kaasoo xadgudub loo gaystay. Wuxuu intaasi ku daray in qaar si sharci darro ah loogu qabtay magaalada Jowhar, iyadoon maxkamad la gayninna la dilay, isla markaana ciidamada Itoobiya ay qaateen ilaa afartan Oromo ah oo ay iyagoon wax dambi ah gaysanin ay iska xirteen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wisdom_Seeker Posted January 13, 2007 I heard that they were being killed and forced out of their homes. Shame, they have left Ethiopia, running from the blood-thirst raw meat eating scavengers to find safely in Somalia and now those who they were running from came knocking on their doors. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted January 13, 2007 I hope TFG would take its responsibility and protect these people, especially those somali abow a.k.a Oromo who have been living in Somalia since 1970's. They are somalis, speak somali and have all the rights that other somalis do have. Quote Share this post Link to post Share on other sites