Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Bakara market heavy shelling

Recommended Posts

War deg deg ah: Faahfaahin ku saabsan Madaafiicda lugu gaaracayo Suuqa Bakaaraha, dhinacyada mucaaradka oo hadlay & dowladda diiday in ay ka hadasho...Warbixin.. .

23. maj 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )- Warar faahfaahsan ayaa AllPuntland ka soo gaaraya madaafiicda ku dhaceyso gudaha Suuqa Bakaaraha iyo dagaalada qaar ka socda magaalada Muqdisho ee caasumada wadanka aanu nabadu ka jirin ee Soomaaliya.

 

Saraakiisha Caafimaadka ee ku sugan goobaha caafimaadka ayaa xaqiijiyey in cusbitaalada la keenay dad qaba dhaawacyo kala duwan oo laga keenay gudaha Suuqa Bakaaraha iyo meelo kale oo ka mid ah magaalada.

 

Madaafiic-da ku dhaceysa gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa ka soo dhaceysa Aqalka Madaxtooyada & wadada Sayidka oo ah goob aan wax badan ka fogeyn Suuqaasi, waxaana madaafiicdan ay ka dambeysay markii uu dagaal goos-goos ah ka bilowday goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamada dhinacyada kala duwan.

 

Mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa AllPuntland ugu sheegay khadka Telfoonka in uu hal-mar maqlay daryanka Madaafiicda waa weyn oo ku soo dhaceysay gudaha Suuqa, isagoo sheegay in uu hubo dhimashada 5 qof oo shacab ah oo uu sheegay in ay haween ku jiraan.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay in ay ka hadasho dagaalkan iyo madaafiicda ay adeegsatay, waxaana Wasiirka Gaashaandhiga ee dowladda Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi uu ka gaabsaday in uu jawaabo telkiisa oo dhacaya aana la qabaneyn.

 

Sidoo kale Afhayeenada Madaxweynaha & Raysalwasaaruhu waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dagaaladan iyo sababta keentay in Suuqa dadweyne ay ku ganacsanayaan madaafiic lugu rido, xili ay ganacsatada iyo dad badan ka cowdeen madaafiicdan.

 

Al- Shabaab & Xisbul Islaam oo ay la xiriirtay AllPuntland waxa ay ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya in ay soo qaaday weerar fashilmay, ayna sidaas ahaayeen madaafiicda lugu garaacay Suuqa Bakaaraha.

 

Xubin ka tirsan Al- Shabaab magaciisana ku sheegay Sheekh C/laahi ayaa sheegay in ay dowladdu qorsheysay weerar baaxad leh, ayagoo doonayay in ay ka faa'iideystaan kala badalid ciidan lugu sameynayay balse ay ku guuldareysteen oo ay ka war-qabeen waxa qorsheysan.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

General-Duke,

 

How come you were not raising these questions when Abdullahi Yusuf was asking the Ethiopians to bomb residential areas in Mogadishu for him during his failed presidency?

 

You insult the thousands who have lost their lives under Abdullahi Yusuf and the Millions who were displaced by the former quisling with your endless attempt to celebrate human sufferings and destruction in your pathetic attempt of 'vindicating" Abdullahi Yusuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this