Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Bosaso Port: More than 300000 sheep + cows + camel leave today for GCC States + Yemen

Recommended Posts

Xoolo ka badan 300,000 oo neef oo isugu dhafan ari, lo' & geel oo illaa maanta laga dhoofiyey dekedda magaalada Bossoso.

 

zMaxjar1l.jpg

 

Bossaso, Nov 21 - Dekedda magaalada Bossaso ayaa maanta waxaa laga dhoofiyey xoolo nool oo tiradooda lagu qiyaasay 300,000 (saddex boqol oo kun), kuna sii jeeda wadamada Sucuudiga, Yemen, Cumaan, Kuwait, Qatar & Imaaraadka.

 

Wasiirka maaliyada ee Puntland Faarax Cali Shire oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in tirada guud ee ka dhooftay dekedda Bossaso ay dhan yihiin 293,020 neef oo ari, 4,000 oo lo' ah, iyo 1,800 oo geel ah.

 

Md. Faarax waxaa uu sheegay in wadamo kale oo ku yaal khaliijka carabta ay u dhoofiyeen xoolo nool. Waxaa uu xusay in ay ka mid yihiin dalalka Yemen, Cumaan & Imaaraadka.

 

Dekedda Bossaso ayaa maalmihii la soo dhaafay la ciirciiraysay dhoofka xoolaha iyo maraakiibta faraha badan ee ku soo xiranaya dekedda Bossaso.

 

Maareeyaha rugta ganacsiga Puntalnd oo isna la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dhoofka xooluhu uu sii socon doono xajka ka dib.

 

Maxjarka Bossaso ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku jiraan xoolo nool oo aad u fara badan, lana sheegay in maalmaha soo socda ay ka dhoofi doonaan dekedda Bossaso.

 

Muddo sannado ah ayaa waxaa saaraa xayiraad dhoofka xoolaha nool ee Somaliya oo lagu tuhmay in uu caafimaadkoodu liito.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

^Oodweyne adeer stop hating. Bosaaso wey duushay, ama ka nax ama ku farax, Bosaaso is the largest financial asset of the republic.

 

Aw Muuse keep up the great work. Good news for Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

More than 300000 sheep + cows + camel leave today for GCC States + Yemen

Plus 11000 migrants to Yemen, or are you counting them as cows, also 100 Oga-denians shipped to Ethiopia, may be your counting them as camels.

Bosaso is becoming the port of (wax waliba haye) :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoolihi dhowaan laga dhoofiyey dalka Soomaaliya oo gaaray Boqortooyada Sacuudiga.

 

November 23, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (0)

Xoolihi dhowaan laga dhoofiyey dalka Soomaaliya oo gaaray Boqortooyada Sacuudiga. | read this item Aamino Ladan Axmed Cali

 

Horseed Media.

 

Xoolihi kala duwanaa ee dhowaan laga dhoofinaayay dekadaha caalamiga ah ee ku yaala gudaha dalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramaaya in ay qaar ka mid ah gaareen Boqortooyada Sacuudiga.

 

Gelinka dambe ee Axada ahayd waxaa Dekada Magaalada Jeddah ee Caasimada Boqortooyada Sacuudiga gaaray maraakiib siday ila iyo 246,000-oo xoolo Soomaaliyeed kuwaas oo beriyahan dambe dhoofintooda si xowli uga socday dekadaha magaalooyinka kala duwan ee ku yaala Soomaaliya.

 

Waxaana gelinka hore maanta Dekada Magaalada Jeddah ka bilaabmay dejinta xoolahaas oo laga soo dejinaayo maraakiibta ay saarnaayeen iyadoo la saaraayo gawaarida xamuulka qaada kuwaas oo u iib geynaaya Suuqyada kala duwan ee Boqortooyada Sacuudiga.

 

Xoolahaas ayaa waxaa soo iibsaday oo soo dhoofiyey Shirkadaha lagu kala magacaabo Al-Jaabiri,Fahd Al-Shalaawi iyo Dukhayeel Al-Rifaaci.

 

Saleebaan Al-Jaabiri oo ah muulkiilaha Shirkada Al-Jaabiri ayaa saxaafada dalka Sacuudi Carabiya u sheegay in ay iminka si xowli ah u socdaan dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed,wuxuuna tibaaxay in dhowrka maalmood nagu soo fool leh in ay Dekada Boqortooyada soo gaaraan maraakiib fara badan oo sida xoolo kala duwan,iyadoo u sheegay in ay ku soo jiraan iminka Badda.

 

Al-Jaabiri ayaa hadalkiisa inta ku daray in sanadkaan oo keliya ay doonayaan in ay dalka Sacuudiga soo geliyaan oo ay ku soo dejiyaan Ari cadadkooda gaaraya 3-milyan,wuxuuna arintaas u sababeeyey in tirada Xujayda sanadkaan ay tahay mid ka badan ki hore inkastoo ay jiraan Xujay cudurka Hargab dhoofarka ee loo yaqaano Hargab Dhoofarka ay ugu geeriyoodeen gudaha Boqortooyada.

 

Ugu dambeynti waxaa u sidoo kale sheegay in ay sidoo kale ku tala jiraan in ay dadka Sacuudiga sanadkaan si wanaagsan oo ay farxad ku jirto ku Ciidaan oo ay xoolaha laga keenay dalka Soomaaliya ay qayb ka noqoto farxada Ciida.

 

Arintaan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhowaan Boqortooyada Sacuudiga ay xayiraad ka qaaday xoolaha Soomaaliya oo ay mudo 9-sano ku haysay,waxaana beriyahan dambe Dekada Magaalada Bosaaso iyo kuwa kale ee dalka aad looga dareemaayay dhoofinta xoolaha.

 

Horseed Media.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Originally posted by MoonLight1:

quote: More than 300000 sheep + cows + camel leave today for GCC States + Yemen

Plus 11000 migrants to Yemen, or are you counting them as cows, also 100 Oga-denians shipped to Ethiopia, may be your counting them as camels.

Bosaso is becoming the port of (wax waliba haye)
:D:D:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loool...ma haddaa ari dhoofiskii xitaa la isku riixriixayaa...I think whether Boosaaso, Berbera or Ceel Dheer meel kasta oo laga dhoofiyo waa meesheedi kale wax macno ahna ma samaynayso. Sida laga warqabo markii ay noqoto xoolaha la dhoofiyo dalka guud ahaan saamayn ayey ku leedahay khaasatan laga billaabto Hiiraan illaa Gobollada Waqooyi.

 

Dadkaan Malaha mar dhow waxay ku dagaali doonaan magaaladeenna ayaa ka roob badan sidii inay iyagu roobka di'iddiisa xukumaan! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Who is fighting? Adeer you get upset by good news and have to make snide comments no one wants. This is great news for many communities, and the numbers are great. 300,000 in one day..

Share this post


Link to post
Share on other sites

I wonder if animal have rights in Puntland? These sheep like the people of puntland look depressed. No wonder the rift valley epidemic started in that neck of the woods.

 

Puntland Protection for cruelty to Animals should be established. Those sheeps need to escape their oppressors.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

its official somaliland and pl officials have confirmed the numbers so far.

 

somaliland have confirmed 660,000 so far

and puntland have has shifted 350,00 animals so far.

 

listen here

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

^^So far as in the Hajj season so far. Mashallah that is a lot.

 

Dukey added the whole in ONE DAY thing to get a reaction icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this