Sign in to follow this  
Saalax

Somaliland Government to pay the debts within 6 months

Recommended Posts

Saalax   

Wasiirka Maaliyada Oo Sheegay Inay Lix Bilood Ku Bixinayaan Dayntii Xukuumadii Hore Lagu Lahaa, Shaqaalaha Mushahooryinkii Ay Siinayaan

(Hadhwanaagnews) Monday, August 09, 2010

 

Hargeysa (HWN)-Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ****olka ka qaaday inuu daynta xukuumada lagu leeyahay ee ganacsatadu ku lahayd xukuumadii hore uu ku bixin doono muddo lix bilood gudahood ah. Waxa kale oo uu sheegay inuu shaqaalaha dawlada siin doono mushaharooyinka ka maqan.

 

 

 

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu sidaasi ka sheegay maanta markii uu hortagay fadhigii Golaha Wakiilada ka hor intii aanay aqalkaasi saaka cod aqlabiyad ah ku meel marin hormo Wasiiro ah oo uu ka mid ahaa.

 

 

 

Wasiirka cusub ee Maaliyada oo ka hadlayay baaxada culyska hawsha hortaala ee uu ugu yimid Wasaaradaasi wuxuu yidhi “Waxa la ii magacaabay Wasaarad u baahan hawlo faro-badan, waad la socotaan Mudaneyaal in shaqaalihii dawladu sadex illaa afar bilood iyo tan socota qaarkood ay shan bilood iska gaadhay. Ciidamadii raashinkoodii iyo daymo faro-badan ayaan meesha Wasaarada ugu tagay. Waxaan idhi wixii aan arkayana waan saxeexi wixii kalena Guddi baa loo diri soo baadha oo hubisa daymahaasi faraha badani waxay ku baxeen.”

 

 

 

“Miisaaniyad ayaynu samaysanay Miisaaniyada in la raaco weeye, Xisaabiyaha Guud miisaaniyadii wuu raacay dakhiligii baa ka badan mudadaasi kharashkii, haddana daymo badan baa meeshii yaala markaa tii baanu ku jirnaa sidii loo baadhi lahaa. Xalay waxaanu la shirnay nimanka Tijaarta ah sababta aanu ula shirnay waxay ahayd sidii aanu daymahaasi u ogaan lahayn,”ayuu yidhi Wasiirku.

 

 

 

Eng. Maxamed Xaashi wuxuu sheegay in cashuuro badan oo dawladu qaadan lahayd ay baaqan jireen waxaanu yidhi “Lacagta aynu urursanaa way yar tahay arrintaasina waxay ku timid dadkii cashuurta ururinayay ee shaqaalaha ahaa oo dulman oo lacag yar qaata.waxaan diray afar Guddi waxaan idhi soo qiimeeya cel celis ahaan xaaska meel dhaxaadka ahi maalintii inta uu ku noolaan karo. Dabadeedna aanu halkaasi ka dhigno heerka lagu dalacsiinayo mushaharka shaqaalaha. Waxa muuqata Ha’yadahan caalamiga ahi markay ina leeyihiin dawlad wanaag iyo la xisaabtanka iyo horumarinta shaqaalaha, waxay noqonaysaa aakhirkii qofku muxuu mushahar u qaataa. Qof aqoon badan iyo shahaado sare haystaa markuu mushaharku yar yahay kuu iman maayo. Waxaan damacsan nahay in dadka wax loo kordhiyo oo arrintaasi la xaliyo. Si wixii kharash ah ee soo hoyanayay uu sare ugu kaco. Waxaan qabaa lacagta inaga baaqanaysay ee cashuurtii barriga oo sadex jeer ka badan lahayd ta kastamka waxay u yaraatay oo ay 8% u noqotay waxa weeye dadkii aynu wax u diranaynay ayaa aad u dulman.”

 

 

 

“Markaasi sidaasi wax u tayayno ayaanu muddo lix bilood ah gudahood ku bixin doonaa daymahaasi waanay ka soo horayn karaan,”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadu, waxaanu intaasi raaciyay “Shaqaale badan oo aan loo baahnayn ayaa buuxa meel walba waxaana la leeyahay hebeloow hebel shaqada ii qor, waxaan soo jeedinayaa inaynaan shaqaale dambe qoran inta aynu kuwii hore fasamaynayno.waxaan hayaa qaar aan siddeed sanadood shaqayn oo Wasaaradayada jooga. Si cadaalad loo helo waa in imtixaan la soo rogaa oo dadka imtixaan lagu qaato.cidii hawl gab ahina waxba ma qaataane’e inta yar ee ay qaataan lagu yidhaahdo gurigaaga ku fadhi si dhalinyaradu u shaqayso.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gentlemen, do not be hasty in your condemnation of the previous administration. Each successive admin in Somaliland brought the country to the highest point their combined abilities could carry.

 

Later generations will be thankful to the Rayaale administration for the significant strides they made in the area of national security and expanding the administration to its nominal borders. That in itself was a phenomenal task which drained vast resources. Mind you, it was a task which the international community was opposed to and henceforth would not provide financial assistance for. The previous administration must also be commended for solidifying the Somaliland culture of graciously stepping aside when fairly beaten.

 

Having said that, we expect even greater accomplishments from the new administration, Insha'Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
mielmi   

I LOVE THIS NEW GOVERNMENT ALREADY!!!!!!........MASHA ALLAH KEEP UP THE GREAT WORK. I ALSO WANT THIS GOVERNMENT TO ONCE FOR ALL SOLVE THE PROBLEMS IN EASTERN SOMALLAND!!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its a national debt and the goverment is always responsible to repay it, nothing to cheer about.

 

He first denied to be responsible for the debt, later brought it in to discussion and now is saying the goverment will repay it. Its solving a selve created problem. This is what you call propaganda in the purest form.

 

He hasnt done anything yet. And already you guys are cheering.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Promises, that's all is it.

 

And Mahamed Xaashi wont finish his term. He will quit or get fired, cause all he cares is about his own public image. And that image is always smeared by holding an office or taking responsibility. I say he will be gone within 2 years. And he will blame others, like he always does. To put himself in a good daylight and all the chearleaders will cheer for him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Waad yara hald baadantey ma istiid?

 

when he fails or quits you can have a long stick to beat him with, till then naga amus. All this bad vibe and negativity. Miyaad billis saa ninka?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hunno, I am trying to leave a legacy of political predictions here on SOL.

 

So I can say later to all those Kulmiye chearleaders, told you so.

 

Are you one of those Kulmiye cheerleaders, like Xaaji is?

 

 

0811cheerleaders.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this