Liqaye Posted September 13, 2009 Wasiirka arimaha dibeda ee dowladda Israel oo sheegay in xukuumadiisu diyaar tahay taageero ay siiso Dowlada madaxweyne Shariif Magaalada Kampala ee dalka Ugandha ayaa waxaa kulan ku yeeshay madaxweynaha dalkaasi Ugandha Yuweri Musaveni iyo wasiirka arimaha dibadda ee Israel Fightar Libarman oo socdaal ku maraya dalal badan oo afrikaan ah waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen sidoo xukuumada Israel ay uga qeyb qaadan laheyd xalinta khilaafaadka iyo dagaalada ka jira qaaradda Afrika. Madaxweynaha Uganda iyo wasiirka arimaha dibadda ee Israel ayaa ka wada hadlay oo kale xaalada Geeska Afrika gaar ahaan Somalia waxaana wasiirka arimaha dibadda ee Israel uu sheegay in maamulkiisa uu go’aansaday inuu taageero dowlada Somalia isagoo sheegay in aysan ogolaan doonin in lagu ciyaaro dowlada Somalia waxna loo dhimo. Waxyaabaha Kulankan looga wada hadlay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah xaalada Falastiin iyo Israel oo madaxweynaha Uganda uu sheegay in uu aad u jeclaan lahaa inuu arko falastiin Dowlad ay leedahay oo ka barbar dhalata dalka Israel, waxaana kulankaasi uu ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan, waana markii ugu horeysay ee xukuumada Yuhuuda ay sheegto iney taageereyso dowlada Somalia ee uu hogaamiyo shariif Sheekh Axmed oo ay gudaha dalka kaga furan yihiin dagaalo ay wadaan xoogaga islaamiga ah oo si aad ah u diidan siyaasadaha reer galbeedka. -------------------- -------------------- -------------------- -------------------- dayniilecom@hotmail. com deyniilenews@yahoo.c om Quote Share this post Link to post Share on other sites