Sign in to follow this  
Liqaye

From Israel with love.

Recommended Posts

Liqaye   

Wasiirka arimaha dibeda ee dowladda Israel oo sheegay in xukuumadiisu diyaar tahay taageero ay siiso Dowlada madaxweyne Shariif

 

Magaalada Kampala ee dalka Ugandha ayaa waxaa kulan ku yeeshay madaxweynaha dalkaasi Ugandha Yuweri Musaveni iyo wasiirka arimaha dibadda ee Israel Fightar Libarman oo socdaal ku maraya dalal badan oo afrikaan ah waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen sidoo xukuumada Israel ay uga qeyb qaadan laheyd xalinta khilaafaadka iyo dagaalada ka jira qaaradda Afrika.

 

Madaxweynaha Uganda iyo wasiirka arimaha dibadda ee Israel ayaa ka wada hadlay oo kale xaalada Geeska Afrika gaar ahaan Somalia waxaana wasiirka arimaha dibadda ee Israel uu sheegay in maamulkiisa uu go’aansaday inuu taageero dowlada Somalia isagoo sheegay in aysan ogolaan doonin in lagu ciyaaro dowlada Somalia waxna loo dhimo.

 

Waxyaabaha Kulankan looga wada hadlay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah xaalada Falastiin iyo Israel oo madaxweynaha Uganda uu sheegay in uu aad u jeclaan lahaa inuu arko falastiin Dowlad ay leedahay oo ka barbar dhalata dalka Israel, waxaana kulankaasi uu ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan, waana markii ugu horeysay ee xukuumada Yuhuuda ay sheegto iney taageereyso dowlada Somalia ee uu hogaamiyo shariif Sheekh Axmed oo ay gudaha dalka kaga furan yihiin dagaalo ay wadaan xoogaga islaamiga ah oo si aad ah u diidan siyaasadaha reer galbeedka.

 

-------------------- -------------------- -------------------- --------------------

 

dayniilecom@hotmail. com

deyniilenews@yahoo.c om

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this