Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Air Survey Started in Somaliland

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-12-30 (Hadhwanaagnews) Hargeysa-(HWN)-Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Mudane Qaasim Sh. Yuusuf ayaa Sheegay in ay shalay Bilaabantay duulimaadkii ugu horeeyay ee dhinaca cirka ah oo lagu sahaminayo khayraadka dabiiciga ah ee ku jira guud ahaan Jamhuuriyada Somaliland, sida Biyaha, Macdanta iyo Batroolka , sidaana waxa uu u sheegay shalay Wasiirku Weriye ka tirsan Shabakada Wararka ee Maalin laha ah Hadhwanaagnews Media.

 

Sahaminta shalay bilaabantay waxay la xidhiidhsan tahay heshiiskii ay hore u wada galeen dawlada Somaliland iyo Shirkadda TGS oo Norwegian ah, taas oo horaantii sanadkan sahamin Dhinaca dhulka ah ku samaysay Batroolka gaar ahaan inta u dhaxaysa Berbera oo ah gobolka Saaxil iyo Laaso surad oo ah gobolka Sanaag. Sahamintan oo ay samaynayso Shirkadd Australian ah oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan PGX, waxay Isniintii doraad ka soo dageen garoonka Cigaal International Airport iyaga oo wata diyaarad casri ah , kuwa caalamku wax ku sahamiyo. Mar Wasiirka wax laga waydiiyay hawlahan sahaminta waxa uu yidhi ‘’Waxaanu shirkadda TGS la saxeexanay in ay noo samayso xog rasmi ah oo ay Somaliland leedahay si dunida aanu ugu bandhigno khayraadkeena, Maadaama qarnigii tagay xogtii uu lahaa dalku ay gacanta ugu jiraan shirkaddo kale oo aynaan heshiis la galin’’.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this