Sign in to follow this  
Suldaanka

Haatuf Interviews Mudane Aare a prominent MP from Awdal

Recommended Posts

S: Berigii Hore Waxaad Bixisay Hal-Ku—Dheg Caan Ah Oo ahaa ‘Wuxuuni ha dhinaadeen’, wixii berigaa dhinnaa imika miyey dhammaystirmeen?

Wareysi – Mudane Aare

 

Hargeysa, April 25, 2005 (Haatuf) – “ Haddii ay qolada KULMIYE sidii xisbiyada Djibouti doorashada nooga joogsadaan, haddii aanu UDUB nahay waxaanu ku darsanaynaa anifoos. Sababta aan u aamusayna waxa weeyi, waxaana qaatay biri-rif .†Sidaa waxa yidhi, Mudane Cumar Nuur Cismaan (Aare) oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, sidaana waxa uu ku sheegay wareysi gaar ah oo uu Wargeyska Haatuf shalay la yeeshay, isagoo jooga magaalada Hargeysa.

 

Mudane Cumar Cismaan Nuur (Aare), waxa uu ka soo jeedaa Gobolka Awdal, wuxuuna ka mid ahaan jiray ragii ugu cad-caddaa mucaaridkii ku kacsanaan jiray Xukuumadii Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, isla markaana Mudane Aare waxa uu xilligiisii mucaariddada reebay hal-ku-dhegyo caan noqday oo ay ka mid ahaayeen “Wuxuuni ha dhinaadeenâ€, taas oo uu ula jeeday qabyadii Maamul ee xilligaas jirtay, laakiin Mudane Aare wuu ka xuub-siibtay atomosfeerkii mucaariddada ee uu muddada dheer ku jiray tan iyo intii uu Madaxweyne Rayaale kursiga ku fadhiistay, taas oo uu ku biiray xayndaabka muxaafiddada, afkiisana xidhay.

 

Sidaa daraadeed, waxay dadka reer Somaliland isweydiin jireen maxaa aamusiiyay Aare? Hase yeeshee, wareysi uu su’aalahaas dadka xaganaya iyo arrimo kale kaga hadlayo ayuu tafaasiil kaga bixiyay Wareysiga uu siiyay Wargeyska Haatuf, wareysigaasina wuxuu u dhacay sidan:

 

S: Waxaad ka mid ahayd 40-kii Mudane ee soo dhigay Mooshinkii meesha lagaga saaraya labadii xubnood ee lagu kordhinayay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, maxaa xilligan sababay inaad soo dhigtaan mooshin caynkaas ah?

J: Dhowr arrimood baa sababay, waxaana ka mid ah; marka hore doorashadii waa dhowdahay, labada xubnoodna waxay u baahan yihiin in tababar la siiyo oo wax la baro, waayo, xubnaha hore ee Komishanku waxay tageen siminaaro ay qaarna dibadaha u tageen qaarna halkan ku qaateen, waxayna noqonayaan ka daba-tuur oo meel ay shaqada kala qabsadaan ma garanayaan. Waxa kale oo ay u baahan yihiin in xulitaan lagu soo sameeyo. Markaa waxa waxa is-gaadhi waayay labadan xubnood iyo doorashada kaabiga inagu soo haysa. Waxa kale oo jira boqolaal qof ayaa labadan soo rashgaranaya oo soo doonanaya, milaygan aynu joognaana waa milaygii loo baahnaa in dhawaaq dhowr la sameeyo oo wixii buuq ah la ilaaliyo, markaa haddii ay labada xubnood kaambayn hor leh inagu keenayaan waa in layska laalo. Waayo, uma baahnin wax allaale wixii hadal keeni kara xilligan.

 

S: Mudane, qolodiinan waxa laydunku xamanayaa in dhabarka laydinka soo taabtay oo uu Madaxweynuhu dabada idinka wado oo uu idin yidhi, ‘arrintan iga khaarajiya’, taas maxaa ka jira?

J: Horta nin-na afkiisa ka xaal-siinmayno, dadkuna sida ay doonaan wax ha u yidhaahdeene, sida ay doonaana ha u sheegeene, golaha iyo madaxweynahana waxa ka dhaxaysa wax soo jeedin la yidhaahdo, soo-jeedintaana raggu waa eegaa oo ama waxay noqotaa wax uga qaateen ah, ama wax la qaadan waayo, markaa ta la leeyahay dhabarkaa nimanka laga soo taabtay, maaha mid meesha ku jirta, mana qabo anigu.

 

S: Sida uu dhigayo xeerkii aad hore u ansixiseen xubnaha Guddiga Doorashooyinka laba ka mid ah waxa wada-jir u soo magacaabay labada xisbi ee Mucaaridka ah, laakiin dhowaan waxaad ansixiseen Xubin ka mid ah Guddiga Doorashooyinka oo aanay labada xisbi heshiis ku ahayn, markaa miyaan la odhan karin waxaad jebiseen xeerkii aad hore u ansixiseen?

J: Horta Marxuumkii meesha ka dhintay ee xubintiisa la buuxinayay Alla ha u naxariisteen Maxamed Sheekh C/laahi, waxa markii hore soo jeediyay Xisbi nin keliya ah, waa ururkii la odhan jiray UMMAD, xilligaana asxaabta mucaaridka ahi lix bay ahaayeen, wayna la qaateen. Sidaa ayaa Maxamed C/laahi Madaxweynuhu ku ogolaaday, goluhuna ku ogolaaday. Markaa waxaan leeyahay, waar asxaabtan imika joogtaa xagee bay iimaan-la’aantu kaga dhacday, haddii xisbi mucaarid ahi ninka soo jeediyay waxay ahayd kuwa kalena inay iimaansadaan, waayo qofkan cid kastaa ha soo jeedisee wuxuu u tirsan yahay Mucaaridka. Labadan xubnood-na mid UDUB baa soo magacaabi lahayd, midna KULMIYE, laakiin imika KULMIYE-na waa ku wax la’ yahay, UDUB-na waa ku wax la’ yahay, markaa haddii labadiiba laysla tuuray ma garanayo meesha ay qolodani ka iimaan la’dahay iyo wax xuquuq ah oo KULMIYE meesha kaga maqan oo aan UDUB ka maqnayn, waxaase maanta xumaan lahayd iyadoo la yidhaahdo UDUB way keentay ninkeedii, kii KULMIYE-na waa la tuuray.

 

S: Qolada Mudanayaasha ah ee fadhiga dibadda uga dareeray waxay ku dacwiyayaan Ajandahan halkii ay ahayd in laga doodo waa la is-jiidhsiiyay, si qaldanna waa loo maamulay oo wuxuu ahaa Mooshin si gaar ah loo wato, taas maxaa ka odhan?

J: Horta Mooshinkan marka horeba 41 Mudane ayaa soo jeediyay, halkaas waxaad ka garanaysaa inuu yahay Mooshin aqlabiyad haysta. Qoloda ka soo hor jeedaana waa tiro intaas ka yar, waxayna arkeen in haddii ay codeeyaana aanay waxba helayn, haddii ay ka aamusaana koleyba ay ansaxayso. Markaa Mooshinkani waxa uu ahaa mid aqlabiyad wata oo aanay jirin meel lagaga ordi karaa. Waa tii Gudoomiyuhu uu lahaa ‘waar 11 ayaaba loo baahnaaye, maxaad 41-kiinani iskugu soo daaliseen’.

 

S: Marka Mooshinkan laga yimaado, adigu Aare waxaad xilliyadii hore ka mid ahaan jirtay xubnaha ugu cad-cad qolyihii Mucaaridka ee aan laga fadhiyi jirin, laakiin in dhowayd waad aamustay, maxaa ku aamusiiyay?

J: Waar ninyahow laba shay ayaa I helay, midi waa bugto (Xanuun) oo fagaarayaashii aan iman jiray ee aan ka hadli jiray waan iman kari waayay oo bukaan-jiif ayaan noqday, taasi waa qodob. Ta labaadna ninkii Madaxweynaha ahaa ee aanu ishaynay waxa uu ahaa nin muddo dheer hawsha siyaasadda ku soo jiray. Ninkan hadda Madaxweynaha ahi waa nin cusub, waxaana loo baahan yahay in fursad la siiyo, meeshana kuma jirto in markiiba lagu bilaabo, waxaa loo baahan yahay in horta isaga la barto, sida uu wax u qabanayo in la eego ayaa loo baahan yahay oo xataa biri-rifna waa la isa siiyaaye, ee haddii aan biri-rif qaatay ma layaab ayaan leeyahay. Miyaad mar qudha iga maqasheen ina Rayaale waa nin fiican, waa nin wax qabtay, waa nin caynkaas ah, labadii dhinacba hadalku waa iga xidhan yahay. Markaa waxa weeye waxoogaa biri-rif ah ayuun baa qaataye, aamuskaygu ma aha wax aan cidna ugu roonaanayo, cidna ku diidayo.

 

S: Berigii hore waxaad bixisay hal-ku-dheg caan ah oo ahaa ‘Wuxuuni ha dhinaadeen weeye’, wixii berigaa dhinnaa imika miyay dhammaystirmeen?

J: Haddii aad run iga doonayso, wax dhammaaday ma jiraan, wax dhow-dhowina ma jiraan. Wax way iska soo dhow-dhowaan lahaayeen [intuu jaleecay Mudane Siciid Cilmi Rooble oo meel u dhow taagnaa] waxaa wax dhibaya oo ay wax ka buuxsami la’ yihiin Siciid iyo qoladiisa KULMIYE iyo reer UCID oo Madaxweynaha ka daba qaylinaya oo tallaabo alaale tallaabadii uu qaadi lahaa Madaxweynuhu ee uu wax ku buuxin lahaa Siciid baa ka daba yuuq leh, halkaa ayay wax ka buuxsami la’yihiin oo Siciidiyo afarta la xisbiga ah ayaa loogu daw gelayaa oo wax kala dhimay.

 

S: Aare, dadka reer Somaliland aad bay isu weydiiyaan aamuskaaga, faalooyin kala duwanna waa laga bixiyaa, laakiin dadka qaar waxay yidhaahdaan ‘Aare wuxuu aamusay markii uu ina Rayaale oo ay isku reer yihiin meesha qabsaday oo qabyaalad baa aamusiisay’, dadka sidaas kaa aaminsan maxaad ugu jawaabaysaa?

J: Way jirtaa oo ina Rayaale magaca guud waa isku nahay oo waa la yidhaahdaa gobol bay ka soo wada jeedaan, wax kalaase noo dheeroo macruufna waanu nahay, isku shaqana waanu ahayn oo isku maalin baanu shaqada wada qabanay. Markaa aniga iyo kuwa kale ee la shaqada ah midkaayana ma noqonayo ka ugu horeeya ee waranka tuura. Midna waan kuu sheegayaa caydh waa laga dhaqan karaa, aqoon-darrana wax baa laga baran karaa, laakiin waxaan dawada lahayni waa daacad-darrada. Markaa anigu wax shaki iyo saluug ah oo aan ninkaa [Madaxweynaha] Somaliland uga qabaa weli iima muuqan, balse waxaan leeyahay siyaasadda waa ku cusub yahay, wuuse baran karaa oo haddii uu kursiga ayaamo sii joogo indhahaa u furmaya, intaana waxaa leeyahay fursad hala siiyo.

 

S: Way jiraan dad had iyo goor Madaxweynaha dhaliila maamulkiisa, ama siyaasadihiisa naqdiya, taasina waa dabeecad siyaasaddu leedahay oo qof kastoo masuul noqda waa la dhalliilayaa ama waxbaa laga sheegayaa, markase aad leedahay Madaxweynaha wixii uu qaban lahaa dad baa u diiddan, miyaad aragtay cid qori la hor taagan oo ku tidhi waxaa ma qaban kartid, sidaa ma yeeli kartid, meeshaas ma tegi kartid, maxaad uga jeedaa waa la hor taagan yahay?

J: Waxyaabaha daadefeeynta ah ama qadafka ah ee ay xataa qolyihiina Saxaafaddu qoraan ayaa jirta, waxaad tihiin nimankii lahaa waxa shir wada yeeshay Madaxweynaha iyo Cabdillaahi Yuusuf, mana jirto meel ay kuwada shireen Madaxweynaha iyo Cabdillaahi Yuusuf. Waa la sheegi lahaa oo ma jiraan wax adduunka maanta qarsoon.

 

S: Maanu qorin way kulmeen ee waxaanu qornay telefoon bay kuwada xidhiidheen?

J: Telefoonkana haddii ay kuwada xidhiidheen waa la sheegi lahaa oo ma jiraan wax adduunka maanta qarsoon. Waxa kale oo aad mar walba leedihiin Ina Cumar Geelle iyo ina Rayaale way shireen oo waa caynkan iyo caynkan oo kii alaale iyo kii uu is lahaa aad weheshatid oo Somaliland danteeda wax hakaaga biiriyo, waa kanoo sida dacowga ayaad uga daba ciyaysaan. Runtii dadka reer Somaliland maaha dad xun oo waa dad wanaagsan, dadka xun-xumise waa Siciid iyo afar nin oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE ee uu Siciid ka mid yahay, xataa Illaahay baanan been u sheegaynoo madaxda KULMIYE ma wada xuma, ee Siciid iyo qaar la mid ah ayaa xun-xun. Ragga KULMIYE isku xisbi baanu ahaan jiray, in badanna waanu soo wada dhaqanay oo waa rag marka ay arrintu meel qadhaadh timaado oo ay dadka qaar u fekeraan si xun oo lagu kala tegayo waxa ku badan rag badan oo wax ka qabta, laakiin mid baa jirtoo, nin ugaadhsato ah oo meel keyn ah iska socda ayaa wuxuu arkay Hal kurus weyn oo meel joogta, dabadeedna wuxuu yidhi ‘Hashan kuruskan weyni wuu ka dhici doonaaye iska daba soco oo marka uu ka dhaco ka qaado’. Markaa qolada KULMIYE, kurus meel saaran bay arkayaan oo waxay leeyihiin kuruskaasi wuu dhacayaaye aynu markuu dhaco ka daba qaadano. Laakiin kuruskaasi meeshii Illaahay ku abuuray buu ku xidhxidhan yahayoo, xidido iyo raar adag buu leeyahay oo ma dhacayo ee wax kale oo mashaakil ah ma jiraan.

 

Qolada KULMIYE waxa ay leeyihiin annagu sidan doorasho ku geli mayno, dee haddii ay sidan doorasho ku geli waayaan mooyi, sida ay doonayaan waa sidee. Ma waxay doonayaan sida ay ina Cumar Geelle asxaabtii kale uga joogsadeen markii ay dad waayeen inay uga joogsadaan. Laakiin annagu haddii aanu UDUB nahay, dee haddii ay nooga joogsadaan waa sidii aanu rabnayoo anifoos ayuun baanu ku darsanaynaa oo sidaas waabanu rabnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this