Sign in to follow this  
General Duke

US secretary of state Rice will meet Somali East African leaders in Addis

Recommended Posts

condi1.jpgCondoleezza Rice oo kusoo fool leh dalka Itobia

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 02-Desember-2007

 

Xoghayaha arimaha dibada dalka Mareykanka C.Rice ayaa ku sii jeeda magaalada Adis Ababa si ay ugu qeyb gasho kulan wadamada harooyinka waa weyn ee africa ku yeelanayaan halkaasi.

 

Kulankaasi oo ay ka qeyb galayaan wadamada harooyinka waa weyn ee africa ayaa ka sokoow arimaha nabadda oo lagu falaan qeynayo ayaa waxaa si gooni ah loo gorfeynayaa arimaha dalka Soomaaliya .

 

Kulankaasi ayaa dhacaya shanta ilaa lexda bishaan , iyadoo Mrss. Rice lagu waramayo in ay xanbaarsan tahay hindisayaal xal loogu raadinayo dalka Soomaaliya oo ay ragaadiyeen fatqalalooyin siyaasadeed iyo kuwo amaan .

 

Warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxaya in madaxweynaha dowlada KMG ah C/lla Yuusuf iyo Ra`isul Wasaare Nuur Cadde ay ka qeyb galayaan kulankaasi maadaama arinta Soomaaliya si weyn diirada loo saarayo.

 

Mss.Rice ayaa waxaa la leeyahay kulanka waxa ay hor dhigi doontaa barnaamijka Mareykanka uu xanbaarsan yahay ee la dagaalanka argagixisada kaasi oo dalalka ka qeyb galaya ay ku boorineyso xoojinta la dagaalankiisa .

 

Madaxada dowlada KMG ah ayaa lagu wadaa in halkaasi ay ka jeediyaan codsiyo la xariira taageerida dowlada KMG ah ee Soomaliya .

 

Xigasho:http://www.alarabonline.org/

 

Maryama Xuseen Amed

seymuun@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Madaxda dowladda Soomaaliya oo Todobaadkan ukicitimaya Magaalada Addis Ababa.

2. december 2007

 

Baydhabo(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Raysalwasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen iyo Madaxweynaha Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ay maalinta Khamiistaa ku sii jeedaan Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

 

Labada Masuul ayaa kaga qeybgalaya halkaasi Shir Caalami ah oo diirada lugu saarayo xaaladaha qalafsan ee dalka Soomaaliya ,waxa ayna si gaar ah uga wada hadlayaan Arimaha dibu heshiisiinta iyo Dhexdhaxaadinta dowlada Soomaaliya & Kooxaha Ka soo horjeeda.

 

Dowlada Soomaaliya Madaxdeeda ayaa lafilayaa in ay halkaasi ka soo jeediyaan Warbixino ku aadan xaalada dalka Soomaaliya iyo sida ay udoonayaan in ay wada hadal la furaan kooxaha ka soo horjeeda DFKMGS oo inta badan qirta in ay ka danbeeyaan dagaalada dhuumaaleysigaa ee lugu qaado ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Saaxiibadooda taageeraya ee Itoobiya.

 

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha Iyo Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa Shabakada AllPuntland usheegay in ay Maalinta Arbacada ah lugu dhawaaqayo Dhamaanba magacyada xubnaha golaha wasiirada ,markaasina ay labada Masuul diyaarad ka qaadeyso Magaalada Baydhabo geyneysana Magaalada Addis Ababa.

 

Shirkaan ka dhacaya Magaalada Addis Ababa sida la qorsheeyey waxaa soo qabanqaabisay dowlada Mareykanka waxaana ka soo qeybgalaya dalal fara badan oo iskugu jira Africa ,Yurub iyo Reer galbeedka dhamaantiisana waxaa lugu falanqeeynayaan Arimaha gudaha ee dalka Soomaaliya ,ayagoo laga yaabo in ay cadaadis xoog leh ku saaraan dhinacyada Soomaalida in ay wada hadalaan kana tashadaan aayahooda.

 

Dowlada Itoobiya sida laga soo xigtey waxa ay sheegtay in shirkaasi ka danbeeyey , ka dib markii ay dowlada Itoobiya codsatey in laga wareego howlgalka nabad sugida ah ee ay ciidamadeedu ku joogaan dalka Soomaaliya ,inkastoo aysan jirin cid ka tirsan dowladda Soomaaliya ama Itoobiya oo xaqiijisay marka laga reebo hadalkii Raysalwasaaraha Itoobiya.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir arimaha Soomaaliya laga hadlayo oo lagu qabanayo dalka Ethiopia

 

Washington (WNT)- Kuxigeenka xoghayaha arrimaha dibada dalka Mareykanka ee arrimaha Afrika Jandeya Frazer ayaa shir jaraaid oo ay ku qabatey magaalada Washington waxay ka sheegtay in magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uu ka dhici doono kulan caalami ah oo si gaar ah loogu eegi doono arimaha Soomaaliya.

 

 

 

Kulankaasi ayey ka qayb gali doonto xoghayaha amuuraha dibada Mareykanka Condoleezza Rice oo iyadu booqan doonta dalka Ethiopia.

 

 

 

Mss Frazer ayaa carabka ku adkaysay kulankaasi lagaga hadli doono sidii loo heli lahaa waddo siyaasadeed iyo dib u heshiisiin dhabaha oo loogu googol xaarayo doorashooyin xor ah oo ka dhaca Soomaaliya sanadka 2009-ka.

 

 

 

Shirkaan ayey sheegtey Jandai Frazer waxay daboolka kaga qaadey shirkeeda jaraa’id in shirkaasi ay ka soo qayb gali doonaan hogaamiyeyaasha wadamada Itoobiya, Djibouti, Ugandha iyadoo ay shirkaasi ay ka qayb gali doonaan Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha DFKMG ah.

 

 

 

Jandeya Frazer sidaas oo kale sheegtay in xoghayaha amuuraha dibada Mareykanka Condoleezza Rice in ay arimaha Soomaaliya ay kala xaajoon doonto wakiilka qaramada midoobey Ahmadu Ould-Abdallah, Gudoomiyaha Midowga Afrika Alpha Omar Konari, Ra’isalwsaaraha iyo wasiirka arimaha dibada Itoobiya, iyadoo kala hadli doonta arimaha amaanka Soomaaliya iyo taaba galinta qorshaha dib u heshiisiinta.

 

 

 

Warar aan la xaqiijin oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro hindise qarsoon oo Mareykanku ku doonayo in wadahadal laga dhex furo madaxda DFKMG ah iyo kooxaha Isbahaysiga Asmara, walow saraakiisa Mareykanka ay ka gaabsadeen waxaa soo baxaya war sheegaya in ay dhici karto in Mss Rice ay booqato magaalada Asmara oo saldhig u ah kooxaha dawlada ka soo horjeeda.

 

 

 

Xarunta wararka Waayaha.net

 

editor@waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jendayi Frazer “Mareykanku waxaa uu rajeynayaa in Kenya ay kasoo qeyb gasho wada hadallada ka bilaabmaya Adis Ababa,maadaama ay tahay in lagala tashado xal u raadinta Soomaaliya”.

 

Kaaliyaha xog hayaha umuuraha dibada ee dalka Mareykanka ugu qaabilsan arrimaha qaaarada Africa Jenydayi Farzer ayaa goor dhoweyto sheegtay in Mareykanku uu ku rajo weyn yahay in madax ka socota dowladda Kenya ay kasoo qeyb galaan

 

wada hadalada Loogu Magac daray “Rice talks” ee maalinta Arbacada ah ka bilaabmi doona magaalada Adis abab ee dalka Itoobiya oo si weyna diirada loogu saari doono arrimaha Soomaaliya.

 

“Mareykanku waxaa uu rajeynayaa in Kenya ay kasoo qeyb gasho wada hadallada ka bilaabmaya Adis Ababa,maadaama ay Kenya tahay in lagala tashado xal u raadinta Soomaaliya”.ayay tiri kaaliyaha xog hayaha umuuraha dibada mareykanka ee arriaha Africa Frazxer.

 

Frazer ayaa hadalkan ka sheegtay caawa shir jaraa’id oo ay ku qabatay xarunta wasaarada gaashaandhiga ee dalka Mareykanka,iyadoo ka war bixineysay socdalka Rice ay todobaadkan ku imaan doonto magaalada Adis Ababa, waxaana wada hadalladu ay ka dhici doonaan xarunta Midowga Africa ee dalka Itoobiya.

 

Kaddib wada hadallo ku saabsan rabshadaha ka taagan gobalka Harooyinka waweyn ayaa Rice waxaa ay hadana ka qeyb geli doontaa wada hadallo heer wasiir ah oo ku saabsan Soomaaliya,waxaana ku lug yeelan doona dalalka gobalka geeska Afrika,waxaana dalalka ka qeyb qaadanaya ka mida Somaalyia, Kenya,Uganda, Djibouti, Ethiopia, the United Nations iyo African Union.

 

"Waxaanu rajeyneynaa in wada hadaladu ay ahaan doonaan kuwo wada tashi ah oo diiraa lagu saarayo sidii guul looga gaari lahaa geedi sodka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya,doorashooyinka la qorsheynayo sanadka 2009-ka in ay ka dhacaan dalka Soomaaliya iyo sidii loo hakin lahaa rabshadaha ay kooxaha argagixisadu ka wadaan magaalada Muqdisho”ayay tiri Fazer.

 

Waxaa kaloo wada hadaladan diirada lagu saari doonaa sidii dalalka Afrikaanku ay usoo de dejin lahaayeen ciidamadii nabad ilaalinta ee loo qoon deeyay Soomaaliya sida ay Frazer caawa shrikeeda jaraa’id ku sheegtay.

 

Xigasho Daily Nation.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this