Sign in to follow this  
General Duke

Minister of interior promises to work on security

Recommended Posts

Wasaarada Arrimaha Gudaha DF oo sheegtay in wax laga qaban doono ammaanka Muqdisho.

 

Muqdisho, Isniin 19 February 2007 Simba Radio

 

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed "Gacma Dheere" ayaa maanta shaaca ka qaaday in dhawaan ay Dawladu wax weyn ka qaban doonto amniga magaalada Muqdisho, isla mar ahaantaana ay si rasmi ah u howlgalin doonto ciidamadii Booliska Dowlada Federaalka.

 

Gacma Dheere ayaa waxaa uu intaasi ku daray in kooxaha weerarada ka wada Magaalada ay yihiin kuwo uu ku tilmaamay in ay qalqal galinayaan Shacabka iyo amniga caasimada Muqdisho

 

Wasiirka ayaa gaabsaday inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo xiliga ay dowladu howlaha amni sugida ah ka bilaabi doonto magaalada Muqdisho, balse waxaa uu sheegay in uu soo dhamaaday qorshihii ay Dowladu ugu tala gashay amniga magaalada, wuxuuna ugu baaqay Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir in ay ciidamada Dowlada garab siiyaan isla markaana ay howl galiyaan ciidamadii Madaniga oo ay horay u lahaan jireen si loo sugo amniga magaalada Muqdisho.

 

Si kastaba ha ahaatee, Gacmo Dheere ayaa hadalkaani maanta ka jeediyay Munaasabad balaaran oo xariga looga Jarayay Xafiiska Hay'ada Qaxootiga Qaran Soomaaliyeed taasi oo ay ka soo qeyb galeen Mas'uuliyiin ka socotay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

 

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia

Email: simba@simbanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this