General Duke Posted February 19, 2007 Wasaarada Arrimaha Gudaha DF oo sheegtay in wax laga qaban doono ammaanka Muqdisho. Muqdisho, Isniin 19 February 2007 Simba Radio Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed "Gacma Dheere" ayaa maanta shaaca ka qaaday in dhawaan ay Dawladu wax weyn ka qaban doonto amniga magaalada Muqdisho, isla mar ahaantaana ay si rasmi ah u howlgalin doonto ciidamadii Booliska Dowlada Federaalka. Gacma Dheere ayaa waxaa uu intaasi ku daray in kooxaha weerarada ka wada Magaalada ay yihiin kuwo uu ku tilmaamay in ay qalqal galinayaan Shacabka iyo amniga caasimada Muqdisho Wasiirka ayaa gaabsaday inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo xiliga ay dowladu howlaha amni sugida ah ka bilaabi doonto magaalada Muqdisho, balse waxaa uu sheegay in uu soo dhamaaday qorshihii ay Dowladu ugu tala gashay amniga magaalada, wuxuuna ugu baaqay Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir in ay ciidamada Dowlada garab siiyaan isla markaana ay howl galiyaan ciidamadii Madaniga oo ay horay u lahaan jireen si loo sugo amniga magaalada Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee, Gacmo Dheere ayaa hadalkaani maanta ka jeediyay Munaasabad balaaran oo xariga looga Jarayay Xafiiska Hay'ada Qaxootiga Qaran Soomaaliyeed taasi oo ay ka soo qeyb galeen Mas'uuliyiin ka socotay Dowlada Federaalka Soomaaliya. Simba Media Center, Muqdisho Somalia Email: simba@simbanews.com Quote Share this post Link to post Share on other sites