Sign in to follow this  
Abwaan

What a liar and coward!

Recommended Posts

Abwaan   

Ethiopia oo sheegtay guulo ay ka gaartay dagaalada Muqdisho

 

 

Mogadishu 25, April.07 ( Sh.M.Network) Dowladda Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in ay guulo ka gaartay dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho oo ay sheegtay in ay ku soo afjari doonto muddo kooban gudahood.

 

Ra'isulwasaaraha Ethiopia ayaa sheegay in dagaalada ciidamada Ethiopia ay ka wadaan gudaha Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho ay ka gaartay guulo la taaban karo, inkastoo ay jiraan howl-gallo wax iska caabin ah oo ciidamadiisa ay kala kulmayaan kooxaha ka soo horjeeda ciidamadiisa ee ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Males Zenawi oo shir Jaraa'id ku qabtay magaalada Adis-ababa ayaa sheegay in howl-galka Ethiopia ay ka wado Somalia ay tahay mid lagu guuleeystay, waxaana uu sheegay in ujeedka uu yahay in la hubiyo koox uu ku sheegay Al-shabaab in laga takooray dadweynaha reer Muqdisho.

 

" Waxaanu dooneynaa in aynu wiiqno awooda Militari ee nooga soo horjeedo magaalada Muqdisho, kumana talo jirno in aynu isaga dhex baxno Somalida oo dagaalameysa" ayuu yiri Zenawi.

 

Waxa uu sheegay in mashaakilka ka aloolsan magaalada Muqdisho ay dhalisay beel yar oo la yiraahdo Ceyr, taasi oo ku abtirsata qabiilka Hawiyaha ee gacanta ku haya caasimadda, isagoo intaasi ku daray in qabiilada kale ee waaweyn ee ****** sida ****** ay taageersan yihiin dowladda KMG ah, isla markaana ay sifeeyeen goobaha ay ka dagan yihiin caasimadda.

 

Waxa uu sheegay in kooxda shabaabka ay gabi ahaanba takooran yihiin sida uu hadalka u dhigay, isagoo sheegay in xoogaggiisa ay u baahan yihiin todobaad ama labo todobaad oo dheeri ah si ay uha taqlusaan kooxaha wax iska caabinta ee la dagaalamaya.

 

Waxa uu carabka ku adkeeyay in qasaarooyinkii dhowaan la shaaciyay ee soo gaaray dadka rayidka ah ay yihiin kuwo gabo ahaanba si aad ah looga badbadiyay, isagoo sheegay in aanu jirin dhiig badan oo ku daatay magaalada Muqdisho.

 

Waxa uu sheegay in Muqdisho ay ka kooban tahay 16 degmo, isla markaana dagaaladu ay ka socdaan 4-5 degmo oo kaliya, halkaasi oo uu sheegay in ay ku badan yihiin xoogagga wax iska caabinta, waxaana uu sheegay in degmooyinkaasi ay mar hore dadkii rayidka ahaa ay isaga baxeen.

 

Click here to find shabelle news in english

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Been ku xoog weynaa, toloow kan Duke maxaa u galay?

 

Wax walbaa la iska sheegayaa. Shakhsigaan Meles la yiraa ee naf-la-caariga ah bal arka wuxuu meesha borobogaando la yimid. Waan arki doonaa isagoo cabaadaya oo leh halla iga soo gaaro Insha Allah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this