Sign in to follow this  
General Duke

Jowhar latest, ...

Recommended Posts

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Caawa la hadli

doona dadweynaha Jowhar

 

Sawirada soo dhaweynta madaxweynaha

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta soo gaaray magaalada Jowhar ayaa ugu baaqay xubnaha Labada gole ee dowladda Federaalka ee khilaafka ka dhaxeeya inay ku wada hadlaan Golahayaasha Dowladda.

 

Madaxweyne Yuusuf oo la hadlayay Xubnaha Labada gole ee ku sugan ayaa sheegay in loo baahan yahay in la gudi galo howsha dowladda sidaas darteedna uu sheegay in laga tanasulo waxyaabaha khilaafka dhaliyay lagana gudbo khilaafka yaala.

 

Dhinaca kale caawa ayaa lagu wadaa in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf la hadlo dadweynaha magaalada Jowhar, iyadoo la diyaariyay halkii Madaxweynaha khudbada ka jeedin lahaa.

 

Sidoo kale ammaanka Madaxweynaha ayaa aad loo adkeeyay, waxaana guud ahaan la dhigay Waddooyinka soo gala Jowhar Ciidamo kala duwan, halka guriga Madaxweynaha ay joogaan ciidamo gaar ah oo wata Dhar gooni ka ah kuwa Maamulka shabeelaha Dhexe kuwaas oo la sheegay inay ka yimaadeen magaalada Gaalkacyo.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho, Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wardheeraada oo ku saabsan tegidii Jowhar Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed

Posted to the Web Jul 26, 14:57

 

 

Jowhar:- Madaxweynaha Dowladda FKMG-ka ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa abaarihii 2:00-duhurnimo oo qadar daqiiqado ah la'a uu maanta kasoo dagay garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Sh/dhexe.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa si weyn garoonka ugu soo dhaweeyey Mas’uuliyiin uu ugu horeeyey R/wasaare Cali Maxamed Geeddi,Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Prof.Maxamed Cumar Dalxa,Xubnaha labada gole ee Dowladda,Gudoomiyaha maamulka Gobalka Sh/dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo dadweyne kale oo kor u dhaafayey boqolaal ruux.

 

Madaxweynaha ayaa intii uu garoonka ku sugnaa waxaa uu salaan sharaf ka qaatay Wasiiradii iyo Xildhibaanadii halkaasi kusoo dhaweeyey isagoo ay markaasi garab socdeen R/wasaaraha Soomaaliya Mudane, Geedi iyo Gudoomiyaha Gobalka Sh/dhexe,waxaana uu sidoo kale uu salaan ka qaatay Ciidamadii Bambeyda ee halkaasi loogu diyaariyey in ay madaxweynaha kusoo dhaweeyaan.

 

Intaa ka dib Madaxweynaha ayaa isagoo ay la socdaan istaaf qaas ah oo isaga loo diyaariyey inay amaankiisa sugaan ayaa u gudbay magaalada jowhar waxaana la dejiyey xarunta Gobalka. Madaxweynaha ayaa intii aysan garoonka soo caga dhiganin diyaaradii siday,waxaa soo degtay diyaarad kale oo siday ciidamo gaar ah oo laga keenay Gobalada Puntland,oo Madaxweynaha Ilaaladiisa qaas ka ah noqon doona, iyadoo ciidamadaasina ay wataan labis u gaar ah iyaga si loogu aqoon sado inay yihiin ilaalada Madaxweynaha .

 

Magaalada Jowhar oo ay horey ugu sugnaayeeen Mas’uuliyiin Dowladda ka tirsan oo uu ugu horeeyo R/wasaaraha Soomaaliya Cali M.Geedi oo maalmihi lasoo dhaafayba halkaasi ka waday diyaar garood xooggan oo ay ugu jireen Soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Mudame C/laahi Yuusuf Axmed, Waxayna masuuliyiintii DFKS ka joogay magaalada Jowhar ay si fiican u adkeeyeen gabi ahaanba amaanka Gobalka gaar ahaan magaalada Jowhar ee uu soo gaaray Madaxweynaha lana filayo in ay fariisin kumeel gaar ah u noqoto.

 

C/risaaq C/laahi Maxamed (dhajaceyl)

Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this