Thankful Posted June 2, 2008 Boosaaso,Puntland:Kulan aad u ballaaran ayaa ka dhacey Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Boosaaso oo aha mid looga hadlayey safarkii Madaxweynaha iyo xaalada ammaanka ee Puntland. Kulanakan oo ay ka soo qeyb galeen Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi iyo Madaxweyne ku xigeenka Xasan Daahir Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Puntland Axmed Cali Xaashi, Wasiirka Amniga C/laahi saciiid samaatar Wasiirka maaliyada iyo warfaafinta iyo isimada, aqoonyahanada iyo waxgaradka Gobolka Bari. Shirkan ayaa waxaa uu ku saabsanaa warbixin safarkii madaxweynaha Puntland oo ku soo marey afarta dal isagoo warbixin dheer halkaasi ka bixiyey sheegeyna inuu wax weyn ay isla soo afgarteen madaxweynaha iyo dalalkii. C/laahi Saciid Samatar oo isna halkaasi ka haldey oo soo gaarey maalinimadii doraad ayaa ka warbixiyey shirkii uu kaga qeyb galey magaalada Sanca ee dalkaasi Yemen oo looga hadlayey arimaha tahriibta waxaana uu sheegey in ay wax weyn isla soo meel dhigeen dawlad goboleedka Puntland iyo dawlada Yemen. Quote Share this post Link to post Share on other sites