Sign in to follow this  
General Duke

HOGAAMIYEYAASHA DAGAALKA EE MUQDISHO+ other news

Recommended Posts

HOGAAMIYEYAASHA DAGAALKA EE MUQDISHO: DUQSIGII GAROOR (CIIR) KU DABAAL BARTAAHI FUUD KULUL AYUU KU GUBTAA!!

 

sh_muuse.JPG

 

Somaliweyn.com ( Muqdisho 16 Abriil 2005)

 

Ma aha wax sahlan loomana fadhiyo in la helo afkaar mideysan oo ay isku raacsan yihiin ummad, waxaase lama huraan noqoneysa in loo guntado ugu yaraan sidii loo gaari lahaa qaab isu soo dhowaansho si loo helo waddo suuragelin karta in hal jiho wax loo wada wado si looga gudbo dhibaatooyinka baaxada leh ee heysta shacabka Soomaaliyeed ee dhibanayaasha ah.

 

Tan iyo markii la unkay Dowladda Federaaliga waxaa shacabka u muuqday rajo cusub iyo ka gudubka marxaladan, waxaase durbadiiba soo if baxay hor istaag lagu doonayo in lagu burburiyo mirihii shirka, iyadoo la adeegsanayo fikrado raqiis ah oo lagu doonayo in wax lagu marin habaabiyo la isna huwinayo muuqaal daacadnimo, shacabkana la maqashiinayo hadalo wanaagsan oo afka baarkiisa kaliya ku eg.

 

Hoggaamiyeyaasha Xildhibaanada iyo Wasiirada noqday ee awooda ku leh Muqdisho qaar ka mid ah ayaa u muuqda kuwo wata qorshe gooni ah oo ay ku abuureen Mashruuca ujeeddo badan, kaas oo aan la saanqaadi karin hannaanka Dowladnimo ayna ka muuqato astaantii ay sida aadka ah ugu caan baxeen hoggaamiyeyaasha oo ah is hortaag fowdo iyo waliba carqaladeyn wax kasta oo wanaag u ah shacabka.

 

Hoggaamiyeyaasha Muqdisho waxay la soo shir tageen laba BArnaamij oo isku dhex miliqsan, nabadeynta magaalada iyo dhismaha maamulka G/Banaadir, aan kala qaadno labadan arrin, kuna horeyno nabadeynta magaalada Muqdisho oo ah mushkilad qara weyn xilliyo fara badan oo xaaladu intaan ka sahlaneydna xal ka gaarideeda lagu hungoobay, bal isweydii Muqdisho ma waxay gacanta ugu jirtaa saddexda hoggaamiye ee leh nabad buuxda ayaan ku soo dabaaleynaa, maleeshiyooyinkana dibadda ayaan u saareynaa, magaalo kala gogo'an oo gacanta ugu jirta hoggaamiyeyaal kala fikrad duwan iyo beelo aragtida siyaasadeed ku kala tagsan, sidee koox kaliya wax uga qaban kartaa, miyaa la iska indha tirayaa xaqiiqda dhabta ah, mala ilowsan yahay in rag hore oo lacag malaayiin ah loo siiyay fulinta qorshahan loona ballanqaaday boqollaal Milyan Dollar oo kale ku guul darreysteen inay Muqdisho xal u sameeyaan, waynu ku qasbanahay in wixii wanaagsan oo ummada dani ugu jirto, hase yeeshee tani ma aha wax aan ka ahayn WAAN SOCON WEYNEE AAN ORODNO.

 

Arrinta lug jiidida weyn ka imaaneyso waa maamul u sameynta G/Banaadir, ma waxaa la raacayaa habka Federaaliga ee qeexaya in qabiil walba uu maamulka degaankiisa isagu sameysto, mise weli waxaan adeesaneynaa nidaamkii qarda jeexa ee 14-ka sano, nin aan ahayn dadkii ehelka u ahaa degaanka ayaa maamul sameynaya, wuxuuna u magacaabayaa dad aan degaanka u dhalan,?, yaase iska leh mas'uuliyada maamul u sameynta G/Banaadir ma Dowladda Federaalka iyo mise hoggaamiyeyaasha ku kacsan?.

 

Qorshaha hogaamiyeyaasha ee Muqdisho waa tijaabadii ugu dambeysay ee lagu kala ogaan karo inay isbedel diyaar u yihiin lana saanqaadayaan dhismaha Qaranka iyo inay weli halkoodii hore taagan yihiin, wakhtiga ayaa wax walba kala caddeyn doona, beri ayuu shir isugu yeeray Waraabe bahda Habar Dugaag isagoo ka dalbanaya in laga bedelo magaca Waraabe oo uu si aad ah u dhibsaday, wuxuuna soo jeediyay in Amiin ama Aamin mid uun loogu yeero.

Bahda habar Dugaag ayaa Waraabihii ka codsaday inuu shirka dibadda ka tago si ay u wadahadlaan arrintiisa wixii ay ka yeeli lahaayeena go'aan uga gaaraan, waxayna kala afkaar qaadasho kaddib isku raaceen in Waraabaha loo dhiibo HAl iyo Nirigteed oo uu soo hayo muddo 15-maalmood ah si codsigiisa meel loo saaro, sidaa ayuu Waraabihii Hashii iyo nirigteedii kula wareegay, dhowr maalmood ayuu is celin ku jiray, hase yeeshee maalintii dambe ayuu is heyn waayay kolkaa ayuu Hashii candhada ka goostay, maalmo ayuu is celiyay, nasiib darrase wuxuu ka badin waayay inuu Nirigtiina Faruuryaha ka goosto, markii la gaaray maalintii ballanta ayaa habar dugaag oo shirsan u yeereen Waraabihii iyagoo "Aaminow Hasha soo godol", Waraabihii oo is miskiininaya ayaa goobta soo istaagay isagoo ka xun wixii uu sameeyay, wuxuuna yiri "MAxay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa?" la arki doonee halka ay arrinta hoggaamiyeyaashani ku dambeyso.

 

 

Cali Mahdi Maxamed markii Madaxweynenimada loo caleema saaray 1991-kii codsigii ugu horeeyay ee uu beesha Caalamka u gudbiyay wuxuu ahaa Nafto, Shidaal iyo cunto hanalala soo gaaro, C/qaasim isna markii Madaxweynenimada loo doortay sanadkii 2000 wuxuu yiri: Beesha Caalamka waxaan ka codsaneynaa kaalmo dhaqaale, Col. C/llaahi Yuusuf markii Madaxweynenimada loo doortay 10-kii Oktoobar codsigii ugu horeeyay ee uu beesha Caalamka u jeediyo wuxuu ahaa in lagu taageero Ciidamo amniga Dowladda hub ka dhigisna ku sameeya maleeshiyooyinka, qof ku haminaya helitaan dhaqaale iyo mid ka fikiraya dhisme Qaran sidee isula saanqaadi karaan?, Ciidamada shisheeye waxay saldhig asaas ah u noqonayaan in la helo Dowlad shaqeysa oo ka badbaada hagardaameynta ay maleegayaan kooxaha diidan inay wax dhismaan, waxaanse gabagabadii leeyahay

 

HOGGAAMIYEYAASHA DAGAALKA EE MUQDISHO: DUQSIGII GAROOR (CIIR) KU DABAAL BARTAAHI FUUD KULUL AYUU KU GUBTAA!!

 

Waxaa Qoray: Muuse Maxamed Cusmaan

muusekiimiko@yahoo.com

muusekiimiko@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali Premier Names New Army Chief, Mogadishu Governor

Agence France Presse

 

NAIROBI, 15 April 2005 — Somali’s transitional Prime Minister Ali Mohamed Gedi has named a new army chief and a new governor for the anarchic country’s bullet-scarred capital of Mogadishu, officials said yesterday.

 

The appointments, however, are largely symbolic as while the lawless Horn of Africa nation has plenty of men under arms, it has no army and Mogadishu is controlled by various unruly warlords many of whom are foes of Gedi.

 

Despite questions about the effectiveness of the new officials, their naming comes as Gedi’s government, which is still in exile in Kenya for security reasons, continues with long-delayed plans to relocate home.

 

He named General Ismail Kassim Naji, a former military officer, as the new chief of staff of the yet-to-be-created army and Mohamud Hassan Ali, a former Somali Olympic official, as the governor of Mogadishu, officials said.

 

In addition, Abdullahi Dahi Barre was appointed as attorney general and Bashir Issa Ali named head of the central bank.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this