Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: UN delegates attend Conference extra funds PICS

Recommended Posts

Wafidi ka socda QM oo gaarey magalada Muqdisho

28 Jul 28, 2007 - 7:36:16 AM

 

Waxaa saakay barqanimadii soo gaaray Muqdisho wafdi ka socda Qaramada Midobay iyo beesha caalamka kuwaasoo la magac baxay guddiga caalamiga la talinta arrimaha Somaliya.

 

Wafdigan oo uu horkacayey ku xigeenka wakiilka arrimaha Soomaaliya ee Q/Midoobay Barlin Guard kuwaasoo isugu jiray kuwo ka socda dalalka Norwey, Masar, Yeman, Talyaaniga iyo taliska ciidamada Ugandha.

 

Wafdigan ayaa ka qeybgalay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Mudoyinkan ugu socday magaalada Muqdisho iyagoo halkaasi ugu guur galay habsimada uu ku socdo shirkaasi iyagoo warbixino halkaasi uu ku siiyay Gudomiyaha guddoonka shirka Md. Cali Mahdi Maxamed.

 

Xubno ka tirsan wafuudan gaar ahaan ergayga Safaaradda Talyaaniga Stephano Jack oo kulankaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in dowladda Talyaaniga ay sidii caadada u aheydba ay mar walba kaalmo dhaqaale u fidineyso howlaha dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka isagoo hoosta ka xariiqay iney taasi tusaale u tahay kaalmada 400.000 oo Euro ah si loo dardar geliyo howlaha socodsiinta shirka, isagoo ka codsaday qeybaha Somaalida in la kordhiyo tirada haweenka ee ka qeybgalayaasha shirka si ay haweenku door ugu qaataan howlaha dib u heshiisiinta.

 

Wafdigan ayaa qorshahoodu ahaa iney Muqdisho yimaadaan furitaankii shirka dib u heshiisiinta beelaha ee 15-ka bishan kuwaasoo u baaqday arimo nabadgelyo awgood ayaa maanta sheegeey iney u baaqdeen arimo dhinaca farsamada,

 

Gabagabadii kulankaan Guddoomiyaha guddiga shir guddoonka beelaha Cali Mahdi Maxamed oo ku hadlayey dhamaan magaca xillka guddigaasi iyo ka qeybgalayaasha ayaa u mahad celiyay wafuudan booqashada ay ku yimaadeen shirka.

 

Wafdiga ayaa lagu wadaa inta ay Muqdisho joogaan ay kulamo kale oo gooni ah la yeeshaan qeybo ka tirsan ururada bulshada rayidka iyo beelaha Soomaaliya iyadoo la filayo iney galabta ku laabtaan magaalada Nayroobi.

 

Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

Yes your clan militias who looted properties are in peril but the state of Somalia is back adeer.

Mugo hadi aan adi ahan aha 'clan' waxba ma ka sheegen, kuwa Axmaro so hogamiyaay maka dhalaano adiga - shib iska dhex widayo - tarikh xumo dhaforka ayey kaga tala.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi ka socda beesha Caalamka oo dhawaan soo gaaray Muqdisho, kana qaybgalaya shirka Qaran .

July 28 2007 Radiofreesomalia.com

 

Wafdi ka socda beesha Calaamka ayaa goordhaweyd kasoo dagay garooonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana wafdigaan ay gaareen goobta uu ka socdo shirka Qaran ee beelaha Soomaaliyeed, iyagoo ka qaybgalaya shirka Qaran.

 

Wafdigaan oo ay geeyeen xarunta uu shirka ka socda ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay inay ka socdaan UN-ka oo ay ka socdeen saddex xubnood oo wakiil ka ah Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki Moon, Xubin ka socda safaaradda Norway ee Nairobi, Xubin ka socda safaaradda Talyaaniga ee Nairobi iyo xubin kale oo ka socda Safaaradda Masar ee Magaalada Nairobi.

 

Xubnahaan oo lagu soo dhaweeyay goobta uu shirku ka socdo ayaa waxay qayb ka yihiin shirka oo xilligaan si toos ah uga socda xaruntii gaadiidka Booliiska oo loo dayactiray, waxayna dhageysan doonaan fikrada salaaddiinta qaar iyo iyagoo u kuurgalaya qaabka uu shirka u socdo.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in xubnahaan ay kulammo la yeelan doonaan saacadaha ay ku sugan yihiin Muqdisho xubno ka tirsan Beelaha ****** oo iyagu laba dhinac u kala jaban iyo sidoo kale xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ku simaha Ra’iisul waasaraha Soomaaliya Prof. Saalim Caliyoow Ibroow oo Muqdisho ku sugan.

 

Gallinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa inay ka dhoofaan Magaalada Muqdisho, iyagoo ka hor inta aysan ka dhoofin Muqdisho ku qaban doona shir jaraa’id oo ku aaddan wixii ay la kulmeen intii ay Muqdisho joogeen iyo siyaabaha ay u yimaadeen Muqdisho.

 

Wafdigaan ayaa noqonaya wafdigii ugu heerka sarreeyay ee ka socda calaamka oo soo gaaray Muqdisho inta uu socdo shirka Qaran ee Beelaha Soomaaliyeed, iyadoo lagu sheegay inay jawaab u tahay eedeyn ay dowladda Federaalka u jeedisay calaamka, taasoo ay ku sheegeen inay caalamku ka lug jiidayaan sii socoshada shirka Qaran.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Juje, adeer the days when clan militias did what ever theyw anted in Mogadishu is over. A national governemnt is here and getting stronger, weither you repeat the word "Ethiopia" forgetting that "Uganda" is there and the "security council of the UN" RECOGNISES the TFG. Its all great, also dont ever mention "Eritrea" where your insane leaders are holed up in. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

he "security council of the UN" RECOGNISES the TFG.

You mean those whose members were putting on the bullet proof vest before they went the 'circus'.

Saxiibo you are not lacking UN or NU or NR etc recognition - seek what you are lacking it is closer than you think.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^No adeer I am talking about the US, China, Russia, Britian and France and the remaining members of the council that supports the TFG.

 

Every day that goes by the people realise the anti-governemnt groups have no real option other than to promote falsehood and violence.

 

Somalia is back..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this