Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: UN delegates attend Conference extra funds PICS

Recommended Posts

Wafdi Ka Socda QM Oo Ka Qeyb Galay Shirka D/Heshiisiinta

 

Muqdisho(Calanka.com) 28-Luulyo-2007

 

Wafdi caalami ah oo ka socday Qaramada Midoobay, Jaamacada Carabta iyo EU ayaa waxa ey maanta ka qeybgaleen shirka dib u heshiisiinta oo maalinkii tobanaad si habsami ah uga soconaya magaalada Muqdisho.

 

Wafdigan oo soo gaaray Muqdisho saakay barqadii (10-subaxnimo) ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka masuuliyiin ka tirsan dowladda federalka iyo gudiga shirka d/heshiisiinta kuwaasoo u kexeeyay wafdigan goobta uu ka socdo shirweynaha qaranka.

 

Wafdigan oo markii ey soo gaareen madasha shirka aad ula fajacay qaabka ey wax u socdeen iyo khalkhiga intaas la eg ee isugu timid goobta shirka ayaa qaarkood u qaadan waayay waxa indhohooda ey ku arkayeen, waxaana loo sameeyay xubnahan soo dhaweyn aad u wanaagsan.

 

 

Xubnaha wafdigan oo ka koobnaa ilaa afar xubnood ayaa kuligood ka wada jeediyay hadalo madasha shirka, waxaana ugu xiiso badnaa hadaladi uu ka jeediyay halkaa masuulkii ka socday dalka talyaaniga oo isagu sheegay in ey aad uga xun yihiin in ey san soo xaadirin maalinkii shirka la furayay sababo la xiriira warar been ah awgiis oo ahaa in amaanka goobta shirka uu yahay mid aan fiicneyn.

 

Masuulka ka socday dowlada Talyaaniga ayaa intaa ku daray in waxa ey maanta ku arkeen madasha shirka iyo caasimadaba ey tahay mid lagu faani karo, wuxuuna yiri "Waxaan jeclahay in aan meeshaan ka sheego maanta in aan ku darnay lacag dhan 400.000 oo doolar lacagtii shirka loogu tala galay"

 

Gud. Beelaha ******: Xaaji Candi Iimaan

 

Calanka.com:Isha Wararka Xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi ka socda beesha caalamka oo soo gaaray madasha shirka dib u heshiisiinta ee magaalada Muqdisho

 

Last Updated::2007-07-28 14:46:32

 

Muqdisho:-Wafdi ka socda beesha caalamka ayaa maanta markii ugu horreysay soo gaaray magaalada Muqdisho

oo uu ka socda shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed waxaana wafdiga loo gudbiyay madasha uu ka socda shirka dib u heshiisiinta.

 

Waa markii ugu horreysay oo wafdi heer sare oo ka socda beesha caalamka uu soo gaaro magaalada Muqdisho tan iyo markii shirka dib u heshiisiinta uu ka furmay caasimada 15ka bishan aanu ku jirno ee July ayadoo wafdiga ka socda beesha caalamka uu ka baaqday ka qeyb galka furintaanka shirka dib u heshiisiinta.

 

Wafdiga soo gaaray madasha shirka dib u heshiisiinta ayaa ka kooban 7 xubnood 3 xubnood waxa ay ka socotaa QM, xubnaha kalena waxa ay ka socdaan wadamada Talyaaniga, Norway iyo Masar waxaana ku soo dhaweeyay madasha shirka guddoomiyaha guddiga shirka dib u heshiisiinta Cali Mahdi Maxamed iyo ergada ka qeyb galaysa shirka.

 

Xubnaha ka socda beesha caalamka ayaa la filayaa in hadal ay ka jeediyaan shirka dib u heshiisiinta kaasoo ay kaga hadli doonaan ujeedka booqashada ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho taasoo ku soo beegantay xilli madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha DFKM ay ka maqan yihiin caasimada.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Faahfaahin ku saabsan wafdigii caalamiga ahaa & kulamadi ay ku yeesheen Muqdisho

 

28. July 2007

Muqdisho(AllPuntland)- Wafdigii ka socday Qaramada Midoobay iyo beesha Caalamka oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho kuwaasoo uu horkacayey Barlin Guardoo ah ku xigeenka wakiilka arrimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa ka qeybgalay shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed maalmahana ugu socday magaalada Muqdisho.

 

Wafdiga ayaa u guur galay qaabka iyo habka uu u socdo shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida iyagoo halkaasi warbixino ay ku siinayeen Cali Mahdi Maxamed Guddoonka guddiga qaban qaabada shirweynaha kuwaasoo ugu warbixiyay heerka laga soo maray iyo xiliga maanta uu taagan yahay iyagoo sheegay iney tahay guul u soo hoyatay shacbiga Soomaaliyeed isla markaana ugu mahad celiyay beesha caalamka taageerada dhaqaale ee ay ku bixiyeen qaban qaabada shirka iyagoo ka codsaday iney sii wadaan taakulada dhinaca maaliyada.

 

Wakiil ka socday dowladda Talyaaniga oo lagu magacaabo Stephano Jack ayaa halkaasi warbixin kooban u jeediyay ka qeybgalayasha shirweynaha isagoo ugu mahad celiyay dowladda Federaalka, guddiga qaban qaabada iyo dhamaan inta gacanta ka geysatay isu imaanshaha ergadan ka badan kunka xubnood isagoo hortooda ka caddeeyay in dowladda Talyaaniga ay taageero hiil iyo hooba leh ku bixin doonto howlaha dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka.

 

Stephano Jack ayaa tusaale u soo qaatay in dowladdiisa ay 400.000 lacagta Euro-da ah ay ugu deeqday dardar gelinta howlaha shirkan, wuxuuna ka codsaday guddiga iyo dowladda in la kordhiyo xubnaha haweenka ee ka qeybgalaya shirkan isagoo xusay in haweenku yihiin kuwo door weyn ka qaadan kara dhinacyada dib u heshiisiinta.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

France's Kouchner calls for urgent UN force in Somalia

 

ADDIS ABABA (AFP) - French Foreign Minister Bernard Kouchner said Friday the United Nations should urgently send a peace force to Somalia, where he suggested such a deployment would be easier than in Sudan's Darfur.

 

"The urgency is great," Kouchner told AFP after meeting Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi in the Ethiopian capital Addis Ababa. "In Somalia, we could intervene and retrieve the situation a little."

 

Kouchner said it would be easier for the UN to act in Somalia than in Darfur -- the western region of Sudan where civil war has raged since 2003 -- because there would be no restrictions on where the UN troops came from.

 

Khartoum has said that only African peacekeeping troops can be deployed by the UN if it intervenes in Sudan.

 

 

 

 

 

Violence has been escalating in Mogadishu, where Islamist insurgents are launching attacks almost daily on the government, which is supported by Ethiopian troops and African Union peacekeepers.

 

Uganda has deployed at least 1,500 troops in Mogadishu, a vanguard of around 8,000 troops the African Union is struggling to assemble to help Somalia's weak government.

 

A bloody power struggle has enveloped Somalia since dictator Mohamed Siad Barre was ousted in 1991.

 

The UN Security Council last month gave a cool response to a call from Gedi for the immediate deployment of a UN peace force in his strife-torn country.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

^^lool. How come the delegate is in Mogadishu at all?

Lool, but then again come to think of it Yey is also there - wonders of this World never cease to amaze.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

passport11.JPG

 

Real government you say sxb, tell me then why is Geedi trying to confince this notably irked fellow. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafti balaaran oo ka socda beesha caalamka ayaa maanta siwayn loogu soo dhaweeyay magaalada muqdisho

 

Wafti balaaran oo ka socda beesha caalamka ayna ka mid ahaayeen wadamada Talyaaniga, Norway, Massar,Yemen,wakiilo ka socda qaramada midoobay ayaa maanta si heer qaran ah loogu soo dhaweeyay garoonka caalamigaa ee Aadan Cadde international aiport iyadoo amaanka siwayn loo adkeeyay kahor intii aysan waftigu ka soo dagin garoonka.

 

Waftiga ayaa markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha waxaa isma markiiba loo galbiyay goobta uu ka socdo shirwaynaha qaran ee Xaafada cabdulcasiis.

 

Wafttiga ayaa ka qayb galay shirwaynaha somaliyeed oo markaasi si toosa ugu soconayay xarunta shirwaynaha qaran iyadoo ay hadalo ka jeediyeen xubno ka tirsan waftiga uuna kamid yahay wakiilka qaramada midoobay ka socday iyo sidoo kale ergayga talyaaniga u qaabilsan arimaha somalia.

 

Waxaa ugu horayn hadlay Ergayga talyaaniga u qaabilsan arimaha somalia Stephano Jack isagoo sheegay in dawladiisu ugu deeqday shiraynaha qaran lacag gaaraysa 400,000,000$ lacagtaas oo loogu talagalay socodsiinta iyo dardar galinta shirwaynaha qaran ee ka socda muqdisho.

 

Waxaa isna halkaasi ka hadlay K/xigeenka wakiilka Q.M ugu qeybsan arimaha Somalia, Barlin Guard oo isna sheegay in qaramada midoobay iyo beesha caalamkuba ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin shirwaynaha qaran kuna hanwaynyihiin inay ka soo bixi doonaan ereyo wax ku ool ah.

 

Allmudug.org news disk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Juje, funny that you think this type of nation support is unique to Somalia. Even developed natio have been through such difficult periods.

 

France was supported by the US and Britian agaiants the Fascist Germans and their Viche regime. Now De-Gaulle created the longest lasting French republic which stands till today..

 

eisenhower_degaulle.jpg

Charles De-Gaulle trying to convince Eisenhower then General :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Suppose does India occupy Bangladesh today and are the US masters of France?

 

Thus this Ethiopian/Ugandan supportis temporary and the Somali state is in no danger. Yes your clan militias who looted properties are in peril but the state of Somalia is back adeer.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this