General Duke Posted November 10, 2007 Madaxwaynaha Somaliya Abdullaahi Yusuf Axmed oo gaaray magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya. Madaxwaynaha Somaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayna ka mid yihiin Xubno ka tirsan labada gole ee Xukuumada iyo Gudoomiyihii Shirkii Dibu heshiisiinta Somalida cali Mahdi Maxamed ayaa gaaray gaaray shalay galinkii dambe caasimada wadanka Kenya Magaalada Nairobi. Waftiga Madaxwaynaha ayaa siwayn loogu soo dhaweeyay Gagida diyaaradaha Ee JOMA KENYATA iyadoo loo galbiyay goob ay ku nastaan Madaxwaynaha iyo waftigiisu, Imaatinka Madaxwaynaha ayaa ku soo aadaya xili uu shalay kulan balaaran kula qaatay Magaalada Baydhabo xunbo ka socda Beesha caalamka iyadoo kulankaasi looga wada hadlay arimo farabadan oo ay Beesha caalamku Madaxwaynaha kala hadleen. Sidoo kale imaatinka Madaxwaynaha ayaa ku soo aadaya xili la soo afjaray khilaaf xoogan oo ka dhex aloosnaa Madaxda Dawlada Somaliya iyo sidoo kale golayaasha Barlamanka oo qaarkood samaystay Urur Mucaarad ah balse markii dambe utanaasulay si loo xakameeyo khilaaf baahay oo xiligaasi ku dhexjiray Barlamanka. AllMudug.org kala soco wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Somaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites