General Duke Posted December 9, 2004 Biyo la Hubaa waa Badhan Warbixin ku saabsan magaalada Badhan Badhan :- Magaalada Badhan waxay dhacdaa Loolka 10o.05’ Waqooyi, Dhigta 48o.33’ Bari. Waxayna ka tirsan tahay Gobolka Sanaag, waxayna u jirtaa 118km magaalada Ceergaabo oo xagga Bariga ah, magaalada Boosaasona waxay u jirtaa 180km oo xagga woqooyi ah. Magaalada Badhan waxa dhinaca woqooyi iyo Waqooyi Bari kaga dhereran silsiladda buuraleyda Golis. Waxay leedahay ceel dabiici ah oo magaaladu ka cabto , waana ceelka ay magaca kula baxday ee Badhan, waxana uu caan ku yahay halku dhegga ah Biyo la hubaa waa Badhan, oo ah kelmad ay bixiyeen ciidamadii daraawiishtu xilligii ay saldhigga ka dhigteen. Waxana ceelka ku wareegsan dhismihii taariikhiga ahaa ee lagu yaqaaney daraawiishta. Muuqaalka ceelka Badhan Magaalada Badhan waxa ku nool dad gaadhaya ilaa 40.000 oo qof, waana tiro soo kordheysa, dad badan oo tuulooyinka iyo miyiga kaga imanaya awgeed. Magaalada Waxa ka furan afar dugsi , oo labo ay dugsiyo sare yihiin iyo hal xadaano, dugsiyadaas waxa wax ku barta arday gaadheysa illaa 1650 arday. Dugsiyada quraanku waxa iyana gaadhayaan 21 dugsi quraan , 9 masaajid oo labo kamid ah jimcaha lagu tukado. Magaaladu waxay kale oo leedahay Isbitaal dhowaan dayactir lagu sameeyey, uuna yaallo qalab casri ah oo ay ugu deeqday hay,adda Al-manhal, iyo MCH . Magaalada waxa kujira laynka telefoonada ee shirkadda Golis, iyadoo weliba shirkaddaasi korontada magaalada gelisey , inkasto ay jiraan shirkado yar-yar oo korontada siiya magaalda itaalkooda, waxa kale oo laga helaa Internet coffee-yo , dadku aad u isticmaalaan. Waxana ka furan idaacad FM ah , iyadoo uu kasoo boxo wargeys labo todobaadle ah oo la yidhaahdo Calmadow. Dhaqaalaha magaaladu wuxu ku tiirssan yahay ganacsi ballaadhan oo ay la leedahay dekedda Boosaaso , iyadoo maalin walba uu ka boxo mid kamid ah labada Bas ee rikaabka u qaada magaalada Boosaaso. Iyo xoolaha nool iyo beero aan sidaa u horumarsanayn. Waxa soo gala afar waddo oo magaalada ku xidha magaalaooyinka la jaarka ah sida Ceergaabo, Boosaaso , Laasqorey iyo Magaalooyinka dhulka oogada ah ku yaal, inkastoo ay yihiin waddooyin raf ah , oo aan nasiib u yeelan in ladhigo laami. Taasna waxa dadku ku dhibaatoodaan xiliyada roobabka ah,oo waxyeello soo gaadho waddooyinkaas, gaadiidkuna aannu mari karin. Waxaa qoraalkan soo diyaariyey Maxamuud Ciyoon /Badhan Wargeyska Calmadow /Badhan + Horseednet. ------------------------------------------------- Quote Share this post Link to post Share on other sites
MR ORGILAQE Posted December 9, 2004 beautiful.the place iw ould like to move to when i go back home Quote Share this post Link to post Share on other sites
B_A_L_L_E_R_Z Posted December 9, 2004 Bishaaradii Nafteydaaaaay Lugta Waxaaan Ku sooo Maray Ba'talaalihii uu Boodhari Ku aasnaaa Ilaa Buurtii Daalo Buran iyo Hadaafitomooo Ceerigaabo iyo Badhan Baladadii Kalgacalada iyagoo Barwaaaqaaaaaa Biyuhuna Qul-Qulayaaaaaan Baliyaduna Buuxaaaaan soo Bookhay owgaaaaaaaaaaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nationalist Posted December 9, 2004 Manshalah. Also I should point out that the heroine of Pland; Fatima Jama Jibrell who's from Eastern Sanaag, Buran in particular, is the most responsible to the fact that Pland is now the entity in the horn of Africa with an effective protection of the acacia trees. I will dedicate a thread about her NGO Horn Relief within a short period Inshalah. ps: Orgilaqe, I was waiting for your pictures you were about to post. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted December 9, 2004 beautiful pictures. I have to ask my mother to take me there because she is from there. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted December 9, 2004 beautiful pics,,Badhan,miss u very much. Fatima Jama Jibrell is indeed a heroine of Somalia; she is also the wife of the current Minister of Defense, Gen Abdulrahman Mahamoud Ali Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted December 9, 2004 ^^^ You people, can you post Xiin-Galool pictures? Badhan, Dhahar, Las-Qorey iyo Hadaaftimo igama heyso hada ee show me some Xiin-galool pics Or even Damalaxagare iyo Calmadow Quote Share this post Link to post Share on other sites
Muhammad Posted December 10, 2004 great post - thanks Smith! guys buurtii badhan ku taaleey maxaa la oranjireey? lol@JamaaL » Sunrise on the Makhir Coast - NASA Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted December 11, 2004 Yes I am definately interested in the pictures of Xiingalool and DamalaXarage as i have never seen these places before,but the nomadic setting and view will indeed treat my devout love for ancestral homeland. Muad, the name of that mountain, was it Geelsaar or Geelaroor? I don't know man, but it starts with G. Quote Share this post Link to post Share on other sites