Sign in to follow this  
Kamaavi

Booliiska Somaliland oo soo furtay laba dumar ah

Recommended Posts

Kamaavi   

Qabqab hadalku iigama tagee waa qotomiyaayee

Qalinkaba hadaan khadi ku jirin xaashi qori waayee

Nimay luguhu qaar goan yihiin qaab u socon waayeee

 

Biyo meel qarsoonoo khatara kaga jira qow fog

Adigoo haraad qaba durbaba kuma qabowshaane

Hadiise qaawa geel kuu dhashiyo qaabil sidigteeda,

Qaabkeeda goortaad dhantaa lagu qaboobaayee

 

Qabsaday qoraa waxaan hayaa qodobadiiye

Inkastoo suldaankii qiray oon qoray wuxuu sheegay

Nabi aadan oo qudha markuu Qaadirku abuuray

Ase qoys inay wada noqdaan loo qadaray Xaawa

Tarankoodii labadaa qofe qaaradaha buuxshay

Quruumihii ka beermay ee la rogay ee qabriga aaday

Iyo maanta qoomkeenan nool ee qudhu istaageyn

 

Marka buunka laga qaylisiin qaarka dhalan doona

Malaa'iga u qoran baa jira qodobna dhaafayne

Qalad kuma daraan shayga dhaca mana qabyeeyaane

Mana jiro waxaad qarin kartaa ama qishaysaaye

Afkaagoo qufalanbay xubnaahagu kugu qirayaanee

 

Kiyow qalin jabinta ka waran ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Inaan gabay abuuraa haday, ila ekoonaato

Waxaan dooni meel ugub ahayd, inaan abbaaraaye

 

Kiiyow gabay kusheego kaalinteed gashay? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

La qabso xaaji ,,,, meeshani way kaa wayntahaye xejiso
:D

Wax weyn iyo wax yar ba laga ma hadleyn eeh Xaajigu Maansada uun buu idin yara toos toosinayey :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

33869_429986940417_330694190417_5230175_

 

 

Jacaylbaro do you know the guy on the far left he is a teacher called Muse cabdi Cilmi samatar. He used to live in germany before he migrated back to Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aan u soo noqdee ,, wuxuu yidhi:

 

 

Geeddi iyo jid dheer baa loo mariyo, geyi shisheedaade

 

Gufaac dabayl iyo habar dugaag, guri lagula hoydee

 

Guryo iyo adduun baa ku lumay, hanti ma guuraane

 

Galbeed iyo Barri buu is qabsaday, galalac baaruude

 

Kuwii gardarada waday waa tii, geesi uu helaye

 

Raggii garaad iyo aqoonba, Guulle ku manaystay

 

Geesiyadii geedka u galee, goobtan ka xoreeyay

 

Inaynu maanta guushood xusnaa, gaar bay noo tahaye.

 

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

:D @ Kuwii gardarada waday waa tii, geesi uu helaye

 

Ujeedada gabayga ayaad ka famaysaaye, wuxuu yidhi:

 

Gardarooy waxbaad geysataa, goor iyo ayaan e

Gafkii aad samaysaa batiyo, godobahaagiiye

Gashi aan yarayn baad qabtaa, jeer lagaa gudo e

Waxaad goyso moyee lawaa, nimaad gargaartaaye

Gurigii barwaaqaysan baad, gubi taqaanaaye

Oo ruuxaad gadhqaadaa wallee, guul ma xoogsade e

diga iyo geeridu dadkii, waad gablamiseene

 

Adigoon gadaal uga hadhayn, mid iska kaa giijay

Qofkii tabartii gees kaa mareey, wax u gaboobaane

Gaag baa uso hadha kollay, ruuxii kaa gudo e

Adoo gabi ka tuuruu arkaa, kii garaad xumiye

 

Adaa gaanbiyaay howl yaraan, soo galaangala e

Adigaa dhibaato u gasba oo, reer gadaafo ahee

Adaa garab ku taaglee yidhaa, geesi baad tahaye

Gaasaar nin kale beertay baad, guro tidhaahdaaye

Markaasuu garbada kii lahaa, gama'a diidaaye

Anaa gaafidan lahee iiga guur, golal markuu sheegto

Anaa galabta jooguu yidhaa, gocondho shaydaane

 

Gogoshaana laysugu dhigtaa, goobayoow badane

Mid waliba gafuurkiyo wuxuu, ganafka taagaaba

Guddi loo xilsaariyo waxay, guurti bixiyaanba

Xeerbeegti guushaa waxay, hadal gudoonshaanba

Gabogabo dhigoodii markii, lays af garan waayo

Eey taladu soo giirateey, gowda la istaago

Guracanihii gowdhaafayey baa, aad u goodiya e

 

Garaarteey dabeed kaga dhegtaa, kii la gaabsadaye

Inuu golol cadhoodaana waa, ficil gadiisiiye

Isagooy guduuteen indhuhu, oo gilgilanaaya

Guushii iyo geeridii oo markaa, is garab yaala

Labadaa midood inuu galuu, goosan dabadeede

Guntashada xigtaa waa dagaal, ha u gardaadsado e

Nin gabadayse cadhaan guurta hayn, ama gurguurtaaye

Gurxanka iyo goohaba intuu, gununuco oo reemo

Ways kula ganaa waa ninuu, ciil ku gaaxsamaye

Goorada intuu kaga dhaco oos, guudka kaga boodo

Oo gadh iyo laba daan qabtoo, gudub usoo tuuro

Markuu aad u galalaatiyo ees, dibir gawaan raacsho

Lafihiisii waa inay gotaan, giigtirnaan jiraye

Oo uu guuxa weyntiyo ka jabo, gulibidaa dheere

Oos war i gunaanada yidhaa, gaal kastuu yahaye!

 

Guubaabadaadii wataa, say ku gorortaaye

Kuway gibishu kuu saaran tahay, waa gaday mudane

Caqligaad gamuun kala heshiyo, gudumodaadiiye

Indhahana go' baad kaga xidhaa, ood ku gunudaaye

Dhagahana gufaad kaga jartaa, kuna gamuurtaaye

Halkaad gaysanaysaaba waa, god iyo booraan e

Waa kaad gandaalka u sidaa, ood u godoshaaye

Waa kaad goofaadhidaa, eed gagabisaaye

Waa kaad gafsiisaa ra'yiga, eed ka gudhisaaye

Gallad inuu qabuu moodayaa, waase ruux gab ahee

Adaaba guuldaro usoo sidee, wuunan garanayne

 

God aan laga baxayn iyo waxaad, goof u qarisaaba

Gabal dhiciyo saad dooni waa, meel gudcur ah keene

Garab bay lahayd daadah iyo, maliyo gaadaane

Nabsi qabaha guubaabiyaay, saa adoow galiye

 

Biyo gororay goortay dagaan, waa halkii godane

Kibir bay guntaadii dhanayd, gow kusoo tidhiye

Oo geedada waxaad kaga jirtaa, kii gumaysta ahee

Gobonimo qofkii doonayaad, garab-wagliishaaye

 

Iyadoon barwaaqadu gudhayn, gu' iyi jiilaalba

Oo gayiga Soomaaliyeed, Gureey u baaqaayo

Gayigaanu joognaba wixii, soo gashaad tahaye

Gamuunkoo mariidliyo intuu, waran ku googooyey

Gaashaanka tii lagu dhuftayee, gowda laga saaray

Ee guutadii qaabishiyo, gabaska hayn weyday

Ee jeeray gacmaha hoorsadeen, gaasku daba joogay

Ee ay waraabaha u gogleen, gudurideey loogtay

Ee uu gabaabsiyey qabkii, meesha daran geeyay

Gugumana codkiisaad ahayd, geedo qaaqla ahee

 

Muddo gaaban gaar iyo intaad, gooni naga joogtay

Gashin kale adoo muujiyey oo, galab caraabaaya

Gadmataye haddana goor dambaad, noola timid guuxe

Subaxdaana geesh dhaartayoo, gaydh u diriraaya

Oo Maxamed guubaabiyoo, gabayada u sheegay

Gamaankiina soo fuulayoo, dhab u gadoodaaya

Iyo gobol Daraawiish ahoo, geeddanaa yimide

 

Wuxuu galalafkeenii batoo, la is garaacaaba

Markii gulufkii Soomaaliyeed, libin ku geeraaray

Isticmaarkii noo soo gudbay baa, goob xun joogsadaye

Ganba dumarta waa tay xidheen, Reer Galbeedyaduye

Ninse gataati dhacay waa inuu, gadangadeeyaaye

Muddo gaban ah shaale intaan, gowle tumanaynay

Waxaad soo gadiday baa ahaa, gooshi xeel sida e

 

Waase god aan ilduufnoo kale iyo, leylo goboleeye

Mar aan gama' sanayn iyo mar aan, gole ka doodnaaba

Siddii dhays lo' gugeed buuxsamiyo, ama shinkeed gaadhay

Geed qariya saakaan lahayn, ciil gadhoodhsamaye

Gumiciyo bilaawaha naftii, lagala giigaayey

Gaaguun tirkeed wakaa, loo gudoonsadaye

Is gaacoodinaysaa danbuu, gaaruf kuu imane

Galaayuuska xiimiyo intaan, gaylab kugu heesin

Gurmo-go'anba waxaa kaa samayn, goodirada howde

 

Murugada guraabaastay baa, kugu galaydhyeyne

Goorahana saadaashu way, kugu gandoodaaye

In aad kaalintaa gabtay buu, galowgu sheegaaye

Guuguulihii faaliyee, baalasha is gooyey

Isba gamashigaaguu arkiyo, gaajo kuu imane

Sababtaadii oo gaamurtiyo, gabawar kuu baaqye

 

Garuun wadkaa sitaa, guul fadhiisiya ahe

Boolidu goggay naaxisay buu, golongol haystaaye

Gamboor weeye geedkuu cuniye, haw malayn Godore

Galaxsigiyo kaa waw bilaash, gaawe buuxsiguye

 

Waxa lagu ganbiyayaaba waa, gorofti caydheede

Gasac iyo geraax diiday oo, dhimatay googaaye

Goonkiyo guxuusaagii aad, kala gunaynaysay

Guulaamadaa muuqataa, soo gabaanadiye

Oo daadkaa gufaacada wataa, kaga gariirsiine

Ganbiiraashkii aad soo bartiyo, gool cunkaa hodaye

Dhaaxuu libin ku geeraarayee, goojaduu barane

 

Is gundhin iyo guul guul haddii, laga gayoon waayo

Gabgablayni kuma caawisiyo, faan gobshaysiguye

Nabadii garoobaysay ee, loo gayaxa duubay

Kol haddaan gidiba loo helayn, amay is guunguuntay

Ninkay godobsanaysaa intuu, laad usala gaabsho

Waa in uu gadaamada jaraa, ooy galgalataaye

Markii laga gilgilo baydidaa, kii gunada haystay

Goros iyo is gaylamaan iyo, gadhadhac mooyaane

Inuu giriftamaa waa waxaan, goorna la arkayne

Waase gogosha doonkii intaa, kaad galaafanuye

Gardarooy ninkaagii adaa, gowracaa badiyee

Gardarooy ninkaagii adunbaa gowracaa badiye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sowtii afku juuqda gabay markii lagu yidhi:

 

 

Burrusow Dameerow

Biyo ceel ma keenow

Hadba dhaan ku biirow

Beelaha aroorka ah

Iska daba boqoolow

Bulsho waxay ku leedahay

Geela baadi soocdiyo

Sumaddiyo birqaabka leh

Boodaanta wada xidhan

Meeyey baarqabkiisii

Baqal looma tu'iyee

Yaa baacso kugu yidhi?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Barabaraale shabeel iyo heesihii hawraawi intaad ku wareegaysan ,

 

Sowtaan ku idhi :

 

Fardo guul aroor iyo cokani, looma kala goyne

Geelaan ceelka tubay looma darin, gaawe maax kulule

Gargaar Eebahay baa la siin, sharaftaa goomoone

Gudguduudkii waagaa u baryaye, galabba ma ahayne

Qof walaalkii gaday meel shishaa, laga ganaaxaaye

Gar fidaa'i lagu jiifiyaa kii baday gugiiye

Gacal uu xigaalkood hagraday, gocosho dayn waaye

Haddii awal gafuurkii xidhnaa, jiitin laga gooyey

Gabayadaan kusoo sheegi jiray, gool xawariyoobay

Iyo guuguulihii faaliyee, baalasha is gooyey

Garnaqsiba intaan kuugu daray, geed ka fara weyne

Miyaan kaala gaabsaday maxaad iila garan wayday?

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ido boqol kun gaadhoo

Barqanaaya doog baan

Hadba baal u rogayaa

Bahalaha ka rebayaa

Barkan maayo gacantoo

Baashaali maayee

Cabdiyow bal ila soco

 

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Aroortay yimaadeen iyagoo, awr faruun xidhane

Irriduu yaxoobaa siddii, ood fadhiisin ahee

Uurtuu ka reemaa siddii, igadh cayuumeede

 

Cirka oo unkadi buu yidhaa, adhiga ii looge

Aqal aad ah buul ooraluu, ka ag samaystaaye

Aagaamuhuu kala yaqaan, ta u iniin roone

 

Aboodaan ka gubi buu yidhaa, ubad fayoobaaye

Istalaab xun buu kaga dhigaa, meeshan oofta ahe

Ilamahan galabtuu iman, aabihii dhalaye

Afcastuna markaasaay dishaa, kabadhe ******e

 

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Ma dhaweyn goortaan ku dhahay ,,,

 

Gurdan raaca googaatamoow gaabsadaan odhane

Gocorkiyo ardaa-niijiyoow hooy gabaan idhiye

Halkay gumacyadaydu u socdaan waa gun iyo baare

Af gurrani hadduu goob yidhaa wuu guracayaaye

 

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Murtiddaadu Booshaaq

Badhax iyo cindiid iyo,

Sida caanihii baqay

Buqbuqood hadday tahay,

Anna biirta maansada

Ereyada baryoodka ah

Balalaan ka qaadaa.

 

Baashaal hadday tahay

Markaad gurato beesado,

Buculloow manaam iyo

Riyo lagu ballaysimo;

Adaa boowe seexdee

Anuu baal ma soo rogo.

 

Hadday buur ku joogtoo

Buska hoose neceb tahay,

Anuu boodhka kama kaco.

 

Buubaal hadday tahay

Oo baalal leedahay,

Waa baayadeedee

Badhidaan ku siqayaa.

 

Hadday biira-biiriyo

Bakhti iyo nijaas tahay;

Oo booli lagu sabo

Bisinkaan ka haystaa.

 

 

Hadday seebab bixisoo,

Badaa cido ku dhaqan tahay

Baan loogu talo galay,

Waxa biisay oo qudh ah

Barrigaan ku noolahay.

 

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Ninka buraan burahayow , 100 sano ayaa laga jooga markuu yiri...

 

Guban iyo Burciyo Looyo waa, gaalib weerar e

Gooddiga Arooraa fardaa, lagu garmaamayne

Gaaroodi iyo waa la tegi, buurihii Golise

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this